Cirro Iyo Faysal Oo Sheegay In Madaxweynuhu Diiday Inuu Fuliyo Qodobadii Guddiga Dhexdhexaadinta

0
754

 

Hargeysa(Geeska)-Labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi u sheegay inaanu fulinayn go’aamadii ergada dhexdhexaadinta ee ahaa in la kala diro guddiga doorashada ee wakhtigan iyo in dib loo soo magacaabo guddigii hore.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa saxaafadda u akhriyay qoraal ay labada xisbi wada jir u soo saareen oo u dhignaa sidan “Ka dib go’aamadii ay soo saareen Guddidii dhexdhexaadinta ahayd ee isu xilqaantay xal u helidda Khilaafkii doorashada ee ka dhaxeeyey Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ah, go’aamadaas oo ay aqbaleen dhammaan saddexdii Xisbi Qaran iyo Xukuumadaba. Waxaa Madaxweynaha JSL uu u fidiyey Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka ee JSL gogol ay ku sii ambaqaadayaan fullinta go’aamada ka soo baxay Guddiddii dhexdhexaadinta, Madaxweynuhu waxa uu kullankii kowaad ee uu la yeeshay labada Guddoomiye ee Xisbiyada UCID iyo WADDANI waxa uu kaga codsaday in ay siiyaan waqti 48saacadood ku siman si uu xal uga gaadho kala dirista xubnaha komoshinka doorashooyinka ee khilaafku ka taagan yahay.

Kullankii labaad ee ay isugu yimaaddeen Madaxweynaha iyo labada Guddoomiye Xisbi ee UCID iyo WADDANI waxa uu mar labaad Madaxweynuhu codsaday in la siiyo hadana waqti kale oo dheeraad ah oo gaadhayey 14 cisho, waqtigaas oo ku ekaa 10-kii Bishan aynu ku jirno, taas oo la isla ogaa in uu Madaxweynuhu soo dhammeystiro qodobkii koowaad ee go’aamadii guddiddii dhexdhexaadinta oo ahaa kala dirista xubnaha komishinka ee hadda jooga. Maanta oo ay taariikhdu tahay 13-ka Bisha January 2020-ka, waxaa Madaxtooyada Somaliland ka qabsoomay kullankii saddexaad oo ay yeesheen Madaxweynaha iyo Hoggaanka sare ee saddexda Xisbi Qaran, in kasta oo uu Madaxweynuhu qiray in Komishinka doorashooyinka ee hadda jira aanay lahayn awooddii iyo kalsoonidii ay ku qaban lahaayeen doorasho, sida oo kale-na ay yihiin komishinkii hore kuwa keliya ee u diyaarsan in ay waqti kooban doorasho ku qabtaan, hadana sidaas oo ay tahay Madaxweynuhu waxa uu diiday oo uu ka gacan taagay in uu fuliyo go’aamaddii guddida dhexdhexaadinta ee la isku waafaqay. Labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI waxa ay ugu baaqayaan Komishinka Doorashooyinka ee hadda jooga ee uu khilaafku ka taagan yahay in ay iscasilaan iyaga oo eegaya danta qaranka, si xal looga gaadho muranka doorashada iyo in dalkan ay dooarsho degdeg ah ka qabsoonto.

Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI wax ay halkan ku caddeynayaan in Madaxweynaha JSL uu diiday fulinta go’aamadii guddiddii dhexdhexaadintu ay soo saartay, waxaanay ugu baaqayaan daneeyayaasha doorashooyinka Somaliland, Beesha Caalamka, Guddiddii dhexdhexaadinta iyo dhammaan Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland-ba in ay qaataan doorkooda. Ugu dambeyn, Labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI waxa ay isugu iman doonaan shirar joogta ah oo ay kaga tashanayaan tallaabooyinka wadajirka ah ee ay qaadi doonaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here