Cuntooyin Dalka Laga Heli Karo Oo Carruurta Ka Caawinaya In Ay Dheeraadaan

0
769

Ma’ Ogtahay in nidaamka nafaqo ee qofku helayaa sida uu miisaanka xidhiidh ula leeyahay, si la mid ahna uu joogga qofka ugu leeyahay?! Jacaylka aadamuhu u qabo dhererku waa arrin laga siman yahay rag iyo dumarba. Waxa aana cilmi ahaan la og yahay in hidde-sidayaashu ay masuul ka yihiin jaangooyada joogga qofka, laakiin iyada oo ay taasi jirto, haddana lama dafiri karo xaqiiqada ah in uu jiraan noocyo ka mid ah cuntada oo caawiya xoojinta koritaanka iyo korodhka joogga qofka, waxa aana taas ka marag kacaya cilmibaadhiso kala duwan oo la sameeyey.

Waxaa caadi ahaan la og yahay in dhererka qofku uu da’ la yaqaanno ku joogsado, sidaa awgeed cidda doonaysa in ay cuntooyinkan aynu xusi doonno ee dhererka caawiya ka faa’idayso, waxaa lagula talinayaa in ay ku dadaalaan in carruurta iyo da’ yara siiyaan si uu dhererkoodu u koro.

Warbixin lagu qoray shabakadda arrimaha caafimaadka ka faalloota ee Bold Sky oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Al-Carabiya ayaa lagu sheegay in ay jiraan cuntooyin badan oo saamayn ku yeesha joogga qofka, laakiin Geeska Afrika waxa uu akhristayaashiisa u soo gudbinayaa qaar ka mid ah cuntooyinkaas oo uu u arko in ay yihiin kuwo si dhib yar looga heli karo dhulkeenna.

1. Beedka: Beedku waxa uu hodan ku yahay barootiinno kaalin aasaasi ah ku leh korodhka dhererka, sidaa awgeed waxaa waajib ah in carruurta si maalinle ah loo siiyo beedka. Si uu jidhka ilmuhu u helo caafimaad iyo dhererk.

2. Koostada: Koostadu waa cuntooyinka dahabiga u ah carruurta iyo da’ yarta korniinka ku jirta, waxa ay xoojisaa hab-dhiska difaaca, waxa ay kordhisaa dhererka jooggai lmaha, waxa aanay hodan ku tahay xadiidka iyo Kalshiyaamta oo caafimaadka u leh faa’idooyin badan.

3. Cambe Lafka: Maangaha iyo khudrado kale oo badani waxa ay hodan ku yihiin faytamiin ‘A’ in khudraddan la badsadaana waxa uu ilmaha iyo carruurta ku jirta da’da koritaanka u dammaanad qaadayaa dherer fiican. Waxa kale oo ay khudraddu wanaajisaa hab-dhiska difaaca waxa aanay xoojisaa lafaha iyo guud ahaan jidhka.

4. Midhaha (Cuntada galka leh): Cuntooyinka galka leh, waxa ay u fiican yihiin kordhinta dhererka, tusaale ahaan qamandiga ayaa ah cuntada ugu fiican dhinaca korodhka dhererka ilmaha.

Qamandigu waxa uu qani ku yahay Faytamiin ‘B’ iyo Xadiidka, sidaa awgeed waxaa fiican in cuntooyinka la dubayo sida roodhida, laxooxda iyo sabaayadda loo isticmaalo budada qamandiga ah. Cuntooyinkan ayaa dhammaantood caawiya dhererka ilmaha koritaankiisa.

5. Digaagga: Hilibka digaaggu waa il muhiim ah oo laga helo barootiinka xoojiya koritaanka ilmaha iyo dhererkiisa.

6. Daba-casaha: Daba-casuhu waxa uu hodan ku yahay Faytamiin ‘A’ oo la og yahay in uu dardar geliyo hawlaha koritaan ee jidhka, aadna u caawiyo dhererka joogga ilmaha.

7. Caanaha: Caanuhu waa ilm aasaasiya oo laga helo Kalshiyaamta, waxa aana la og yahay in Kalshiyaam ay xoojiso lafaha, isla markaana kordhiso dhererka, sidaa awgeed waxa ay dhakhaatiirta nafaqaynta ubadku ku taliyaan in maalin kasta ilmaha la siiyo koob caano ah, gaar ahaan subaxda hore. Waxa aanay tilmaameen in caanuhu ay u fiican yihiin guud ahaan caafimaadka dadka oo dhan.