Cirro Oo Soo Bandhigay Qorshe Uu Sheegay In Xukuumaddu La Maagan Tahay Isbahaysiga Mucaaradka

0
605

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxman Maxammed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in aanay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku qanacsanayn aqlabiyadda isbahaysiga Mucaaradku ka heleen doorashadii Golaha Wakiillada.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo hadal ka jeediyey Munaasibad labada Xisbi ee Mucaarad ee UCID iyo WADDANI uu isbahaysi ahi kaga dhawaaqeen saddex xubnood oo ay ugu talo-galeen inay u tartamaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, ayaa sheegay in Xukuumaddu doonayso inay la wareegto awoodda aqlabiyadda isla-markaana 52 Xildhibaan ee Isbahaysiga Mucaaradku haysto u rogto xagga Muxaafidka.

Guddoomiyaha oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Xukuumaddu 30-keedii xildhibaana 52 ayay ka dhigaysaa, 52 xildhibaan ee mucaaradkana 30 bay ka dhigaysa”.

Guddoomiyaha WADDANI wuxuu soo jeediyey in Xukuumaddu iimaansato Tirada Xildhibaannada ay haysato ama u soo baxay “Xukuumaddu waa in ay iimaansataa aqlabiyaddu halka ay martay…”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Shacabku waxay u codeeyeen isbeddel, waxayna aqlabiyadoodii u codeeyeen 52 kaa xildhibaan oo ka mid ah 82 xildhibaan ee golaha” ayuu sheegay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI.

Dhinaca kale, Isbahaysiga Mucaaradka ee UCID iyo WADDANI oo saddex cisho oo xidhiidh ah shirar uga socdeen Magaalada Hargeysa, ayaa shalay ku dhawaaqay xubnaha ay ugu talo-galeen inay noqdaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada.

Isbahaygsigu waxay Jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada u soo sharraxeen Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo laga soo doortay gobolka Sool, kana soo baxay Xisbiga WADDANI.

2- Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo laga soo doortay gobolka (SANAAG) Xisbiga UCID.

3- Guddoomiye ku-xigeenka Labaad Xildhibaan Cali Xaamud Jibriil oo laga soo doortay gobolka (AWDAL) UCID.