Cilmiga Kombiyuutarka: Amarrada La Soo Gaabsado Si Dhaqso Loogu Gaadho Jid Dheer Loo Soo Mari Lahaa (1)

0
687

Picture7Hargeysa (Geeska)- Dunidu waxa ay maalinba maalinta ka dambaysa hore ugu sii socotaa adeegsiga aaladaha ka dhashay cilmiga casriga ee tiknoolajiyadda lagu garan ogyahay, waa xaafiiska, guriga, gaadhiga, isgaadhsiinta iyo inta badan ee kaabayaashii nolol maalmeedka oo si tallaabo tallaabo ah ugu guuraya dhinaca kombiyuutarka iyo aaladaha sidiisa u shaqeeya. Tiknoolajiyadda hawlaha oo dhan fududaysay iyo waqtigii oo u muuqda in uu dadka ku yar yahay mashquulka badan awgeed ayaa malaha keentay caajis iyo in qofku uu jeclaysto in hawl kasta oo uu qabanayo uu u maro jidka ugu gaaban, ee gaadhsiin kara ujeedka, haddaba Geeska Afrika oo ay ka go’an tahay in uu akhristayaashiisa si joogto ah ula wadaago hadba wixii uu faa’ido u arko ayaa qoraalkan uu afka hooyo u soo turjumay waxa uu ku soo bandhigayaa jidka gaaban (Shortcut) ee loo maro amarro iyo hawlo badan oo kombiyuutarka ka mid ah:

1. Batamka Windows oo ah ka ay ku sawirantahay caalamadda Windows ka + D: Waxa ay kaa caawinayaan in aad sida ugu dhaqsaha badan u dul istaagto shaashadda kombiyuutarka oo wixii furnaa oo dhami ay hal mar wada laabmaan, haddii aad mar labaad ku celisana isla intii aad laabtay ayaa dib u furmaya.

2. Ctrl + Shift + Esc: Saddexdan oo hal mar aad isku qabtaa waxa ay furayaan daaqadda maamusha faylasha furan ee afka Kombiyuutarka loo yaqaanno ‘Task Manager’ si aad dhaqso ugu xidho faylal shaqada joojiyey ama kombiyuutarka oo cuslaaday awgeed aad faylasha istaagay aad furto. Amarkani waxa uu si gaar ah ugu shaqeeyaa marka Widows ka Kombiyuutarka ku jiraa ay yihiin, Widows 7, Widows 8 ama Widows XP 8.1.

3. Crtl + C: Amarkani waxa uu caawinayaa in aad sawirato (Koobi ama nuskhad ka qaadato) fayl ama dhukumanti ku ufuran. Waa jid gaaban oo aad sidoo kale sawir kaga qaadan karto fayl ama qoraal aad doonayso in aad ka sawirato dhukumanti aan ogolayn in sida caadiga ah nuskhad looga samaysto.

4. Ctrl + T: Haddii aad doonayso adiga oo bogga internet ka ku dhex jira in aad furato bog kale waxa aad si sahlan u taaban kartaa amarkan, oo isla markaba dhinaca midig ee bogagga marka hore kuu furnaa ku sii daraya mid kale oo cusub oo u diyaar ah in aad ku qorto waxa aad u baahan tahay.

5. Alt + Enter: Marka aad doonayso in aad bog internet ka ah furto ee aad magaca qorto, haddii aad qabato batamka Alt kadibna aad riixdo Enter waxa ay kaa caawinaysaa in magacii website ka ee aad qortay uu si toos ah u raaco .com adiga oo aan ku qorin. Sidoo kale haddii aad qabato, Shift + Enter Waxaa kuu qormaya .net oo uma baahanaysid in aad qorto.

6. Ctrl + W: Waxa ay caawinaysaa in aad dhaqso u xidho bogag iyo faylal kuu furnaa. La soco…