Cilmi Alle: Nin Muddo Lixdan Sano Ah Uu Ka Laalaaday Hilibka Mataankiisii Oo Ku Dheggen: Diyaariye Kamaal Axmed Cali

0
784

 

kamaalMakah (Googooska Geeska)- Xaaji Maxamed Khaan oo ah muwaadin u dhashay dalka Pakistan oo ka mid ah muslimiinta sannadkan nasiibka u helay in ay gutaan waajibaadka Xajka ayaa muddo lixdan sano ah waxaa boggiisa ka lusha qayb weyn oo ka mid ah mataan ay mar uurka hooyo kuwada beermeen balse isagu aan dhamays noqon oo qaybo ka mid ahi ku dhegeen hilbaha Maxamed ee xilligaa korniinku ku socday. Wargeyska Caanka ah ee Alcukaaz oo ka soo baxa dalka Sucuudiga ayaa warbixin ka diyaariyey xaaladda Xaaji Muxamed Khaan, oo uu sheegay in intii noloshiisa oo dhan uu ku dheggenaa walaalkiisan aan qaddarku saamixin in uu dhamays noqdo.

 

Maxamed Khan oo la hadlay wargeyska Alcukaaz waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Hooyaday waxa ay dhimatay 20 sano ka hor laakiin waxa ay igaga tagtay ammaanadan ah hilibkii walaalkay oo iga lusha” In kasta oo muuqaalka Xaaji Maxamed Khaan soo jiitay indhaha dadkii xajayey oo badankoodu marka ay arkaan cabbaar joogsanayey si ay ugu fiirsadaan, ayaa sheegay in aanu eegmada iyo faallada dadka wax cuqdad ah ka qabin, waxa aanu sheegay in muddo labaatan sano ah uu ururinayey lacagta maanta uu ku yimi xajka. Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waa run in dadka aanu jidadka isku dhaafnaa aanay mar keliya indhaha iga jeedin, laakiin taasi dhib iguma hayso. Xaajigu isaga oo ka warramaya qaabka uu u nool yahay waxaa uu yidhi, “Dhibta ugu badani waxa ay iga haysataa dharka oo aanan helin kuwo i le’ekaada oo qarin kara cadkan iga lusha. Sidaa awgeed waxaa qasab noqotay in aan anigu gacantayda ku tosho” Waxaanu intaas ku daray in uu yahay aabe leh afar carruur ah oo dhammaantood ka faya qaba imtixaanka isaga haysta.