Cudurro Dunida Mahlakeeyey Qarnigan Kow Iyo Labaatanaad Iyo Caabuqyo Caan Noqday (Q:2)

0
641

Hargeysa (Geeska)- Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakado ay ka mid tahay Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah cudurrada dunida lagu arkay qarnigan 21aad, ee aan hore u jirin ama aad u yaraa ama muddo hore inta ay dabar go’een soo laba-kacleeyey.

Cudurradan oo qaarkood ay galaafteen nolosha kumannaan dad ah ayaa ku dhacay dalal kala duwan, laakiin aynu si gaar ah u soo qaadannay kuwa warwarka ku abuuray dalalka ka baxsan dalka ay ka dillaaceen, iyo dunida oo dhan kadib markii la arkay in ay si xawli ah oo sahlan u fidi karaan.

4. Hargab doofaarka:

Hargab doofaarka waxaa dhaliya Fayras lagu magacaabo Swin Influenza virus oo afka caafimaadka loo soo gaabiyo (SIV), waa Fayras caado ahaan ku dhaca hab-dhiska neefsiga doofaarka, oo si daran u faafa, waxa aanu inta badan xeryaha doofaarka lagu dhaqo ka dillaacaa dhammaadka xilliyada dayrta iyo jiilaalka. Fayraska cudurkan sababa waxaa lagu magacaabaa H1N1 Waxaana la aaminsan yahay in dadka uu uga yimid doofaar qaba oo ay taabteen ama si uun u gaadhay neeftoodu, ama xeryo iyo goobo uu joogi jiray doofaar cudurkan qaba, ama waxa ay ka qaadaan qof kale oo isagu qaba. Waayo marka uu qofku qaado dadka kale waa uu u sii gudbin karaa. Gaar ahaan marka qof cudurkan qaba uu qufaco Fayraskan waxaa ka qaadi kara dadka ka agdhow, hindhisaduna waa la mid, sidoo kale marka uu qofku taabto shay Fayraskani uu ku yaallay, kadibna gacmihiisa oo fayraskii sida isaga oo aan dareensanayn uu sankiisa ama afkiisa taabto.

Cudurkan waxaa bilowgii sannadkii 1976kii lagu arkay dalka Maraykanka waxa aanu ku dhacay 200 oo qof, laakiin qof keliya aya uu dilay, sidoo kale waxa uu isla dalka Maraykanka ka dillaacay sannadkii 2005ti in kasta oo aanu markanna cid dilin.

Calaamadaha cudurkani waxa ay la mid yihiin uun kuwa hargabka caadiga ah, sida xumadda, dhuunta oo caabuq galo, jidh xanuun, matag iyo neefta oo uu qofku qawadu.

Sannadkii 2009kii ayaa uu cudurkani mar kale ka dillaacay dunida, waxase uu markan geystay khasaare aad u badan oo nafeed. Iyada oo dadka u dhintay tiradooda lagu qiyaasayo 151’700 illaa 575’400 oo ruux.

5. Ebola:  

Ebola Virus disease oo loo soo gaabiyo (EVD) waa cudur uu sababo Fayraska Ebola, inta badanna marka uu jidhka laba maalmood illaa saddex toddobaad ku jiro ayaa la gartaa in qofku uu cudurkan qabo. Calaamadihiisana waxaa ka mid ah xummad, cuna xanuun, muruq xanuun, madax xanuun, yalaalugo, matag, shuban, waxase uu dhaqso u weeraraa beerka iyo kelyaha oo uu fadhiisiyo waxa aanu qofka ku keenaa dhiig bax gudaha jidhka ah oo dibadda uga soo baxa. Xayawaankan oo la aaminsan yahay in uu asalkiisa ka yimid Fiidmeerta ama daanyeerka oo laga cuno dalalka uu bilowgii ka dillaacay, waxaa caadi ahaan lagu kala qaadaa dhiigga io dheecaannada jidhka qofka uu ku dhacay oo gaadha qofka bed-qaba.

Cudurkan waxa uu aad u dillaacay sannadkii 2014kii, illaa maantana waa uu jiraa. Dadku uu ku dhacay waxaa lagu qiyaasay illaa 28’638 ruux waxaana inta la og yahay u dhintay, 11’316 ruux taas oo ku dhow kala badh. Inta badan dadka uu ku dhacay waxa ay u dhasheen dalalka Guinea, Libeeriya, Siraaliyoon.

6. Fayraska Zika

Fayraska Sika waxaa keena kaneecada Aedes loo yaqaanno, Carabtuna ku magacowdo Saacij oo firfircoon ama dadka qaniinta xilliga maalintii. Magaga Zika waxa uu asal ahaan ka soo jeedaa keyn ku taalla dalka Uganda waana halkii markii ugu horreysay laga helay Fayraskan sannadkii 1947kii.

Fayraskan oo dunidu muddo dheer ka nabad qabtay waxa uu si weyn u dillaacay sannadkii 2015ka illaa maantana dhibtiisu dunida warwar weyn ayaa ay ku haysaa, iyada oo inta la og yahay uu ku fiday illaa 23 dal.

Cudurkani dhib badan qofka ku kuma keeno, caadi ahaanna looma dhinto ama xitaa aad looguma sakaraado laakiin dhibtiisu waxa ay tahay, sida la aaminsan yahay haddii uu ku dhaco hooyo uur leh ama ilmo markaa dhashay waxa uu ku keenaa in madaxu yaraado oo uu ku joogsado indhaha dushooda. Weliba cilmi ahaan arrintaas weli looma xaqiijin ee tijaabooyinka horudhaca ah ayuun baa sidaas muujinaya.

Bishii koowaad ee sannadkan 2016ka waxaa dalka Brazil lagu arkay qiyaas ah 3’893 carruur ah oo madaxu yar yahay loona malaynayo in hooyadood uu cudurku ku dhacay intii ay uurka ku jireen, waxaanai llaa hadda dhintay 49 ka mid ah carruurtaas. Dhammaad.