Soonka Iyo Cuntada: Ha Ku Afurin Cabbitaan Aad U Qabow, Shaaha Iyo Bunkana 2 Saac Ka Dambaysii Afurka

0
685

Picture8Qaahira (Geeska)- Drs. Nawal Al-xamad oo ku takhasustay cuntooyinka iyo waxtarkeeda ayaa dadka uga digtay in ay xilliga afurka badsadaan waxyaabaha saliidda lagu shiilo sida Quraaca iyo Saambuusaha. Dhakhtaraddani waxa ay ku talo bixisay in dadka soomani ay ku dadaalaan ku afurista khudaarta.

Dr. Nawal oo u dhalatay dalka Masar ayaa maray talooyin la xidhiidha Ramadaanka iyo cuntada waxa si gaar ah uga hadashay nidaamka afurka ee ugu wacan, waxaana hadalladeeda ka mid ahaa, “Waa in afurka lagu bilaabo timir iyo biyo cad ama caano, waayo timirta waxa ku jira sonkor dabiici ah oo uu dheefshiidku si fudud u burburin karo isla markaana si fudud ugu milmi karta jidhka” Waxa kale oo ay dhakhtaraddani ku talisay in qofka soomani uu xilliga afurka cuno dareere diirran sida, Shurbadda (Laakiin Shaah iyo bun maya) iyo in afurka la cabbo biyo yar ama caano aan aad u qaboobayn. Dhakhtaraddani waxa ay ku talisay in waqti fiican loo dhexaysiiyo afurka iyo cashada waxa aanay ku sababaysa in dhuunta dheefshiidku ay u baahantahay waqti ay ku dhamaystirato muudinta sonkorta dareeraha kale ee la qaatay xilligii afurka. Isuna diyaariyo qaabilista cuntada iyada oo aan wax murug iyo khalkhal ahi dhicin.

Mar ay Dr. Nawaal ka hadlaysay cuntada ugu fiican in lagu afuro, waxa ay sheegtay in xilliga afurka lagu dadaalo saladhka oo jidhku uu ka helo Faytamiinno iyo macdanno kale oo ka caawiya qofka sooman in aanu gaajoon. Waxa kale oo uu ka ilaaliyaa calool istaaga.

Dhinaca kalana waxa ay dhakhtaraddu kula talisay qofka sooman in aanu cuntada cunin inta uu dhergayo, balse uu in yar cuno, oo gaajada uu iskaga bi’iyo, waxa aanay si aad ah u dhalleecaysay caadada ah in isla marka la afuro lagu xigsiiyo shaah ama bun, iyada oo tilmaamtay in ay muhiim tahay in shaaha ama bunka iyo afurka loo dhexaysiiyo ugu yaraan laba saac, sababtana waxa ay dhakhtaraddu ku sheegtay in shaaha iyo bunkuba ay nuugaan maaddada xadiidka iyo maadooyin kale oo muhiim u ah jidhka.