Muwaadiniin ka Qayb-galay Doorashadii Isku Sidkanayd Oo Sheegay In Codadkii Ay Ku Soo Bixi Lahaayeen Xisbiyada Mucaaradku Musuqeen

0
538

Hargeysa (Geeska) – Mushariintii Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo UCID uga tartamayey Gobolka Maroodijeex ee Degmada Beesha Axmed-Dhagax iyo Gobolka Hawd oo Maxkamadda dacwad u gudbiyey, ayaa sheegay in aanay dhicin ee codkoodii la musuqay, oo musharrixiin kale oo cid gaar ahi watay lagu soo saaray, waxayna xuseen inay hayaan caddaymo.

Musharixiintan oo iskugu jiray Musharixiintii Beesha Hawd iyo Axmed Dhagax uga sharaxnaa Xisbiyada Mucaaradka gaar ahaan Golaha Wakililada ee Gobolka Maroodijeex iyo Golaha Deegaanka ee Degmada Hargeysa ayaa ugu horeyn Dr. Ciise Kayd oo isagu ahaa Musharax Xisbiga Waddani uga sharaxnaa Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodi-jeex, wuxuu yidhi  “Musharixiinta halkan fadhiyaa waxay ka kooban yihiin labada Xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID, dhammaan waxay yihiin musharixiintii labada Xisbi Mucaarad oo codkoodi si xaq daro ah u boobeen, iyaga iyo Komishankuba, waxaan caqliga iyo maankuba yeelayn in dadweynaha ku nool Hawd iyo Hargeysa tiro ahaana ah dad soo saari kara Musharixiintooda, waxaase nasiib-daro ah in dadka leh misaankaas in labada Xisbi Mucaarad iyo Komishanku codadkii musharixiinta ay ku soo saareen dad iyagu jeebada ku siteen, oo doorashada ka hor sii calamaydaysteen, inay codadkayagii ku soo saareen, waxaa se caddatay inay Xisbiga Waddani taasi agtiida ka dheer tahay, haddii ay se taasi Xisbiga Waddani la qurux badnaatay waxaan leeyahay Libaa nin galay iyo nin galaday uu kala og yahay”.

Yuusuf Siciid oo isna Xisbiga Waddani uga sharaxnaa Golaha Wakiilada ee Gobolka Maroodi-jeex wuxu yidhi “Waxaan hayaa anigu in ka badan 800 oo goobood oo cod iga yimid, waxaan hayaa in ka badan boqol goobood, oo cod iga iman lahaa oo siro la ii soo qoray, waxaan hayaa waraaqihii caddaynta ahaa ee goobahaas eberka la iiga soo qoray, inaan tiro ku lahaa, waxaan lahaa markhaatiyaal aan Xisbiga Waddani ahayn oo ii caddayn doona maalinta ay Maxkamaddu furanto”

Xuseen Aadan Dhan-cadde oo isna Xisbiga Waddani uga sharaxnaa Golaha Wakiilada ee Gobolka Maroodijeex oo arintan ka hadlay wuxuu yidhi “Waynu is naqaanaa, Somaliland baynu nahay, reer Hargeysa ayeynu nahay, deegaanada ayeynu naqaana, reeraha ayeynu naqaanaa, tirada ayeynu naqaana, waar ma waxaan qaadan karaa Dr. Ciise ayaa waayey oo cid alaale cid la tartamaysa aanay jirin, oo tiro ku soo bixi waayey, waar ma waxaan qaata Yuusuf Siciid oo saddex reer oo haashini ay codka siinayeen, ayaa codkii waayey ayaan qaataa, maskaxdeenu ma qaadanayso, reeraha soo baxay ee la yidhi Gobolka Maroodi-jeex ayey ka soo baxeen waynu ganaynaa, kuwa la yidhi way hadheena waynu garanaynaa, haddaba dhac baa yimid meesha, ee sida loo daba galayo ayey tahay in la galo falawgeeda, inamaada dhacoodii geystay Maxkamaddana waan ku amaanayaa, Maxkamadda ka qabatayna waan ku amaanayaa, Dawladdeenana waxaan ka codsanayaa inay inamadaas loo baadho, aniga iyo Maxamed-amiin halkaas na dhiga, laakiin waxaanu baadi goobaynaa codka raggan ka maqan halka la mariyey waa inuu Xisbiga Waddani sheega”.

Dhanka kale, Maxamed Amiin Dixood oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu masuuliyadda iyo eedda koowaad uu saarayo Komishanka Doorashooyinka si gaar ah u eedayey Xisbiga Waddani, waxaanu ugu baaqay in Xisbiga Waddani looga baahan yahay inuu is badh qabto oo khaladka lagu sheegayo saxo, haddii aanu khaladkaas lahayna uu is baraxo isna muujiyo.

 

Geeska.net/Hargeisa Office