Cali-Gurey Oo Madaxweynaha Ku Bogaadiyay Dejinta Xaaladii Xisbiga KULMIYE Ee Siyaasiyiinta

0
508

Picture5Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka UCID  Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay loolanka loogu jiro Musharaxnimada Doorashada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye kadib Doorashada Madaxweyne ee la filayo inay dalka ka qabsoonto Shan Sanno kadib, loolankaas oo u dhexeeya Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, waxaanu sheegay Cali Guray inuu aad uu u soo  dhaweeynayo Hadalka ka soo yeedhay Madaxwaeynaha.

Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Guray ayaa sidoo kale sheegay  dhamaaday loolankii iyo hadalkii ay ku Jah-wareeriyeen Shacabka Siyaasiyiintan tartamaayey Musharaxnimada Madaxweyne ee Xisbiga kulmiye inuu dhammaaday, isla markaana uu Madaxweynuhu mawqif cad iska taagay

Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), oo Shalay qaar ka mid ah Warbaahinta u waraamay ayaa hadalkiisi ku bilaabay  “Madaxwaynaha aad ayaan ugu mahad naqayaa,waxaana uu dajiyay xaalad si fool xun u kacsanayd oo waliba rag siyaasiyiin ah ay wad-wadeen oo keentay in boqolaal qof iyo kharash ciida ka badan lagu bixiyo tartan Musharaxnimo oo aan jirin.

Madaxwaynaha Somaliland markan iyo marar horeba wuu cadeeyay inuu yahay Musharaxa Kulmiye doorashadan doorasho ka danbaysaana in loo tartamaa khalad wayn ayay ahayd,doorashadan hadda la sugayo hadayay nimankaasi Axmed Siillaanyo haddii ay  la tartami lahayeen ayuunbay sax noqon lahayd.

Cali Guray oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Muuse Biixi,Maxamed Biixi Yoonis iyo Cabdicasiis Sameel saddexdooduba way cadeyeen inaanay Madaxwaynaha u dayeen in ay la tartamaan Doorashada Madaxtinimada ee soo socota,markaas hadaladii shacabka lagu jahwareeriyay way iska dhamadeen Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyana waanu ku hambalyaynayaa xaaladaas uu dajiyay oo anagaba saamayn nagu yeelan lahayd”.nimankaas kala saaridooda haddii uu madaxwaynahu wada saaray aad ayuu u mahad san yahay”.