Arrimaha Caafimaadka: Cudurka Macaan-ka iyo Soonka

0
515

Ramadaan Mubaarak. Akhriste, waxa aynu qormada maanta ku lafa guri doonaa mid ka mid ah cudurada lala noolaado kaas oo ah macaan ka. Macaanka ayaa noqda dhawr nooc oo ay ugu caansan yihiin Type-1 iyo Type-2. Nooca labaad ayaa ah kan aynu maanta faaqidayno. Noocan ayaa ah mid aan si rasmi ah ugu tiirsanayn qofku in uu qaato insulin. Waxa xusid mudan in uu cudurkani yahay mid ay qasab tahay in si joogto ah loo xakameeyo ee aanay ahayn in daawada la qaato keliya marka uu xadka ka baxo.

Waa cudur ku suntan sonkorta dhiiga ku jirta oo badata iyada oo ay ugu wacan tahay dheecanka loo yiqaan Insulin oo yaraada ama unugyada jidhka oo ka jawaabi waaya, Waxa mararka qaar la arkaa in dheecan ku lid ah Insulin shaqadeedu uu ku bato dhiiga.

Insulin waa dheecaan uu soo daayo ganacu ( Pancreas) oo ka qayb qaadata in ay sonkor-tu (Glucose) ay gasho unugyadeena si ay uga soo saaraan tamar uu jidhku ku adeegto, isla markaana uu hoos u dhaco xadiga sonkorta ah ee wareegaysa dhiiga.

Cudurkan ayaa inta badan saameeya dadka da’doodu 40 jir ka weyn tahay waxaa se la arkaa waqtiyadan dambe dad da’doodu yar tahay oo yeesha cudurkan walow ay u badan yihiin dad qoyskoodu marka horeba leeyihiin.

Cudurkan ayaa leh astaamo badan oo ay ka mid yihiin , harraad badan, kaadi badan iyo qofka oo dhuubta. Maanta waxa aynu dul istaagaynaa sidee ayuu qofka macaan lihi u soomi karaa? Maxay tahay dheefta uu u leeyahay soonku macaanka? Maxaa kaga iman kara qofka macaanka leh soonka?

Qofka macaanka leh ayaa ah mid u soomi kara sida qof caafimaad qaba. Waxa uun muhiim ah in uu isu dheeli tiro dawada uu qaadanayo iyo cuntada soo galaysa jidhkiisa. Ma aha sida dad badani qabaan in hadii uu qofku soomo uu cuni karo waxa uu doono amaba uu joojin karo gebi ahaanba dawada. Waxa kale oo mudan Iyana in la xuso in jimicsigu isna yarayn karo sonkorta wareegaysa, sidaa darted ay tahay in laga la tashado dhakhtar iyo adeege caafimaad si uu kuugu hago habka ugu haboon ee la isu waafajin karo. Ma lihi hala joojiyo jimicsiga laakiin waxa uu caawin karaa qof uu macaankiisu kacsan yahay halka uu ridi karo qof ay sonkortiisu yarayd.

Soonka ayaa u leh badi dadka la nool cudurkan faaido badan oo ay ka mid yihiin:-

Miisaanka oo yaraada

  • In uu jidhku u nuglaado dheecaanka insulin
  • In ay hoos u soo dhacdo sonkorta dhiiga wareegaysaa
  • In ay yaraadaan halbeegyada lagu la socdo kacsanaanta macaanka

Waxa laga ma maarmaan ah in dadka qaata dawada Insulin iyo qaar ka mid ah daawooyinka  macaanku ay la tashadaan dhakhtaradooda si hoos loogu dhigo oo aanay u keenin in uu macaanku dhaco.

Waxa dhacda in mararka qaar uu dhaco macaanku ama ay xoog u yaraato sonkorta dhiiga wareegaysaa, taasina ay keento xaalado ay ka mid yihiin awood darro, dawakhaad, yalaalugo iyo in uu qofku gaadhaba heer uu miyir beelo. Hadii aad dareento macaanka oo dhacsan waxa kuu fiican in aad jebiso soonka isla markaana aad qaadato cunto. Maskaxda bini aadmigu ma xamili karto in ay ka yaraato sonkortu iyada oo aan haysan kayd ay sii isticmaasho.

Waxa mudan in uu qofku si joogto ah u cabiro macaanka si loola socon karo xaaladiisa caafimaad. Waxa dhici karta in dhakhtarku kaa yareeyo ama joojiyo dawooyinka qaar, waayo cudurkan marar badan waxa uu ku saxmi karaa hab nololeedka oo la hagaajiyo kaas oo uu ka mid noqonayo soonku.

Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan

Email: deeqadahab17@gmail.com