Sababaha Keeni Kara In Shaybaadhku Uu Badqab Ku Sheego Qof COVID-19 Qaba Iyo Sida Looga Hortegi Karo

0
702

Malaayiin qof oo adduunyada ku nool ayaa laga shaybaadhay Coronavirus, kuwaas oo isugu jira kuwo xanuunka laga helay oo liiska bukaanka ee sida xawliga ah u kordhaya lagu daray iyo kuwo caafimaad qaba. Haddaba, Inkasta oo qalabka hadda loo isticmaalo shaybaadhka ee RT-PCR uu ka mid yahay qalabyada ugu casrisan, uguna natiijada fiican ee lagu baadho Fayraska Corona, waxaa hadda la ogaaday in uu marar badan soo saaro natiijo aan sax ahayn, gaar ahaan dad xanuunkan COVID-19 qaba oo uu ku sheegay badqab. Sida uu ku warramayo wargeyska ‘Daily Mail’ ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, arrintani waxa ay ka dhacday dalal badan oo Maraykanka iyo Yurub ka mid yihiin.

Marka lagatago cilladaha farsamo ee caadi ahaan dhici kara, waxaa jira laba sababood oo ay khubaradu sheegeen in ay qaladkan khatarta ah keeni karaan:

  1. Sida la ogyahay shaybaadhka Coronavirus waxaa lagu sameeyaa saambal dheecaan yar ah oo laga qaaday gunta hoos ee sanka ama hunguriga kaddib marka ul cudbi yar wadata lagu dhaadhiciyo qaybta sare hunguriga. Nasiibdarro se waxaa la ogaaday in dadka Fayraskan qaba qaarkood, aan fayraska laga helayn dheecaanka laga qaaday dhuunta ama sanka gudihiisa fog ee uu kaga xidhmo dhuunta. Waxa aanu markaas oo kale ku jiraa gudaha sambabada.

Inta badan fayraska Corona waxa uu ku dhex tarmaa labada sambab, waxa aanu markaba soo saaraa dareere / biyo badan oo xidha marinnada hawada, taas oo ah sababta keenta in qofka ay neeftu ku adkaato.

Si dhuumashadan lagu waayi karo Fayraska looga hortagana waxa ay khubaradu ku talinayaan:

In aan lagu kaaftoomin dheecaankan, gaar ahaan marka uu qofku leeyahay calaamadaha xanuunka COVID-19 ee dheecaankan laga waayo. Balse ay waajib tahay in sambabada laga sawiro iyada oo la isticmaalayo X-Ray, (CT SCAN ama qalabka la midka ah). Taas oo haddii qofku uu COVID-19 qabo markaba muujinaya in sambabadiisa uu dareere / biyo buuxiyeen. Dadka xanuunkan qaba ee lagu sameeyey sawirkan, ayaa sambabadooda cidhifka hoose lagu arkay baro caddaan ah, taas oo ah calaamad xaaladaha ay u taagnaan karto uu ka mid yahay in sambabka hawadu qayb ahaan buuxdo, waana arrin lagu go’aan qaadan karo in uu Fayrasku ku jiro sambabada.

  1. Qaladka labaad ee dhaca ayaa ah degdeg ka yimaadda qofka shaybaadhka qaadaya, oo isaga oo aan usha uu sanka ama dhuunta qofka gelinayo fogeyn soo qaata dheecaan aan ahayn kii saxda ahaa, ama ka sokeeya halkii uu deggenaa Fayrasku, taasina ay keento in qofka oo qaba uu mishiinku sheego in uu badqabo. Arrintan xalkeeda ayaa ay khubaradu sheegeen in ay tahay saddex arrimood oo muhiim ah:

 

  1. In la hubiyo tayada dawlada shaybaadhka lagu samaynayo,
  2. In la hubiyo tababarka iyo aqoonta shaybaadh ee qofka qaadaya saambalka iyo kan baadhayaba.
  1. In Shaqaale ku filan dadka loo diro, si aanay u dhicin qofka shaybaadhka qaadaya oo dareensan culayska dadka sugayaa in uu degdego

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here