Guddiga Diiwaangelinta Oo Laashay Murashaxiinta Ay UDUB U Xushay Doorashada Dambe, Deedifayntii Cali Warancade Iyo Soo Dhawaynta Cismaan-Hindi

0
633

 

udubfffHargeysa(Geeska)-Guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda ayaa laalay murashaxnimadii uu xisbiga UDUB dhawaan ugu doortay Cali Maxamed Warancade iyo Axmed Xaaji Daahir Cilmi, inay noqdaan murashixiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenka ee xisbiga, waxaanay guddigu sheegtay inay doorashadaasi waxba kama jiraan tahay.

 

Guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda ayaa qoraal ay shalay u direen guddoomiyaha xisbiga UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin, waxay ku sheegeen inaanu golaha dhexe awood u lahayn inay murashixiin caleemo saaraan. Waxa ay guddigu qoraalkooda ku sheegeen inay caleemo saarka murashixiintaasi ka hor imanayso qodobka 11aad ee dastuurka xisbiga u yaala, waxaanay sheegeen inaanay doorashada murashixiintaas waxba ka ka jirin ilaa la qabto shirweyne xisbigu leeyahay, waxaanay guddigu sheegtay inay shaqadoodu tahay ilaalinta shuruucda xisbiyada iyo ururada u taala. Hase yeeshe Cali Maxamed Warancade, ayaa guddiga ku gacan saydhay qoraalka ay soo saareen, “Arintaasu waxa weeye dhidar onkad kiciyay, waana niman aan runtii ka yaabay siday u fikirayaan, waxaanay muujinaysaa masuuliyad darada xilka la saaray, aniga oo taas aad ugu xun waxa ay doonayaan inay wadanka fadqalalo ka abuuraan, oo tii hore ee ay gaysteen ayaynu ogayn ee sida foolxumada ah ee ay ururadii u kala saareen, waxaana dhacday ururo badan oo ay nin  jeclaysi ku reebeen, dhibkeediina dalku uu khatar ku galay ilaa maantan ay socoto, maantana waxay u soo dhigteen xisbigii balaadhnaa ee alle haw naxaristee uu Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal dhisay, ee dalkan halkaas soo gaadhsiiyay inay waxyeeleeyaan, waxaanay awoodi kari waayeen inay sharciga xisbiga wada akhriyaan.” Sidaas ayuu yidhi Mr. Warancade oo uu Geeska Afrikaxalay wax ka weydiiyay sida uu u arko go’aanka guddiga diiwaangelinta, waxaanu isagoo ka hadlaya qodobka 1aad ee xeerka UDUB oo ay gudigu cuskadeen uu yidhi “ Qodabka 11 faqradiisa afraad waxa ay sheegaysaa in golaha dhexe uu awood u leeyahay inta u dhaxaysa labada shirweyne isbadal  iyo kaabis kasta inay samayn karaan, shirweynuhuna uu ansixiyo ama wax ka badalo. Markaas labada shirweyne inta u dhaxaysa waxa awood wax ka badalka iyo kaabista iska leh golaha dhaxe, shirweynuuna waa uu ansaxinkaraa waxana waa uu ka badali karaa. Arintanina maaha mid shaqadooda ah, kala saarida murashaxiinta waxa ku shaqo leh komishanka qaranka, iyagana shaqadooda maaha, waxaana ka markhaatiya imika doorashadii deegaanka ayaa la galayaa cida musharaxiinta kuwo shuruudii buuxiyay iyo kuwa aan buuxin kala saaraysaa waa komishanka, iyaga wax ka quseeya musharax madaxweyne, deegaan ama baarlamaan haba’yaraatee ma jiraan.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “ Tusaale ahaan qoladan Ucid markay musharaxnimada ku wareejinayeen musharax Jamaal Cali Xuseen shirweynana may qaban, mid gole dhaxena may qaban, mid fulineedna may qaban, waxay xaq u leeyahiinbay sameeyeen, oo xaflad intay qabteen ayay ku wareejiyeen musharaxnimadii sidiina waa uu ku shaqeeyaa, mudana waa uu shaqaynaayay, waanay joogeen, markaas waxa kuu muuqata nimanku in aanay sharci ilaalinayne ay yihiin niman wax kale ku jiraan, hadday sharci ilaalinayaana kuwaas naga horeeyay ayay qaban lahaayeen.”

Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-Hindi) oo ka tirsan xisbiga UDUB, horena u cambaareeyay murashixiinta UDUB ee lagu dhawaaqay, ayaa soo dhaweeyay go’aanka guddiga diiwaangelinta. Cismaan-Hindi oo isna xalay u waramay Geeska Afrika, wuxuu yidhi “Saaxiibkay Warancade wuu u qalmaa murashax madaxweyne iyo inuu dalka hoggaamiyo,laakiin anigu saaxiibaday UDUB oo uu Cali Warancade ugu horeeyo hore ayaan ugu sheegay oo waxaan Cali ku idhi  sharciyadii Jamaal Cali Xuseen daadifaysay ayaa ku hortaala. Markaas go’aankan guddiga diiwaangelinta waxaan u arkaa in sharciyadii dalka lagu dhaqmay. Saaxiibkay Warancade waxaan ku idhi guul laba saacadood ahi guul maaha. Markaas go’aankaas guddiga waan soo dhawaynayaa waana  go’aan sharciya.”