Somaliland Oo Wer-wer Weyn Ka Muujisay In Soomaaliya Lugaha La Gasho Dagaalo Sokeeye, Farmaajo-na Ku Eedaysay Kelitalisnimo

0
563

Hargeysa (Geeska) – Dawladda Soomaliland, ayaa qoraal rasmi ah oo ay ka soo saartay xiisadda siyaasaddeed ee Soomaaliya, waxayna walaac kaga muujisay xaaladda hadda ka dhex taagan dawladda iyo mucaaridka.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Jamhuuriyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in Somaliland ka walaacsan tahay Xaaladda Soomaaliya ku sugan tahay inay waxyeeli karto Amniga guud ee Mandaqadda Geeska Afrika, haddii Nabadgalyo-darro iyo dagaallo sokeeye dhacaana ay Dad badan ku khasbi karto inay u qaxaan meelo Somaliland ka mid tahay.

Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland ayaa sheegtay “Ismari-waagga siyaasaddeed ee maanta jira wuxuu caddeyn u yahay dulmiga, iyo hoggaaminta macangagga ah ee Taliska Farmaajo, oo khatar buuxda ku ah amniga iyo xasiloonida gobolka, taasi oo suurtogal ah in ay Soomaaliya geliso dagaal sokeeye oo hor leh oo laga yaabo in lagu khasbo kumannaan shacab ah in ay u barakacaan dalalka deriska ah oo ay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu sheegay Warka qoraalka ah ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland, kaasi oo intaa ku daray “Waxaanu ku adkanaynaa dowladaha deriska la ah Soomaaliya inay feejignaadaan oo ay ilaaliyaan nabadda iyo xasiloonida gobolka.”

Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland oo keli-talisnimo ku eedaysay Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa lagu amaanay shacabka reer Muqdisho, kuwaasi oo Wasaaraddu ku sheegtay inay yihiin dad u adkaystay Xabadda Al-shabaab iyo kelitalisnimada Farmaajo.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland waxa lagu bogaadiyey Golaha amaanka Qaramada Midoobay oo sii wada cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya “Waxaanu bogaadineynaa go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey ee ahaa in Cunaqabateynta Hubka ee saaran (Soomaaliya) lagu sii hayo.” Ayaa lagu sheegay qoraalka, kaasi oo intaa ku daray “Waxaanu beesha caalamka ka codsaneynaa inay laba jibaarto dedaalkeeda la socodka inaan hub dheeraad ah la keenin Soomaaliya xilliyadan.”

Wasaaraddu waxay qoraalkeeda ku sheegay “Tan iyo markii ay dib ula soo noqotay qaranimadeedii, Jamhuuriyadda Somaliland waxay ahayd ilays dimuqraadi ah oo ka ifaya gobol, waxayna ku guuleysatay inay qabsato doorashooyin xor iyo xalaal ahaa oo is xig-xigay tan iyo 2002, si nabad galyo ah oo xukunka loogula kala wareegay, Mar labaad, 31-ka May, dadka reer Somaliland waxay u dareerayaan doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo baarlamaanka. Sidaa darteed, waxaan ka codsaneynaa Beesha Caalamka inay si toos ah ula macaamisho Jamhuuriyadda Somaliland oo ay wax ka kororsato waayo-aragnimadayada..”

Geeska.net/Hargeisa Office