Shirkii Golah Dhexe Xisbiga WADDANI Muxuu Ku Soo Kordhiyey Hab-dhaqanka Siyaasada Somaliland?Dr. Maxamed Cismaan Fadal

0
646

Maxay Ahaayeen Ujeeddooyinka Shirka loo qabatay? Ma gaadhay Shirku ujeedooynkaas? Maxaa Cusub ee Shirkaas Xisbiga WADDANI ku biirinayaa Siyaasadda Somaliland?

dr-fadal

Ujeedooynika SHirka waxaynu ku soo uruurin karnaa:
1. In sharciga Xisbiga la waafajiyo, korriinkii xisbigu sameeyey intii ka dambaysay markii uu ku guulaystay innuu ka midnoqdo saddexda Xisbi Qaran ee Dastuurku jideeyey: muddadaa waxaa Xisbiga ku soo biiray inta badan uruuradii aan iyagu ku guulaysan in ay soo baxaan; waxaa ku soo biiray kooxo iyo shakhsiyaad iyagu aan markaa xisbiba ku jirin; waxaa ku soo biiray kooxo iyaguna sidii beelnimo isu abaabulay; waxaa ku soo biiray garab xisbiga KUMIYE ka tirsnaan jiray oo wada garanaysaan, waa kii Isbahaysiga Dimuqraadiga, ee ay ka tirsanaayeen Wasiiradii Miisaanka ku lahaan jiray dawladda Madaxweyne Axmed Silanayo ee iska casilay. 

Ujeedadaa kowaad Shirkii Golaha Dhexe ee Xisboga WADDANI wuu fuliyey: Waxa shirka lagu ansaxiyey qodobadii lagu kaabay xeerkii Xisbiga lagu asaasay, oo ka ay mid ahaayeen, korordhka tirada Golaha Dhexe; wax-ka-beddelka qaabdhismeedka Xisbiga uu laba qodob oo muhiim ah lagu soo kordhiyey: 1. Guddomiye Ku meel-gaadh ah oo qodob wakhti go’an uun dhaqangalkiisu ku eegyahay (sunset clause) iyo 2. Hoggaamiye oo leh shaqo mucayin ah oo xeerka ku qoran; 3. Qodobo qalamaanyo ah oo ku soo biiray ama wax laga beddelay. 

2. In uu doorto musharaxiinta Xisbiga WADDANI ugu tartamayo in uu qabto xukunka dalka Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah kursiga Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-Xigeenka. Waxaa xisbga gudahiisa ka soo tartamay: hal musharax ee kursiga Madaxweynaha iyo tododoba musharax ee kursiga M-K-X. Si daah-furan, ayey u kala hadheen saaxiibadii ku tartameyey, kursiga M-K-X oo ay isku soo hadheen,  labada musharax. 

Ujeeddada labaadna iyana si buuxda ayuu u fuliyey Shirki  Golaha Dhexe ee Xisboga WADDANI ee qabsoomay 19-21kii Oktoobar, 2016. Waxa musharaxa Madaxweynah loo doortay Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro); waxaa musharax Madaxweyne Ku-Xigeenka loo doortay Ambassador Maxamed Cali Cabdi. 

3. In la soo bandhigo Barnaamijka uu Xisbigu ku gelayo doorshada, isla markaana laga ansaxiyo shirka. Waxa maalin kaamil ah loo qoondeeyey, in shirka lagaga dodo Barnaamijka Xisbiga, oo la isla qaato, iyo in uu mar walba u furanyahay in la kaabo  oo la naqdiyo. Ujeedadaasna wuu fuliyey Shirku oo wuu ansaxiyey, Barnaamijka Xisbga WADDANI. 

Maxaa Cusub ee Xisbiga WADDANI ku biiriyey saaxadda siyaasadda Somalildn ee kaga duwanyahay labada Xisbo Qaran ee kale? 

Wuxuu ka dhabeeyey oo hirgeliyey, mabda’ii uu ku asaasmay ee ahaa in laga baxo xisbi uu qof tuurta ku sito, marka dambena u eekaada in beelo ku bahoobeen oo uu u xidhanyahay. Xisbiga WADDANI wuxuu ka dhashay, furitaankii saaxadda xisbiyada qaranka ee Madaxweyne Axmed Siilayanyo hirgeliyey. Markii Guddidii uu arinkaa u saaray ay dalka ku soo wareegeen, waxay Muwaaniinta Somaliland si buuxda ugu codeyeen in ay diideen Xisbi qof leeyahay ama reer leeyahay. Waxay u codeeyeen in Xisbiyadu yihiin hanti qaran, haddii  tiradooda saddex Dastuurku ku koobay, waa in ay saddexdaasu ummadda ka dhexeeyaan. 

Haddaba maanta wuxuu hirgeliyey Xisbga WADDANI himiladaa ummadda Somaliland ay lahayd ee ah in hantida qaranka la wada yeesho, oo ay u horayso hantida siyaasaddu oo ah kuraasta qaranka. Haddii uu WADDANI maanta horseeday wax-wada lahaansho heer Xisbi, marka uu xukunka yimaadona, wuxuu fiulinayaa wax-wada lahaanshaha kuraasta golayaasha, kuraasta xukuumadda, shaqooyinka dawladda, qandaraasyada dawladda iyo hanti iyo khayraada kasta oo Jamhuuriyadda Somaliland maanta leedahay ama ay mustqbalka dhalin doonto. Waxa ka dhex-muuqanaya Xisbiga WADDANI siyaasiyiin ka mid ah kuwa ugu meeqaamka sareeya ee ay eeganayaan

bulshooyinka  Bariga, Dhexda iyo Galbeedka Somaliland oo dhami, kuwaas oo hadaf midhasan leh oo ah in isbeddel xalaal ahi ku yimaaddo habka doorashadiisa xorta ah, isla markaasna Somaliland dadkeedu is aaminaan oo wax-wada yeeshaan.

 WBT

Dr. Maxamed Cismaan Fadal

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Xisbiga WADDANI