Dad Ku Dhintay Dagaal Gelinkii Dambe Ee Maanta Ka Bilaabmay SOOL

0
605

Sool (Geeska) – Dagaal ayaa gelinkii dambe ee Maanta ka qarxay deegaanka lagu Magacaabo Dhabar-dalool oo ka mid ah deegaanka Holhol ee Degmada Xudun ee Gobolka Sool ee Somaliland.

Dagaalka oo u dhexeeya laba Beelood oo halkaa wada dega, ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Mareegta Wararka ee Hiiraan Online, ayaa soo werisay in dagaalka ay ku dhinteen illaa 10 qof oo labada dhinac ah, isla-markaana uu jiro dhaawac.

Illaa hadda si rasmiya looma oga, waxa dagaalku ka dhashay ee uu Salka ku hayo, laakiin Wararka hor-dhaca ahi waxay sheegayaan in beel ka mid ah labada Beelood doonaysay inay Ceel-biyood ka qodato deegaanka Dhabar-dalool oo Holhol ka mid ah, balse ay Beesha kale u aragtay inay deegaamayn wadaan, sidaasi darteedna ay diideen, taasi oo dagaalka dhalisay.

 

Geeska.net/Hargeisa Office