Madaxweynaha Waxa Horyaala Afar Qodob Inuu Kala Doorto

0
621

 

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu badheedho oo go’aan kama dambays ah ka qaato arinta Komishanka, danaha gaarka ahna aanu eegin ee uu eego danta qaranka, iyo codsiga Beesha Caalamka.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay sidan “Siday hadda wax yihiin iyo waxaa soo baxay weynu aragnaa, Madaxweynahana waxaa hor taagan afar qodob, afartaas looga baahan yahay inuu kala xusho, afartan qodobna waxay kala yihiin qodobka ah abaalka beelaysan ee la sheegay in isaga loo galay, danta Golayaasha, codsiga Beesha Caalamka iyo danta Qaranka,laakiin Madaxweynaha waxaa laga rabaa inuu badheedho sidii uu Daahir Rayaale u badheedhay 2005, oo dantihiisi gaarka ahaa ayuu danaha qaranka ka horeeysiiyey, markaas waa inuu Madaxweynuhuna sidaas oo kale sameeya, oo uu danaha gaarka ah ka horeysiiya danaha qaranka, abaalka beelaysan ee uu Buurmadaw ku mana-sheeganayo iyo danaha Golayaasha, waxaa ka weyn danta Qaranka, ee Madaxweynaha danta Qaranka raac,waxaana laga sugayaa go’aan dadka u wada cuntama, ee lagama sugayo go’aan dadka kala kaxeeya, cid gaar ahna ha u danayn, ee Somaliland u danee, codsigaas Beesha Caalamkana tixgali”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here