Cilmi Ale: Ilmo Yar Oo Luqunta Geriga Oo Kale Yeeshay Iyo Qaaba Ay Dhakhaatiirtu U Daweeyeen

0
1373

Picture5Beijing (Geeska)- Fu Wengui, oo ahaa wiil 15 sano jir ah oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa hadda kadib awoodi doona in uu mar labaad dib si caadiya ugu tallaabsado, kadib markii uu muddo dheer ay socodka ka naafaysay luquntiisa (Qoortiisa) oo inta dabiiciga ah ka dheer. Wiilkan oo lagu naanayso wiilka Geriga ah, ayaa ay dhakhaatiirtu xaqiijiyeen in luquntiisu ay leedahay saddex lafood oo dheeraad ah oo ah lafaha taxan ee ricidhaha loo yaqaanno, waxaana ka dhashay qallooc labada dhinacba u baydhay oo ah xaalad afka caafimaadka lagu yidhaahdo, Congenital Scoliosis, taas oo qofka ku keenta xanuun aad u badan, cadaadis fuula neerfahiisa oo cidhiidhi gelaya iyo socodka oo ku adkaada. Sida lagu sheegay warkan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda New York Daily News, xaaladdani waxa ay inta badan ilmaha ku dhacdo lixda toddobaad ee ugu hore ee uu uurka ku jiro, inta badanna waxaabay dhacdaa waqti xataa ka horreeya marka ay hooyadu ogaato in ay uur leedahay. Laakiin inkasta oo ay dhakhaatiirtu waqtigaas hore ogaan karaan, haddana ilmaha lagama garto illaa uu gaadho da’da koritaankiisu muuqdo ee ka bilaabata 14 jir.

Wiilkan yar ayaa si loo daweeyo waxaa lagu samaynayaa qalniin lagu saxayo qaab-dhismeedka laf-dhabarta, lagana saaro ricidhaha ku dheeraadka ah laf dhabarta, isaga oo dareenkiisa ku aaddan qalniinkan uu gelayo ka hadlayana waxa uu New York Daily News ku yidhi, “Waxa aan rajaynayaa, in aan hadda kadib qoor ta dadka la mid ah yeesho”

Wangui imika ma jecla in uu guriga ka baxo, waayo waxa uu arkay in xaaladdiisu ay indhaha dadka soo jiidanayso, isla markaana aanu awoodin in uu si dabiiciya u socdo.