Culimada Oo Si Adag Uga Hadashay Xeerka Bangiyada Ee Ku Salaysan Ribada Ee Horyaala Golaha Wakilada

0
577

Hargeysa(Geeska)-Qaar ka mid ah ulimada ugu waaweyn ee wadanka ayaa shalay waxay khudbadihii Jimcaha ee Masaajidada Hargeysa kaga hadleen Xeerka Bangiyada Ribada ah ee la horgeeyay Golaha Wakiilada.

Culimadu waxay dhammaantood ka hadleen xukunka sharciga Islaamku ka qabo, oo ah in ay xaaraan tahay, waxa kale oo ay ka hadleen dhibaatooyinka bulsho iyo dhaqaale ee ay leedahay, cadaabka adag iyo goodiga Illaahay (sarreeye) dul dhigay cidda Ribada cunta ama xalaashata. Waxa kale oo ay culimadu baaq u direen Golaha Wakiilada in ay illaahay (swt) ka cabsadaan, oo aanay ansixinin xeerkaasi, oo si toos ah uga horimanaya Sharciga Diinta Islaamka.

Xukunka Sharciga ah ee Ribada:

Iyada oo Culimadu ay dhammaantood si isku mid ah uga hadleen xukunka sharciga ah ee Ribada, waxa ka mid ah culimadii ka hadashay khadiibka Masjid As-Sacaadah, Sheekh Cismaan Cali Xuseen (Cismaan Laangadhe): Waxana ka mid ah hadaladiisii, oo uu soo qaatay Aayadaha Qur’aanka  iyo Axadiista Nebiga (calayhi salaatu wa salaam):

 

Illaahay (subxaanah) waxa uu yidhi:

?????????? ????????? ?????????? ????????? ??????? ????????? ??? ?????? ???? ?????????? ??? ??????? ???????????? ?

“Kuwa Illaahay iyo rasuulkiisa rumeeyow, Illaahay ka cabsada, kana taga Ribada wixii hadhay hadaad iimaan leedihiin”

?????? ????? ??????????? ??????????? ???????? ????? ??????? ??????????? ????? ??????? ???????? ??????? ???????????? ??? ??????????? ????? ????????????

 

“Hadaad sidaas sameyn waydaan, waxaad ogaataan dagaal idinkaga imanaya xagga Illaahay iyo Rasuulka; hadaad toobad keentaan waxaa leedihiin raasamaalkiinii; idinka oo cidna aan dulminin; idinkana aan la idin dulminin.”

 

Surah Al Baqarah, Aayadaha 278-79

 

Rasuulka (csw) waxa uu yidhi: “Rasuulka Illaahay waxa uu nacdalay (waa qofka oo laga fogeeyo naxariista illaahay) ka ribada cuna, ka ribada cunsiiya, iyo ka qoraaga ah iyo kuwa markhaatiga ka ah”.

 

Waxa kale oo uu Rasuulku (scw) uu yidhi; “Qofka uu jidhkiisu ku koro ama ku biqlo xaaraan waxa xaq u leh Naar”.

 

Khadiibka Masaajidka Al-Ansaar, Sh. Cabdillaahi Xasan Barbaraawi, waxa isna hadaladiisii ka mid ahaa, isaga oo sheegay in Ribada oo la xalaashado keenayso in qofku ku gaaloobo, waxa uu yidhi: “Ninkasta oo ka mid ah Baarlamaanka, waxa aan leeyahay ma rumaysan tahay Ribaddu in ay xaaraan tahay, haddii uu yidhaah HAA, dee haddaa maxaad u xalaalaynaysaa wax Illaahay (SWC) xaaraantinimeeyay. Haddii uu yidhaahdo in ay xaaraan tahay ma rumaysni, halkan (Somaliland) uu ku nool yahay oo ay joogaan culimadii, cilmigiina uu yaalo, Illaahay looga cudurdaari maayee, waa kufri taasi (Gaalnimo)" .

 

Ciqaabka & Dhibaatooyinka Ribadu leedahay:

Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir, oo isna ka hadlay salaadii Jimce ee shalay  dhibaatooyinka Ribada leedahay, waxa uu yidhi "khudbadan waxaa sababay xeer baarlamaanka horyaala oo dad ganacsatada ka mid ahi dabada ka wadaan, meeye masuuliyiintii u dhaartay inay diinta iyo dalkaba ilaaliyaan? Dhaarta ma kursiguunbaa lagu fuulayey".

