Xukuumadda Hal baa ku seegtay baaqashada Wasiir Xaabsade, Geeska Staff Writer

0
816

Inta badan ee shacabka Somaliland ee la socda siyaasadda dalka ayay lama filaan ku noqotay markii ay maqleen warka sheegaya in wasiirka hawlaha guud Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ka hadhay weftigii uu ka tirsanaa ee ka qayb galayay shirka Turkiga.

Ka qayb galka shirkaas ee Xaabsade waxay weftiga u samaynaysay macnayaal badan ha uguba horayso arrimaha horumarinta waddooyinka oo qaybta ay Somaliland shirkaas ka dooratay lagu qaadaa dhigi doono iyo weliba da’diisa iyo waayo aragnimadiisa oo uu wax badan ka tari karo. Markase arrimahaas laga tago, waxa ayaan darro ah in wasiir Xaabsade weftiga looga reebo arrimo dhinaca socdaalka ah oo uu ugu horeeya Basaborka Somaliland ee uu sito ee oo sabab u noqday inuu shirka turkiga tagi waayo.

Marka u horaysa dawladda Turkigu iyadaa soo dirtay martiqaadka wufuudda Somaliland, kamana duwana dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska oo lagu tago Basaborka Somaliland, waxaana la odhan karaa haddiiba ay dawladda Turkigu mawqifkaas qaadatay iyadu ceebta ma leh oo aragtideeda iyo siyaasadeeda ayay fulinaysaa haddii ay u hirgalaan.  Laakiin marka aynu hoos ugu dhaadhacno muhiimadda uu ka qaybgalka shirkani u leeyahay shirka iyo dawladda Turkey waxaa soo baxaysa baasaboor lagu xidho waftigani aanu macno badan samaynayn, sababta koowaadna waa in qofku uu sito martiqaad rasmi ah. Waxase ayaan darro ah in xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo aqbasho inay dawladda Turkigu diido inay weftigeeda u fiisayso Basaborka rasmiga ah ee Somaliland oo ay dhawr goor oo horeba dad shacab ah iyo saxafiyiin wadani ah ku tageen loona fiiseeyay ka dib markii ay ku adkaysteen inay ku socdaalayaan Basaboorkooda.

Waxaa iyaduna is weydiinteeda leh sababta keentay in waftigii wasiirrada ahaa ee u ambabaxayey Turkey ay sidaa sahlan u aqbalaan in xubin muhiim ah oo ka mid ah lagu reebo sababo aad u jilicsan, gaar ahaan waxa arrintani ceeb u soo hoynaysaa hoggaaankii waftiga oo ay la gudboonayd in uu cadaadis ku saaro safaaradda Turkey in ay si buuxda xubnihiisa u wada siiso fiisayaasha haddii kale ay taasi caqabad ku noqon doonto ka qaybgalkooda shirka.

Haddii caqliga saliimka ahi shaqeeyana may suurtogasheen in weftiga Somaliland lagu xidho Basabor shisheeye, sababtoo ah Turkigu isaga ayaa hadda raadinaya daaqad uu ka soo galo siyaasadda gobalka, kamana maarmo Somaliland mar haddii uu doonayo inuu lug ku yeesho siyaasadda Geeska Afrika.

Sidaas daraadeed, xukuumadda Somaliland waxa seegtay inay difaacdo qaranimada Somaliland oo ay u hiiliso Wasiir Axmed Cabdi Xaabsade, dawladda Turkigana cadaadis ku saarto inay wasiirka u fiisayso Basaborka Somaliland.