Daanyeer Leh Weji U Eeg Aadam Murugaysan Ayaa Dood Ka Dhex Dhaliyey Malaayiin Qof Oo Baraha Bulshada Isticmaala

34
2883

Beijing (Geeska)- Sawir laga soo qaaday daanyeer ku dhaqan dalka Shiinaha ayaa maalmihii u dambeeyey si yaab leh u qabsada baraha kala duwan ee bulshadu ku xidhiidh, xiisaha ay arrintaasi leedahay oo gaadhay in warbaahin kala duwani ay daanyeerkaas warkiisa dib u raadiso warbixino waafi ahna ka samayso.

Daanyeerkani waxa uu leeyahay muuqaal si yaab leh ugu eeg wejiga aadamaha. Ma daanyeer baa? … Haddii uu daanyeer yahay, shucuurta wejigiisa ka muuqataa ma murugaa, mise sida ayaa uu u eeg yahay? .. Haddii ay murugo tahay maxaa daaray, duruufta intaas le’eg ee shucuurtiisa sidaas u beddeshay ma mid aadame ku keenaa mise waa mid isaga iyo daanyeerrada kale u dhexeysa? … Ma jiraan daanyeerro kale oo isaga u muuqaal eeg … ? Haddii ay jiraan ma Shiinaha ayuun baa ay ku nool yihiin oo sidaa awgeed daanyeerkani waxa uu noqonayaa daanyeer Shiine ah, mise dunida kalana waa laga helayaa? Su’aalahaas iyo tobannaan la mid ah ayaa maalmihii u dambeeyey ku dhex wareegayey baraha bulshada doodo iyo kaftan xiise badanna ka abuuray.

Daanyeerkan waxaa laga soo sawiray beerta xayawaanka ee Tianjin oo ku taalal dalka Shiinaha. Sawirka waxaa qaaday dalxiise beertan yimi, oo muuqaalka yaabka leh ee daanyeerkani uu soo jiitay. Markiiba waxa uu geliyey baraha bulshada ee internet ka, waxa aana saacadihii u horreeyey la daawaday 1 Milyan iyo madh jeer.

Mid ka mid ah dadka rayigooda ka dhiibtay sawirkan oo uu la yaabay, ayaa ku hoos qoray, “Ma hubtaa in sawirkani aanu ahayn waardiyihii beerta xayawaanka” Kuwo kalana waxa ay muhiimadda saareen in ay maloawaalaan sababta uu daanyeerkani u murugaysan yahay, iyaga oo qaarkood faduulinimada iyo dhib abuurka aadamaha eedda saaray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here