Masar Oo Ka Hadashay Aragtideeda Meeqaamka Ay Somaliland Kaga Qayb Galayso Shirka Turkiga

0
821

New Picture (10)Qaahira (Geeska/Alwafd)- Xukuumadda Masar ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay shirka maanta ka furmaya magaalada Istanbul ee dalka Turkey, meeqaamka Somaliland iyo Puntland lagu casuumay iyo weliba codsi lagaga dalbaday in Masar ay Soomaaliya u dirto ciidamo nabadda ilaaliyeyaal ah.

Kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda ee Masar u qaabilsan Afrika haweenayda lagu magacaabo Ambassador Muna Cumar ayaa mar ay salaasadii dorraad ee 29 ka bishan May, la hadashay wargeyska Alwad oo ka soo baxa dalka Masar waxa ay sheegtay in ka qaybgalka Somaliland ee shirkaasi aanu ahayn farriin muujinaysa in la aqoonsaday Somaliland iyo Puntland. Hadalladeedana waxaa ka mid ahaa, “Shirkan waxaa ka qayb gelaya masuuliyiin ka socda labada gobol ee Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin taas macnaheedu ma’aha in la aqoonsaday goosashadooda” Shirkan oo maanta ku furmaya heer wasiir waxa uu rasmi ahaan hawlihiisa u gudo gelayaa jimcaha berri ee 1da bisha Juun, waxaa shirka furaya raysalwasaaraha dalka Turkey Rajab Dayib Erdogan, martida ka soo qayb gelaysana waxaa ka mid ah xoghayaha guud ee Qaramada midoobey Md. Ban Ki Moon iyo masuuliyiin kale oo caalamiya.

Ambassador Muna Cumar oo ka hadlaysay ujeedada shirkan waxa ay sheegtay in sababta ay dawladaha waaweyni u danaynayaan xaaladda Soomaaliya ay salka ku hayso cabsida laga qabo in ay sii xoogaysato argagaxisada ka hawlgasha gobolkaas, dhibta budhcad badeedka oo caqabad ku ah dhaqdhaqaaqa ganacsi ee badda cas iyo tahriibka iyo weliba xaaladda Istaraatijiyadeed ee Soomaaliya oo ah mid ka mid ah sababaha ugu muhiimsan ee ay reer galbeedku u danaynayaan Soomaaliya, sida ay sheegtay.

Haweenaydan oo lagu tiriyo saraakiisha ugu awoodda badan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Masar waxa ay caddaysay ajandayaasha shirkan oo ay ka mid tahay in lagu lafa guri doono mustaqbalka Soomaaliya, xooggana si gaar ah loo saari doono dhinacyo dhowr ah oo ay ka mid tahay horumarintu. Ambassador Muna Cumar waxa ay sheegtay in uu jiri doonaan dhowr kulanno gaara ah oo lagaga hadli doono arrimaha tamarta, biyaha, waddooyinka, abaaraha iyo faqriga. Waxa kale oo madashan lagaga wada hadli doonaa mushkiladaha xukuumadda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya oo xilligeedii shaqo uu dhacayo laba bilood oo keliya kadib iyo mushkiladda dastuurka.

Muna Camur oo ka hadlaysa arrimaha argagaxisada ee Soomaaliya waxa ay sheegtay in Masar ay hayso qorshe ay u aragto in lagu waajihi karo xag-jirka Soomaaliya oo ah in deegaannada ay joogaan kooxaha xag-jirka ahi loo diro daaciyiin iyo wadaaddo dadka diinta ku wacdiya oo ka socda Azhar, waxaana hadalladeeda ka mid ahaa, “Culimadaasi waxa ay faafin karaan mad-habta dhexdhexaadka iyo qunyar socodnimada”

Iyada oo dhanka kalana ka hadashay codsi ay sheegtay in lagaga dalbaday Masar ciidamo garabsiiya ciidamada dawladda ku-meel-gaadhka ah ee ka hortagaya kooxaha xagjirka ah, codsigaas oo ay sheegtay in ay Masar diidday, iyada oo ku doodaysa in Ciidamada Masar aanu qorshaha ugu jirin in ay garab siiso ciidamo Muslim ah oo la dagaalamaya ciidamo kale oo muslim ah.

Ugu dambayntii Muna Cumar waxa ay sheegtay in ay Masar Soomaaliya ka caawiso dhinacyada farsamada iyo dhaqaalaha oo uu ka mid yahay tababarro ay siiso garsoorayaasha  maxkamadaha Soomaaliya ka hawlgala.

Ma’aha markii ugu horreysay ee ay Masar si cad u muujiso siyaasaddeeda ka dhanka ah madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland taas oo loo sibir saari karo dano istaraatijiya oo uu ka mid yahay webiga Nile awgood in ay Masar u doonayso midnimada Soomaaliya, laakiin waxa ay dad badani filanayeen in ay wax iska beddeli doonaan siyaasadda arrimaha dibadda ee Masar is-beddelkii kacdoonnada dadweyne kadib iyo weliba intii ka dambaysay safarkii xubno wasiirro muhiim ahi ay mar sii horraysay ku tageen dalkaas oo ay kula kulmeen masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Masar.