Xildhibaan Weli Axmed Xaawa Oo Si Adag U Cambaareeyay Xadhiga Ganacsade Cumar Caydiid

0
617

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Wali Axmed Xaawa oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sharci daro iyo cadaalad daro ku tilmaamay xadhiga ay Xukuumaddu u geystay Ganacsade Cumar Caydiid, waxaanu sheegay in xadhigisa iyo xoriyadiisa laga qaaday ay tahay dulmi yo gef.

1111111111111

Xildhibaan Wali Axmed Xaawa oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Aniga oo la jooga Ganacsade Cumar Caydiid, ayaa la xidhay, xadhiga la xidhay sharci looma soo marin, Maxkamadi may amrin, in Ganacsadahaas xoriyadiisa laga qaado, oo la xidho waxa aan u arkaa inuu yahay dulmi iyo gef iyo in xoriyadiisa lagu gefay, waana markii labaad ee la xidho Ganacsadahan”.

 Xildhibaan Wali Axmed Xaawa ayaa mar uu ka hadlaayey Xukuumadda yidhi “Xukuumaddani halkii ay ka sugi lahayd amaanka iyo nabadgaliyada ayey iyadu abuuraysa baalayo iyo nabadgaliyo daro,waxay doonaysaa inay isku dirto oo ay isku dhufato beelaha walaalaha ah, maxa yeelay haddii aanay wax kale u jeedin warqad kale may soo saarteen, oo wey arkaysaa inuu Ganacsadahani Tiyaartarka dhistay, oo intaas oo meherdood ay ka dhisan yihiin, dad aad iyo aad u badan ayaa galaya Tiyaatarka markaas haddii la yidhaahdo Barkinkii ayaa cid kale la siinayaa waa dhibaato aad u xun, markaas wixii dhibaato ah ee halkaas ka dhasha waxa masuul ka ah Xukuumadda”