Ciyaarta Musaaracada Ee Sida Arxan Darrada Ah La Isu Garaacaa Ma Runbaa Mise Waa Jilid?

0
255

Inkasta oo ay ka mid tahay ciyaaraha adduunka loogu daawashada badan yahay, haddana muddo badan oo ay jirtay weli waxa uu muran ka taagan yahay dhab iyo dheel dheel midka ay yihiin falalka arxan darrada ah ee laga arkaa. Si kataba ha ahaato ee, sannadihii u dambeeyey waxaa soo ifbaxaya xaqiiqada dadka xiiseeya ciyaartani ay ku ogaanayaan in aanu dagaal run ah ahayn ee ay tahay bandhig waxkastaa sii qorshaysan yihiin.

Dr. Ashraf Xaafid oo ah tababaraha kooxda Musaaracada ee dalka Masar ayaa mar uu dhowaan u warramay shabakadda wararka ee Aljazeera waxa uu sheegay in dagaalka musaaracadu uu yahay keliya jilis. Isaga oo sheegay in la soo xulo hadba xubnaha ciyaarta gelaya, kaddibna si fiican loogu tababaro falalka jilista ah ee mid kastaa qofka ka soo horjeeda ku samaynayo inta ay ku guda jiraan golaha dagaalka” ayaa uu sheegay Dr. Ashraf, waxa aanu tusaale u soo qaatay in haddii aynu yarayno xawaaraha uu ku socdo muuqaalku (Fiidyowga) ciyaartan laga duubay, aynu si fudud u arki karayno in nabarka qofka lagu dhufanayaa aanu ahayn run. Sida oo kalana jawaabta uu qofku ka bixinayo nabarka ku dhacay ay ka horreyso intii aanu nabarka ama darbadda jilidda ahi ku dhicinba. “Haddii ay run tahay in nabarradaasi qofka ku dhacayaan, waxa ay marar badan ku keeni lahayd gariir maskaxda ah oo qofka ku dhaca, waxaa arrintaas si fiican u fahmaya xeeldheereyaasha ciyarta feedhka” ayaa uu yidhi.

Tababaro Ashraf oo ah macallinkii Karam Jaabir oo ku guulaystay biladdii feedhtanka ee ciyaarihii olambikada sannadkii 2004 oo ka dhacday magaalada Athene see dalka Giriiga. Waxa uu sheegay in ixtiraam la’aanta ay ciyaartoygani u muujiyaan garsooraha iyo cadhada ay isku abuuraan, cadaafimadda ay muujiyaan marka midkood la legdo ee loo tirinayo saddexda, in ay waxaas oo dhami ka mid yihiin arrimo ku talagal ah oo kor loogu qaadayo xiisaha uu daawaduhu u qabo ciyaarta, iyo in uu rumaysto waxa dhacaya.

Waxa uu sheegay in muuqaallada ka mid ah ciyaartan ee inta badan fashiliya been abuurkeeda, soona noqnoqda ay ka mid tahay marka ciyaaryahanku uu dhulka ku dhaco, ee kii la dagaalamayeyna uu la dhaco laad (Harraati) haddii uu mid keliyi si run ah ugu dhici lahaa uu caqligu garanayo in feedhaha ama raqabaddu ay jabi lahayd.

Ciyaartan waxaa ku jir ficillo iyo hadallo ku talaxtag ah oo logou talagalay in ay dareenka qofka kiciyaan, waxaa ka mid ah marka laba ciyaaryahan saaxiibbadood ay soo galaan golaha, iyaga oo ereyo daandaansi iyo aflagaado ah is weydaarsanaya, ama u kala hiilinaya saaxiibkood.

Ciyaartan oo ah tan labaad ee ugu caansan adduunka, marka laga yimaaddo ciyaarta kubadda cagta. Dhaqaalaha ugu badan waxa ay ka heshaa tigidhada qiimaha sare lagu iibiyo iyo iibka baahinta talefishannada iyo sida oo kale xayeysiisyada. Marka laga yimaaddo mushaharka wareerka ah ee ay qaataan ciyaaryahannadeedu waxaa u dheer lacago dheeraad ah oo qaarkood lagu kiraysto marka cid ama dal gaar ahi uu doonayo in uu bandhig ciyaareed qabto. Tusaale ahaan dawladda Sucuudiga oo sannadkii hore dalkeeda markii taariikhda ugu horreysay ku martigelisay ciyaar musaaraco ah, ayaa xiddiga ciyartan ee Ingiriiska u dhashay Tyson Fiore waxa ay si gaar ah ugu soo kiraysatay 15 Milyan oo doolar. Si uu maalin keliya uga qaybgalo hal ciyaar oo ka mid ahayd ciyaaraha ka dhacayey dalkeeda.

