Magacyada Lix Nin Oo Ay Dawladda Somaliland Shalay Ku Fulisay Dilka Qisaasta Ah

0
530

Picture7

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliland ayaa shalay qisaasta dilka ah ku fulisay lix marxuum oo hore u dilay marxuumiin, ka dib markii ay maxkamadaha dalku ku xukumeen dil.

Dilka lixda nin waxa xaqiijisay wasaaradda cadaaladda oo sheegtay in lagu dilay deegaanka Mandheera ee gobalka Saaxil subaxnimadii hore ee shalay. Cabdi Cabdillaahi oo ka tirsan wasaaradda cadaaladda Somaliland ayaa sheegay in dadka la dilay ay hore u gaysteen dilal islamarkaana ay maxkamaduhu ku xukumeen xukuno dil ah.

Magacyada lixda marxuum ee shalay la dilay, dadka ay dileen iyo taariikhda ay dilka gaysteen ayaa kala ah sidan:

1.       Maxamed Daa’uud Axmed,ina Hibo Cilmi, oo 25 jir ahaa iyo Cabdiwali Cilmi Muuse, Ina Caasha Maxamed, oo 25 jir ahaa oo si wada jir ah Boorama ugu dilay Marxuum Mukhtaar Cismaan Warsame, taariikhdu markay ahayd 30-03-2008-dii.

2.       Iliyaas Cabdillaahi Aadan, ina Waris Cige, 40 jir ahaa oo Magaalada Hargeysa ku dilay, Marxuumiinta kala ah Aadan Cabdi Mursal iyo  Muuna Axmed Maxamed, taariikhdu markay ahayd, 26-07-2003-dii;

3.       Maxamed Axmed Xirsi, Ina Farxiya Cali, 24 jir ahaa oo Magaalada Burco ku dilay Marxuumad Farxiya Daahir Cabdi oo Xaaskiisa ahayd, taariikhdu markay ahayd 10-05-2011-kii;

4.       Ex Dable Askari Boolis ah Maxamed Cabdillaahi Cabdi Guuleed, Ina Mulaaxo Cabdi, 28 jir ahaa, oo tuulada Qoton dabo ku dilay Marxuum xuseen Maxamuud Cawaale(Gacmo-dheere), maalintii 22-03-2015-ka;

5.       Ex Dableh, Askari Ciidanka Qaranka ah Cabdirashiid Xasan Cumar, ina Xaawo Muxumed Nuur, 25 jir ahaa, Magaalada Hargeysa ku dilay Marxuum Cabdifataax Maxamed Soodaani 07-08-2009;