Culimada Oo Ka Digtay In La Ansixiyo Xeerka Baananka

0
514

Hargeysa(Geeska)-Culimada waaweyn ee Somaliland ayaa golaha wakiilada ugu baaqay inaanay ansixin xeerarka Baananka oo ay ku tilmaameen inuu yahay xeer ribo ah oo aan banaanayn.

1

Shirjaraa’id oo ay culimadu ku qabatay shalay Hargeysa, waxay xeerkaas ku tilmaameen mid aan banaanayn in la ansixiyo. Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in xeerkaasi yahay xeer aan waafaqsanayn shareecada islaamka oo ogolaanaya in la furo baananka ribada ogol. Sheekh Dirir wuxuu sheegay in qofka shilin ribo ah cunaa uu ka daranyahay qofka sinaysta 36 jeer.

Sheekh Dirir wuxuu farriimo u diray ganacsastada dalka qaarkood iyo golaha wakiilada. Wuxuu Sheekh Maxamed Ganacsatada ugu baaqay inay ganacsigooda geliyaan dhaqaale xalaal ah, “Waxaanu ganacsatada uga digaynaa maalkii inuu xaaraan noqdo maadaama oo aanu idinka idinku eegaanayn ee uu cid walba gaadhayo duulduulkiisu.” ayuu yidhi Sheekh Maxamed oo intaas raaciyay “Sidaas daraadeed dhaqaaluhu wuu inaga dhexeeyaa waxaan jecelnahay  wixii wanaagsan ee xalaal ah inaad wax ku soo kordhisaan ee xalaal ah.”

Sheekh Dirir, wuxuu kale oo farriin u diray golaha wakiilada oo uu xasuusiyay inay dareemaan masuuliayda oo uu Alle kala xisaabtami doono. “Wakiilada waxaan leenahay waa muhiim inaad masuliyada dareentaan oo Alle wuu idin kala xisaabtamayaa, umaduna way idinku eegaysaa.” ayuu yidhi Sheekh Dirir oo intaas raaciyay  “Raadka aad dhigto maanta waxa laga yaabaa adoo xabaalan in lagugu cadaabo xumaanta uu leeyahay markaas waa in masuuliyada la dareemo   oo mabaad’iida la ilaaliyo, masaaliixda mabaadiidaa ka horaysa.”

Sheekh Maxamed wuxuu sheegay in xataa dunida reer galbeedku ay hadda arkeen dhibaatada ay leeyihiin Baananka ribadu, waxaanu shacabka Somaliland ugu baaqay inay ka feejignaadaan baanankaas. Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay culimo kale oo golaha wakiilada u soo jeediyay inaanay ansixin xeerkaas.

Geesta kale, shirkan jaraa’id ee culimada ayaa waxa ka muuqatay inay si midaysan u waajaheen mawduucan iyagoo aan u kala hadhin, waxaana shirka jaraa’id ee culimada laga arkayay culimadii oo aan u kala hadhin. Waxaana muhiim in la eego mawqifka culimada la tixgeliyo oo looga dambeeyo arrimaha shareecada.

Sidoo kale culimada ayay muhiim tahay in looga dambeeyo arrimaha shareecada, maadaama oo ay yihiin culimo takhsusaad u leh arrimaha shareecada.

Si kastaba ha ahaate golaha wakiilada ayaa laga filayaa inay laalaan xeerkaas baananka.