Al-Xabib Aludayri oo ah ciyaar faalleeye ka tirsan talefishanka Be In Sport, kuna xeeldheer ciyaaraha dagaalka ah ee kala duwan, ayaa isaguna Aljazeera u sheegay in ciyaarta musaaracadu ay boqolkiiba 100 been, jilis keliya ah tahay wax run ahina aanay ku jirin. “Waxa ay ku fiicantahay in loogu yeedho masraxiyad” ayaa uu yidhi Alxudayri. Isaga oo intaas ku daray in ciyaarta ka hor la sii diyaariyo qofka guulaysanaya iyo kan laga guulaysanayo, darbadaha lagu dhufanayo iyo sida ay u kala duwanaanayaan iyo qaabka guusha. Ciyaaryahan kasta waxaa lagu tababarayaa falalka kala duwan ee uu samaynayo iyo sida uu isaga ilaalinayo darbadaha iyo weerarka jilidda ah ee kaga imanaya ciyaaryahanka ka soo horjeeda.

Xudayri waxa uu sheegay in qarada dhismaha jidheed iyo muruqyada xoogga badan ee ciyaaryahanku ay yihiin waxa lagu soo doorto, iyada oo marka dambana lagu tababaro sidii ay u sii xoojin lahaayeen. Taas oo ah farsamo la doonayo in daawadaha lagu qanciyo arxan darrada iyo ficillada xoogga badan ee uu ciyaaryahanku ku kacayo.

Ugu dambayntii waxa uu Xudayri sheegay in tusaalaha ugu dhow ee muujinaya sida ay ciyaartani jilid u tahay uu yahay sida ciyaaryahanka nabarrada waaweyn loogu dhufanayaa aanu haddana goobta uga tegeyn isaga oo nabarro la taaban karo qaba.

Waxaa laga yaabaa in dad badani ay is weydiinayaan sababta mararka qaarkood dhiigga ka keenta ciyaaryahanka, ama ay u dhacdo in qaarkood ay golaha ciyaarta ku dhex dhintaan. Caadi ahaan in ciyaaryahanka aanu nabar ku dhacayn dooddu ma’aha oo marar badan waxaa dhacda darbad qaldan ama uu isagu farsamadii is difaaca qalday in ay ku dhacdo taasina ku keento nabar. Waxa se jira xidhmooyin dareer dhiig u eeg ah oo garsoore kasta oo ciyaartan dhexdhexaadinayaa uu sido, taas oo si ku talagal ah oo la isla sii ogyahay uu hab xeeladaysan qarsoodi ugu dhiibay ciyaaryaanka jilaya in uu nabarku ku dhacay, kaddibna uu ciyaaryahankaasi si farsamadeedu sarrayso isugu daadinayo walaxdaas dhiigga u eeg.

Dhinaca dhimashadu waa arrin iska caadi ah oo ciyaar iyo ciyaar la’aanba waa ay dhacdaa in qof si kedis ah u dhinto, waxa soo raacda in xarakaadka iyo bood boodka xad dhaafka ah ee uu ciyaaryahanku samaynayo iyo caadhada iyo caadifadda uu isku abuurayaa ay sababayaan in wadnuhu si aad ah u shaqeeyo. Waxa kale oo la ogyahay in ciyaaryahanka musaaracadu ay si aad ah u isticmaalaan dawooyinka jidhka firfircoonida geliya, taas oo mararka lagu talaxtago keenta in wadnuhu istaago.

Ugu dambayntii u fiirso ciyaaryahan kasta oo musaaracada ka qayb qaadanaya waxa aad arkaysaa in uu kor u boodayo ama cagaha dhulka ku dhufanayo marka uu ciyaaryahanka kale nabar ku dhufto, taas oo ah farsamo lagu samaynayo sanqadh uu qofka daawanayaa moodayo in ay tahay nabarka. Ciyaartebiyeyaasha dadka daawadayaasha ah u xiise gelinaya ciyaarta ayaa iyaguna qayb ka ah xeeladda. Waxa ay hoosaasin badan ku samaynaya farsamo xumooyinka qaar dadka u muujin lahaa in ciyaartani ay jilis tahay, qaylada, is argagaxinta iyo buunbuuninta falalka dhacaya ee ay ciyaartebiyeyaashu samaynayaan ayaana ah arrin qofka caadiga ka mashquulinaysa in uu arko qaladaadka yaryar ee ka dhacaya ciyaaryahannada golaha ku jira, oo ay marka horeba adagtahay in la arko qaladaadkaas masaafadda ay goobta ciyaartu ka dhacaysaa u jirto daawadaha awgeed.

Daawadayaashu waxa ay jecelyihiin midka guulaysta ee suunka la siiyo, laakiin xeerarka ciyaareed, mulkiilayaasha iyo tababareyaasha ciyaarta musaaracadu waxa ay jecelyihiin ciyaaryahanka laga adkaado ee sameeyey farsamada indhasarcaadka ah ee dadka moodsiisay in si xun loo garaacay.