Coronavirus: 7 Qalad Oo Ay Gashay Hay’adda Caafimaadka Adduunka Ee WHO (2)

0
1219

Waa qaybtii labaad ee qormada aynu ku eegayno qaladaadka ay hay’adda WHO gashay muddadii xanuunka COVID-19 jiray, oo qaarkood la sheegayo in niyadwanaag sababtiisu ahayd, waxaa ka mid ah:

  1. Socdaalka adduunka

Muddo dheer ayaa ay hay’adda WHO ka shakisnayd muhiimadda ay leeyihiin go’aamada lagu joojinayo isu socodka dalalka, si loo yareeyo faafitaanka Korona-Fayras, mana ay ku dhiirran go’aan xitaa markii ay dalal badani joojiyeen in laga tago ama looga soo socdaalo dalka Shiinaha.

Go’aan la’aanta WHO waxa ay keentay in dalal badani aanay ku degdegin in ay joojiyaan isu socodka dhexmarayey dalalka kale, taasina ay qayb ka qaadatay in xanuunku uu si aad ah u sii faafo. WHO waxa ay go’aankan ku dhiirratay goor dawladaha adduunka badankoodu qaateen go’aano ay ku joojinayaan isu socodka.

  1. Maskaarada

Hay’adda caafimaadka adduunka u qaabilsan qaramada midoobey ee WHO magaceeda loo soo gaabiyo ayaa marar badan ku celcelisay in isticmaalka Maskaaradu uu ku koobnaato dadka ka shaqaynaya caafimaadka. Laakiin goor dambe oo xanuunku si aad ah u faafay ayaa ay ku talisay in dhammaan dadku ay xidhaan si looga hortago in xanuunku faafo.

Arrintani waxa ay noqotay fadeexad kale oo dad badani ku doodaan in hadalka fududaynta isticmaalka Maskaaradu uu keenay dhayalsi iyo in qaar badan oo ka mid ah dawladaha adduunku ay dadkooda ku qasbi waayeen muddadii hore oo dhan, taasina ay xanuunka faafistiisa sii badisay.

  1. ‘Coronavirus’ hawada kuma faafayo

Hay’adda caafimaadka ayaa bilowgii marar badan ku celcelisay in aanay jirin wax caddaynaya in Fayraska Koroona uu hawada raaco oo sidaas lagu kala qaadi karo. Taas oo la aaminsan yahay in ay muddo dib dhigaysay cabsidii ay dadku ka qabi lahaayeen isu dhowaanta labada qof.

Mar dambe ayaa cilmibaadhiso ay sameeyeen xeeldheereyaal kala duwani waxa ay caddeeyeen marka uu qufaco, hindhiso ama si uun afkiisa qoyaan hawada raacaa uga soo baxo qofka Fayraskan sidaa, in Fayraskaasi uu hawada gelayo, oo weliba muddo saacado ah sii dhex sabbayn karo, taasina ay keenayso in qof kasta oo hawadaasi gaadhaa uu qaadi karo cudurka COVID-19.

Ceebahaas tirada badan ayaa dul hoganaya hay’adda caafimaadka adduunka, waxaana lagu dhaliilayaa in ay gabtay kaalintii rasmiga ahayd ee ay ahayd in ay ka qaadato faafinta xogta la xidhiidha xanuunka iyo isku xidhka dagaalka caalamiga ah ee lagula jiro COVID-19. Si kastaba ha ahaato ee waxa aanu shaki ku jirin in dalal iyo dadyow badani ay hab siyaasadaysan uga faa’iidaysteen gaabiskan, waxaana ka mid ah dalka Maraykanka oo isaga qudhiisa lagu eedaynayo in madaweyne Trump gaabiska xukuumaddiisa kaga baxsanayo ceebaha loo jeedinayo WHO.

Waxaa iyaduna run ah in hay’adda WHO ay tahay hay’ad ay wada leeyihiin qaramo kala duwani, sidaas awgeed ay ku qasban tahay in aanay dawlad gaarkeeda u dhaliilin, ama ugu yaraan in aanay bannaanka soo wada dhigin ceebaha dawladaha xubnaha ka ah, kuna qasbantahay in ay ixtiraamto tallaabooyinka ay dawlad kastaa gaarkeeda u qaadayso.

Gefefka ay gashay WHO ayaa la filayaa in ay sababi doonaan in dhowaan ay dalalka horumaray qaarkood ka shaqeeyaan dhismaha hay’ad kale oo caafimaadka adduunka qaabilsan. Inkasta oo ay u dhowdahay in aanay WHO tirtirmayna, haddana soobixista hay’addaasi haddii ay suurtagasho ama soo kicidda hay’adaha caafimaadka adduunka ka shaqeeya ee haddaba jira balse awoodda yari, waxa ay dhirbaaxo ku noqon doontaa hay’adda WHO iyo guud ahaan Qaramada midoobey oo laan muhiima oo ka mid ahi ay kalsoonidii lagu qabay hoos u dhacayso. Waana surutagal in ay ugu dambaynta sababto in baadhis rasmi ah lagu sameeyo hay’addani sida ay u maamushay arrinta Coronavirus iyo xidhiidhka iyada iyo China ee xanuunkan la xidhiidha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here