Sheekh Dirir, wuxuu sheegay dhibaatooyinka ribada, waxaanu soo qaatay qodobadan:

Waa balaayada ugu weyn ee haysata muslimiinta ee ay soo waaridaan gaalada iyaga oo dhanka baananka islaamiga ah u soo socda.

Cidda cunta iyo cida ku caawisaba, nacdasha Alle ayaa qiyaamaha ku dhacda.

Waxay ka mid tahay danbiyadda waaweyn ee lagu halaagsamo .

Waa waxyaabaha keena cadhada Alle ee ummaddaha lagu halaago.

Gabogabadeedu waa khaasaare iyo xoolo yaraan (sida ku dhacday cidii isticmaali jirtay)

Sababaha ummadaha lagu dooriyo (haddii aan muuqaalkoodu doorsamina, caqligooda ayaa doorsama)

Way ka danbi weyntahay 36 jeer oo qofku sinaysto.

Ribadu waa 73 qaybood, ta ugu sahlanina waa in uu ninku hooyadii guursado (ka sinaysto) subxaana laah.

Asbaabaha loo Xaaraantimeeyay:

Sh. Ciise Maxamuud, oo ka ah Khadiibka Masjid As-Salaam, waxa uu isna ka warramay asbaabaha loo xaaraantimeeyay qaar ka mid ah: “Asbaabaha ribada loo xaarantimeeyay way badan yihiin, waxase ka mid ah: Waxay abuurtaa is-nacayb iyo cadaawad, waxay keentaa in ay dad gaar ah ay noolaadaan, dulmi ayay abuurtaa gaar ahaan ribada deymaha iyo amaahda gasha. Waxay keentaa Wahsi iyo shaqaysi la’aan; qofku wuxu ku isku haleynayaa lacagtaasi uu bangigaga dhigtay ee dulsaarka uu ka helayo, ha la faa’iido ama ha la khasaaro.”

Baaqii Culimada ee Golaha Wakiilada

Masaajidka Cali Mataan, waxa isna khudbadii Jimcaha shalay  ka jeediyay Sh. Mubaarak Muuse, waxana uu sheekhu  baaq u soo jeediyay Baarlamaanka Somaliland, isaga oo ku adkeeyay in aanay umadda u horseedin halaag iyo dagaal ilaahay. sheekhu waxa uu baarlamaanka u sheegay inay masuuliyaddoodu tahay shacabka islaamka ah iyo wixii dantooda ah, balse arimo diinta islaamku mamnuucday inaanay farta u taagin; albaab sharna aanay ku furin mujtamaca.

Sh. Mubaarak, waxa kale oo uu Baarlamaanka u soo jeediyay inay u fiirsadaan halka dhaqaalihii dunidu ku socdo iyo sida ay wadamadii gaaladu ugu foogan yihiin sidii ay nidaamka dhaqaalaha ee islaamiga ah u qaadan lahaayeen, “Ma galaadii halkay ka soo yaaceen ayaan u sii waydaaranaa” ayuu yidhi Sheekhu.

 

 

Sh. Cabdullaahi Xasan Xaashi (Barbaraawi) oo isna la hadlaya Golaha Wakiilada, waxa uu yidhi; “Xataa Distoorka Somaliland, waxa si cad ugu qoran Ribadu in ay xaaraan tahay. Waxa kale oo ku qoran qodob kasta oo shirciga islaamka ka  hor-imanaya inuu yahay waxba kama jiraan; tolow kaas halkay ka marinayaan, haddii Kitaabkii Illaahay (SWC) iyo Sunnadii Rasuulka (SCW) la iska indha-tiro.

 

Sheekh Cabdullaahi, isaga oo la dardaarmaaya xildhibaanada waxa uu yidhi, "Waxa aan leeyahay, waar dalkiina,  dadkiina iyo diintiina u tudha oo xeerkaasi yaanu meelmarin"

 

 

“Maadaama hore loo ansixiyay Xeerkii Bangiyada islaamiga ah, in xeer bangiyo ribo ku salaysan wadanka laga hirgeliyo ma waxay noqonaysaa laba qolo ayaa wadanka ku nool; kii horena Islaamka ayaa loo ansixiyay, kan kalena dad kale ayaa lo ansixinayaa” ayuu yidhi Sh. Ciise Maxamuud.