Cismaan Hindi Oo Sharaxay Xukunkii Maxkamadda Sare Ee UDUB

0
816

CISMAN-HINDI-AAHargaysa( Geeska )- Madaxii ololihii doorashadii Madaxtooyada ee xisbiga UDUB Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Hindi), , ayaa ku tilmaamay warqadii Daahir Riyaale ku amaray in xubnaha golaha dhaxe iyo gudida fulinta ay sii dhisaan 35 xubnood oo uu soo magacaabay mid la lumiyay nuxurkii ay xambaarsanayd. Waxaanu sharaxay qodobka afraad ee xukunkii maxkamadda sare oo ay dad badani siyaabo kala duwan u fasirteen.

Waxaana uu Cismaan-Hindi sidan ku sheegay mar u xalay u waraamayay wargayska Geeska Afrika, waxaanu xusay inuu tix raacayo go’aankii maxkamadda oo sheegayay in haddii lagu dhaqmay nuxurka warqadaas uu soo diray Daahir Riyaale ay tahay mid ku dhaqan leh, halka d aan lagu dhaqmin aanay yeelanayan ku dhaqan sharci.

Sida oo kale Cismaan-Hindi waxa uu ku eedeeyay Axmed Yuusuf Yaasiin inuu majaro habaabiyay ujeedadii warqadaas oo aanu tix galin xeer hoosaadka xisbiga Udub, waxaanu isaga oo arimahaas ka hadlaaya uu hadalkiisa ku bilaabay“Sida runtaa go’aanadda ay maxkamaddu soo saartay maaha inaan sida aan doono u fasisho, waayo waa maxkamaddii qaranka, waxaana haboon sida ay maxkamaddu go’aanka u gaadhay in loo qaato oo aanu nin waliba wax jeebka kala soo baxin, waayo maxkamadda go’aanadii ay soo saartay waa wada cadaayeen. Go’aanka maxkamadda ka soo baxay qodabka ay dad badan noocay doonayeen u fasirteen  waxa weeye ka afraad, oo waxaanu noqonayaa haddii aan kuu sheego, In 35 xubnood oo uu gudoominaayo Axmed Yuusuf Yaasin uu soo magacaabay Daahir Riyaale magacyadoodana soo qoray, 35-kaas waxay ahaayeen inay golaha dhaxe ee xisbiga dhisaan iyaga oo ka dab qaadanaya xisbiga, waxa dhacday in uu markiiba Axmed daadiyay oo uu 19 isagu uu doonayay uu la soo baxay, oo aan ahayn shan iyo sodankii uu gudoomiyahu soo diray.” Ayaa uu yidhi waxaanu isaga oo hadalkiisa siiwata yidhi “19-kii markaas waxii loo igmaday oo ahaa golaha dhaxe inay ku eekaadan oo ay ka duulan xeerka guud ee xisbiga oo sheegayay in golaha dhaxe uu yahay 161, gudida fulintuna ay tahay 19 kumay salayn ee waxay kordhiyeen tiradii oo waxay ka dhigeen 345 golahii dhaxe, guddigii fulintana 43, dabadeedna waxay kala saareen xeerarkii oo sharciyo aan loo jooginbay sameeyeen kolkaas warqadaas nuxurkii ay wadatay way lumisay, waxii loo soo igmaday waxaan ahayn bay qabteen. Go’aanka maxkamadu waa uu cadyahay oo waxa uu leeyahay warqadaas haddii nuxurkii ay xanbaarsanayd loo isticmaalay waxay leedahay ku dhaqan sharci, lakiin haddii aan loo isticmaalin waxba kama jiraan weeyaan.”

Cismaan oo la weydiiyay bal inuu cadeeyo in go’aanka maxkamadu laalay iyo in kale murashaxnimadii Jamaal Cali Xuseen, wuxuu yidhi “Meel ay ka soo galaysaa majirto, waayo maxkamaddu waxay ayiday go’ankii gudida diiwangalinta kaas oo waxba kama jiraan ka dhigay hawlahii Axmed Yuusuf Yaasiin  iyo gudidaas ay sii qabteen sababtuna ay tahay in aanu shuruucdii waafaqsanayn.”