Somaliland: Xukuumadda Oo Sheegtay In Covid_19 Uu Lixdii Maalmood Ee U Dambeeyay Dilay 28 Qof

0
453

Hargeysa (Geeska) – Xanuunka Covid_19 oo Somaliland ku soo laba-kacleeyay, ayaa Xaaladdiisu meel halis maraysaa.

Xanuunkan oo la sheegay inuu yahay Mawjaddii saddexaad ee ku dhufata Somaliland, ayaa si tartartiib ah Dadka u soo ridanaya isla-markaana u dilaya, sida ay sheegtay Xukuumadda Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), sidoo kalena ah Guddoomiyaha Guddiga ka hor-tagga Xanuunka Covid_19 oo War-bixin siiyey Golaha Wasiirrada ayaa sheegay in saddexdii bilood ee u dembeeyey ay sii kordhayaan dhimashada dadka xanuunku ku dhacayo, iyada lixdii cisho ee u dembeeyey ay u geeriyoodeen 28 qof.

Waxa kale oo uu sheegay in ay Guddidu go’aamo ka soo saari doonaan ka hortagga iyo la-dagaalanka Covid-19.

Inkasta oo khatar badan oo Xanuunkaasi ahi jirto, waxa muuqata in Wacyi-gelintu yar tahay, Dadweynuhuna aanay dheg-jalaq u siinayn inta soo gaadha.

 

Geeska.net/Hargeisa Office