Golaha Ammaanka Oo La Filayo Inuu Dabciyo Cunaqabataynta Hubka Soomaliya

0
661

 

Picture4New York (Geeska/AFP)- Golaha amaanka ayaa la filayaa inay denciyaan cuna-qabatayntii hubka ee saarnayd Soomaaliya, si loo taageero dagaalka ay kula jiraan argagaxisada, sida diblomaasiyiin sheegeen shalay.

Xukuumada Maraykanka ayaa taageersan olole Soomaliya ugu jirto in lagu joojiyo cunq-qabataynta, halka Faransiiska iyo Ingiriisku ka soo horjeedaan in hubka loo ogolaado dalkaa, oo xilligan buuxdhaafo hubku.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah qorshe la doonayo in lagu cusbonaysiiyo waajibka AMISOM, oo la meel marin doono arbacada wiiga dambe.  Golaha amaanka ayaa ku soo rogay cuna-qabataynta hubka 1992, ka dib markii hogaamiye-kooxeedyadu ku dagaalameen maamulka Soomaliya, markii la riday Siyaad Barre.  Diblomaasi Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Ingiriisku diyaarinayo xeer, shuruudo cusub qoraya, laakiin, wlei wada xaajoodkiisu ma bilaabmin.  Golaha ayaa la filayaa inay go’aamiyaan debcinta hubka muddo sannad ah si xukuumadu u soo iibsato hub aanay ku jirin noocyadda, lidka diyaaradaha, sida la sheegay.  "Waxa jira dood sheegaya in xukuumadu madaxbanaani adeegsato, dhinaca kalena weli waxa jira cabsi laga qabo nabadgelyadda,” ayuu sheegay diblomaasigu. "Xukuumada Soomaliya waxay xilligan doonaysaa in loo arko dal madaxbanaan oo la taageerayo, halkii dal gacanta lagu hayo anay isu arkin,” ayuu raaciyey. “Ragii xumaa hub ayey helayaan, ragii wacnaana hub ma helaan.” Xoghayaha Guud, Ban Ki-moon ayaa sidoo kale shuruud ku xidhay qaaditaanka cuna-qabataynta. "Balaadhinta hawlgaladu waxay u baahan yihiin dhisitaanka ciidamo qaran,” balse waxuu ka digay in shabaab ka faa’iidaysan karto fursad walba.