Ciqaabta Arooska: Nin Dhaqanka Dalkiisa Ka Jira Dartii Habeenkii Arooskiisa Ka Baxsaday Xafladdii

50
3236

Ankara (Geeska)- Dadka deggen tuulaha Yaajilaari oo ku yaalla galbeedka dalka Turkiga ayaa caado u leh in wiilka arooska ah inta barxad la fadhiisiyo in dhalinyarada tuuluhu ay jeesjees iyo ciqaab kala duwan mariyaan. Wiil u dhashay tuulaha oo lagu magacaabo Farhaad Balbaan ayaa habeenkii xafladda arooskiisu dhici lahayd baxsaday, cabsi uu ka qabo caadadan ay dadka deegaanku aaminsan yihiin in ay guurka barako u tahay awgeed.

Warbixin uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay ayaa wargeyska Xurriyeet eek a soo baxa Turkigu waxa uu ku qoray warka Farhaad oo inta uu gabadhii aroosadda ahayd guriga kaga tegey isagu baxsaday, si aan loo arkin intii ay dhammaanaysay xafladda arooskiisu.

Markii qabanqaabiyeyaashii arooska iyo ehelkii ogaadeen in Farhaad uu ka baxsaday caadadan awoow ka awoow la soo kala dhaxlayey ayaa ay dhalinyaradi tuuluhu inta ay gurigii arooska hortiisa isku soo urursadeen waxa ay ku qabteen kulan ay ka soo saareen go’aan ah in lacag dhan 500 oo Liira (Lacagta Turkiga) la siiyo qofka soo hela halka uu ku dhuuntay arrooskii ama war raadkiisa ku hoggaaminaya dadka.

Muuqaal lagu faafiyey barta internet ka ee wargeyska Xorriyeet ayaa laga arkay dhalinyaradah oo la kaftamaya arooska hooyadii, kana codsanaya in ay u sheegto halka uu ku dhuumanayo.

Farhaad hooyadii ayaa iyadu sheegay in aanay ogeyn qorshahan baxsi ee wiilkeeda, laakiin haddana ay ku faraxsantahay in uu baxsado, waayo waxa ay aad uga warwarsanayd noocyada ciqaabeed ee sugayey arooska. Iyada oo la hadlaysay dhalinyarada guriga ku soo ururtay ayaana ay ka codsatay in ay kala tagaan oo ay meelo kale ka soo raadiyaan arooska, maadaama oo ay sheegtay in aanu guriga joogin, isla markaana aanay garanayn halka uu ku dhuumanayo.

Dhalinyaradani waxa ay wacad ku marayaan in ay ka aargoosan doonaan Farhaad oo ay qaar badan sheegeen in iyagaba xafladdii arooskoosa uu ciqaab badan mariyey.

Arrimaha caadada ah xilliga xafladda arooska ee uu Farhaad ka baxsaday waxaa ka mid ah, in arooska qasab dhabarkiisa lagu xidho koore, labada gacmoodna laga xidho, kadibna dusha lagaga hsubo biyo aad u qabo, rinji iyo walxo kale.

Magaalooyinka iyo deegaannada Turkiga waxaa ka jira caadooyin guur oo kala duwan, waxaa ka mid ah in magaalooyinka qaar ay ka jirto caado ah in wiilka inanta ka guursada lagu qasbo in uu cabbo bun milic lagu daray, iyaga oo aaminsan in ay tahay tijaabo ay ku ogaanayaan illaa heerka uu aroosku u diyaary ahay in uu u dulqaato xaaskiisa iyo ixtraamka uu u hayn karo marka ay xaaladaha adag iyo duruufhu jiraan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here