Dadka Aad U Buuran Iyo Kuwa Dhuuban, Ee Uu Dhiigkarku Hayaa, Khatar Isku Mid Ah Ayaa Ay U Yihiin Wadne Xanuunka iyo Dhiig-furanka Maskaxda

0
655

Hargeysa (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo ay dhowaan sameeyeen xeeldheerayaal ka tirsan kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda North Western ee gobolka Chicago dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in khatarta ah in qofka ay ku dhacaan cudurradda ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga ay u siman yihiin dadka aadka u dhuuban iyo kuwa miisaankoodu uu saayidka yahay.

Cilmibaadhis lagu sameeyey 3’657 oo qof oo aan qabin cudurrada wadnaha, Macaanka iyo kansarka ka hor intii aan daraasadda lagu bilaabin, ayaa ay cilmibaadhayaashani muddo dheer oo ay xaalkooda la socdeen kadib ogaadeen in dadka miisaankoodu isu dheelli-tiran yahay ee aan macaanka lahayni ay noqdeen kuwa ugu yar ee uu wadne xanuunka iyo dhiig-furanka maskaxdu ku dhaceen, halka dadka ay xanuunnadan u dhaceenna ay u badnaayeen kuwa miisaankoodu aadka u sarreeyo. Laakiin dhinaca kalana waxa ay daraasaddu ogaatay in dadka miisaankoodu yahay intii ku habboonayd caafimaad ahaaniyo dadka miisaankoodu aadka u sarreeyo ee laakiin labaduba qaba dhiigkarku ay u siman yihiin wadne xanuunka, dhiig-furanka maskaxda, xanuunnada ku dhaca xididdada dhiigga iyo guud ahaan xaaladaha caafimaad darro ee ka dhasha dhiigkarka, taas oo macnaheedu noqonayo in qofka dhuuban iyo ka buuran ee dhiigkarku hayaa ay u baahan yihiin feejignaan isku mid ah.