Dabeecadaha Iyo Shakhsiyadda Qofka Magaciisu Uu Ka Bilowdo Xarafka ‘N’

0
1952

Picture10Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Lixaad ee taxanihii uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey xidhiidhka ka dhaxayn kara xarafka ugu horreeya magaca qofka iyo dabeecadihiisa ama shakhsiyaddiisa:

Xarafka N:

Niifiin Abu Shaalah oo mar kale la hadlaysay shakhsiyadda qofka magaciisu N ka bilowdo ayaa tidhi, “Qof isma lure ah oo isaga oo aan is dhibin hawlihiisa gala , kalgacal badan, nolosha guulo ka samayn kara, dadka ku xeeranina aad u jecel yihiin”

Xeeldheerayaal kale ayaa iyaguna arrintan ku raacsan Niifiin Abu Shaalah, waxa aanay sheegayan in xarafka N uu u taagan yahay, xiise badnaan, xasaasinimo iyo khayaali, qofka uu magaciisu ku bilowdana lagu yaqaanno in shayga uu u gacan qaado ama laabtiisu u muhato uu ku talax tago. Tusaale ahaan haddii uu jacayl qaado si dhab ah oo xagjir ah ayaa uu u jeclaan. Mana jiro wax ka joojin kara ama xuduud ka soo xidhi karta hawsha uu u gacan qaado. Waa ruux xorriyadda jecel, diyaar u ah is-tijaabinta iyo in waxa cusub iyo is-beddelka ka baqin. Waa ruux tamar badan, ruux yaqaanna sida uu u raalli gelin karo una kool-koolin karo ruuxa uu jecel yahay.

Waa qof aad ugu xariif ah ka faa’idaysiga hadba waayaha iyo marxaladaha is bedbeddela ee nolosha. Waa qof dareen feejigan aadna u hammo badan (Jecel xidhiidhka jinsiga ah). Waxa uu mar walba jecel yahay in dadka aanu ka dhex bixin, waxna la qaybsado, laakiin waxa dhici karta in arrintan dad dhex jooga uu ku talax tago oo ay noloshiisu noqoto mid dad iyo arrimo bulsho la ciir-ciiraysa.

Ceebta ugu weyn ee uu leeyahay waa in uu yahay qof ku celceliya khaladka uu sameeyo oo aanu khaladka mar ka dhaca ku cashar qaadan.

XARAFKA O:

Xarafka O oo uu ku bilowdo magacaagu wawxa ay astaan u tahay in aad tahay ruux jecel in uu dadka la wadaago kaftan iyo maararrowga xilliga firaaqada, laakiin haddana waxa aad tahay ruux khajilaad badan oo jecel in uu doonistiisa iyo arrimaha uu wato qarsado. Ruux naxariis badan oo dadka u dabacsan, laakiin jecel in ruuxa uu nolosha la wadaagayaana (xaaska/sayga) uu sidaas oo kale noqdo, haddii kale waa ay kugu adag tahay in aad farxad nolosha kula wadaagto. Ceebahaagana waxaa ka mid ah in mararka qaarkood jacaylka iyo qalbi jileecuba kaa tan bataan oo ay taasina sababto in aad xaqiiqooyin badan dhinac marto.

Waxa uu caan ku yahay firfircooni, waxa lagu yaqaannaa waxooga u fiirsi iyo khayaali nacayb ah. Waa xaraf dhaqaala, waxa aanu awood u leeyahay in uu is muujiyo iyo in uu soo jiito dareenka iyo indhaha dadka. Waa qof aad isu bed bedeli og. Waxa aanu awoodaa in uu la qabsado duruuf kasta oo adag. Waa qof aaminsan arrimaha diinta, marka uu hadal jeedinayana waxa uu caan ku yahay caadifad.