Cilmiga Oo Xaqiijiyey In Qofka Maskax Badani Uu Dhibaatooyin Nololeed La Kulmo (2)

0
182

Waa qayb kale oo ka mid ah warbixintii ay qoraaga Evdokimova Irina ku faafisay shabakadda FBR ee ay ku soo bandhigtay caqabadaha ay inta badan la kulmaan dadka maskaxda badan ama fariiddada lagu tilmaamo.

Adkaysi la’aab iyo karti yaraan

Adkaysi la’aanta iyo dadaalka oo aanay badin ayaa ah sababaha ugu badan ee dadka maskaxda badan ku keena guuldarrada. Maskax badnaantooda u suurtagelisa in ay yeeshaan karti iyo awood garasho iyo aqooneed oo ay hawlahooda u qabsan karaan si ka sarraysa sida ay dadka kale u qabsadaan iyo sida oo kale awoodda ay u leeyihiin in ay si dhaqso ah u fahmi karaan dhibaatada xalkeedana uga fikiri karaan ama go’aan qaadasho ku habboon u samayn karaan iyada oo aanu dadaal badani ka bixin ayaa ay ku dagmaan oo inta badan dadaal badan ma geliyaan hawlahooda. Waxaa dabeecad u ah in hawsha u taallaa haddii ay u baahan tahay adkaysi si caqabadha looga gudbo iyo karti in aanay ku dhiirran oo ay iskaga hadhaan, sababtaas ayey dadka maskaxda badani u guuldarraysrtaan.

Cilmibaadhisaha la sameeyey ayaa muujinaya in xusuusta fiican iyo xirfadda maskaxeed ee qofku ku fahmi karo kuna falanqayn karo dhibaatooyinku in aanay inta badan ka qayb qaadan horumarinta dhugmada iyo soo jeedka damiirka qofka. Marar badanna waxa ay dadka maskaxda badani u qaataan faham qaldan oo ah in aanay u baahnayn shaqo adag oo ay ku gaadhaan natiijada wanaagsan ee ay doonayaan, waana sababta ay caanka ugu noqdeen wahsiga, caajisnimada iyo in ay anshaxa shaqada meel kaga dhacaan.

Waqti badan ayey geliyaan sixitaanka qaladaadka dadka kale

Dadka maskaxda badan meelaha dhibaatooyinka badani ka haystaan waxaa ka mid ah la macaamilka dadka. Waxa ay aqti aan loo baahnayn geliyaan sixitaanka qaladaad aanay iyagu gelin dhibta natiijadeeda ka dhalataana wax badan yeelayn. Laakiin caado ay dadka maskaxda badani ka siman yihiin, oo ay adagtahay in ay iska joojiyaan.

Dhibaatada kale ee arrintani ku keento ayaa ah in ay mar kasta jecel yihiin in qofka qaldamay ay qaladkiisa tusaan. Nasiibdarrada ugu weyni waa dadka oo inta badan ka cadhooda sixitaanka qaladaadkooda lagu samaynayo ama u arka in la yasayo. Sixitaanka joogtada ah ee qofka maskaxda badani doonayo in uu qaladaadka dadka kale ku sameeyaa waxa uu sababaa in dadku ay iskaga durkaan oo xitaa dadka qaraabada ahi aanay jeclaysan in ay xidhiidh la sii lahaadaan.

Fikirka ayey waqti ku lumiyaan

Dadka maskaxda badan waxaa waqti dheer ka qaata ka fikirka go’aanqaadashada, waxa uu jecel yahay in uu xaaladda dhinac kasta ka eego, tallaabo kasta oo uu qaado raadadka ka dhalan karana uu iska hubiyo, taasina waxa ay u baahan tahay waqti badan. Sida caadiga ahna muddada uu qofku fikirkaas iyo rogrogistaas xaaladda ku jiro waxa uu dareemayaa walbahaar iyo culays nafsadeed. Arrintani waxa ay sababtaa in laga qaato faham qaldan oo ah in aanay ku dhac lahayn ama maskax ahaan aanay soo jeedin oo ka fikirka arrimuhu muddo ka badan inta caadiga ah ay ku qaadanayaan.

Dhibata kale ee dadka maskaxda badan qabsataa waa in ay ku adagtahay fulinta aragtida iyo qorsheyaasha maskaxdooda ku jira, sababtuna waa walaaca iyo ku dhici waaga ku badan, sida aynu hore u soo sheegnay. Fikirka ay xaaladda dhinacyo badan ka eegayaan oo waqti aad u dheer lumiyoa. Waxaana dhici karta in xaaladda taagnayd ay iska dhammaato ama sii xumaato iyaga oo aanu weli go’aan qaadan.

Waan ogahay in aanan garanayn

Dabeecadaha dadka maskaxda badan lagu yaqaanno waxaa ka mid ah in uu mar kasta qirto in garashada iyo aqoonta uu leeyahay ay kooban tahay. Mar kasta oo uu helo xog iyo aqoon badan waxa uu sii garwaaqsadaa in waxa uu yaqaannay aad u koobanyahay, sidaas awgeed qofka maskaxda badani mar kasta waa uu qawadsan yahay inta ay le’egtahay aqoontiisu.

In aqoonta iyo garaadku aanay qab iyo isla weyni qofka gelinin waa arrin aad u muhiim ah, laakiin waxa ay khubarada cilmiga bulshadu aaminsan yihiin in is dhul-dhigga dheeraadka ah iyo heerkiisa oo uu qofku dadka kale u tuso in uu hooseeyaa ay keento dhibaato ah xumradii iyo qaddarintii ay mudnaayeen. Waxa dhinaca kale ay leedahay faa’iido ah in qofku runta naftiisa barto, arkana in mararka qaarkood uu aqoon dheeraad ah leeyahay iyo in aanu iska weynayn fursadaha uu wax cusub ku baran karo.