Dadka Laba Luuqadood Ku Hadlaa Waa Ay Ka Maskax Furan Yihiin, Ka Fursado Badan Yihiin, Kana Xusuus Fiican Yihiin Kuwa La Midka Ah Ee Af Keliya Ku Hadla (2)

0
700

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii ka waramaysay faa’idooyinka ay caafimaadka maskaxda iyo aragtida qofka u leedahay in uu laba luuqadood iyo ka badan ku hadli yaqaannaa. In qofka laba af ku hadlaa dhinacyo badan uu wax ka eego, laakiin qofka af keliya ku hadlaa uu shayga u muuqda uun is dul taago.

Cilmibaadhistan lagu ogaanayey kala duwanaanshiyaha maskaxeed ee dadka afka keliya ku hadla iyo kuwa labada af ku hadla waxaa lagu caddeeyey in dhismaha dhinaca naxwaha ee dabcan luuqaduhu ay ku kala duwan yihiin ay saamayn kala duwan ku leeyihiin maskaxda qofka, iyada oo weliba hadba afka uu ugu isticmaalka badan yahay qofku uu noqdo kan saamaynta ugu badan ku yeesha hadalkiisa, dhaqankiisa iyo fahamkiisa nolosha iyo adduunka intaba, xitaa haddii aanu afkaas uu isticmaalkiisa badsaday ahayn afkiisa hooyo.

Cilmibaadhistani waxa kale oo ay daahfurtay in kala duwanaanshiyaha naxwi iyo cabbiraadeed ee luuqaduhu in ay samayn ku yeelato aragtida iyo hab-dhaqanka dadka, tusaale ahaan luuqadaha qaab-dhismeedkooda naxwe ee hawraartu uu miisaanka saaro ama soo horumariyo natiijada ka dhalanaysa ficilka sida afka Jarmalka in dadka ku hadlaa ay u badan yihiin in fikir ahaan ay mar kasta xoogga saaraan midhaha ka dhalanaya ficillada dadka, laakiin maadaama oo afka ingiriisigu dhime ahaan sidaa ka duwan yahay in dadka ku hadlaana ay xoogga saaraan ficilka oo ay fikirkiisa ka soo horreysiiyaan ka fikirka waxa ka dhalanaya.

Ugu dambayntii daraasaddan oo uu Geeska Afrika soo koobay waxa ay tilmaamaysaa in dadka labada af iyo ka badan ku hadli yaqaannaa ay inta badan dhinacyo kala duwan ka eegaan arrimaha ay go’aan ama aragti ka qaadanayaan, sidoo kale waxa ay awood cilmi u leeyihiin in odorosi karaan midhaha ka dhalan kara hadba xaaladaha jira, taas oo ay aad ugaga fiican yihiin dadka afka keliya ku hadla. Ugu dambayntiina nuxurka daraasaddani waa in afka aad ku hadashaa uu saamayn muuqata ku yeesho aragtidaada dunida, qaabka hadalkaaga aad u gudbinayso iyo guud ahaanba habka aad u fikirto oo dhan. Dhammaad