Cuqaal Iyo Odayaal Xukuumadda Ugu Baaqay In La Soo Daayo Boqor Raabi

0
760

 

Picture5Hargaysa( Geeska )-Odayaal iyo cuqaal ka tirsan Beesha Ciidagale, ayaa codsatay in xorriyadiisa loo soo celiyo Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi, oo loo haysto safar uu ku tagay Muqdisho.

Odayaashan oo shalay shirjaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa ay xukuumadda ugu baaqeen in deg deg xorriyadiisa loogu soo celiyo, waxaanay sheegeen inay ka xunyihiin inaan ilaa hadda boqorka la horgayn maxkamad dacwadiisa lagu dhagaysto.

Waxa kale oo ay odayaashani sheegeen inay ka xunyihiin xadhiga boqorka oo ay ku tilmaameen mid macno darro ah, iyagoo sheegay inuu ilaa hadda u xidhanyahay baadhis keliya.

Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi, ayaa dhawaan laga qabtay magaalada Hargeysa ka dib markii uu ka soo noqday safar uu ku tagay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Somaliya.