Khabiir Itoobiyaan Ah Oo Dalkiisa Ugu Baaqay Aqoonsiga Qadiyadda Somaliland

0
1295

Hargeysa(Geeska)-Mr. Kassahun Addis oo ah aqoonyahan u dhashay dalka Itoobiya oo aqoon u leh islamarkaana faaqida arrimaha gobalka Geeska Afrika, ayaa dawladiisa Itoobiya ugu baaqay inay aqoonsato qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Mr. Kassahun Addis oo degen magaalada Addis Ababa, ayaa wuxuu toddobaadkan qormo dheer ku qoray wargeyska The reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee Itoobiya, kaas oo uu ciwaan uga dhigay “Itoobiya ma aqoonsan doontaa Somaliland” waxaanu ku sheegay qoraalkiisa in Somaliland oo la aqoonsadaa ay dan u tahay gobalka Geeska Afrika, isagoo  ku taliyay inaan marna loo joojin isku dayga badan ee ay dawladda Soomaaliya kaga soo horjeedo aqoonsi la siiyo Somaliland, loona qaato uun dagaalada Soomaaliya  oohin madhan oo la mid ah xidhiidhkii aan Jirin ee ay dawladda Muqdisho u jartay dalka Guinea. Qoraalka oo uu Mr. Kassahun Addis u ogolaaday wargeyska Geeska Afrika inuu u turjumo Soomaali, ayaa wuxuu u dhignaa sidan “Bishan bilawgeedii “Dawladda” Federaalka ah ee Ku meel gaadhka ah ee Somaliya oo degan goobta sida wayn loo ilaaliyo ee Villa Somalia, waxaay xidhiidh aan jirin u jartay Guinea Conakry sababta oo ah waxaay u fidisay wafti Somaliland ah oo uu hogaaminayo  madaxwaynohoodu wax u eeg soo dhowayn rasmi ah. Murankan diblomaasiyadeed waxa laga yaabaa inaanu ka tegin raad, balse waxaay cadayn u tahay sida dawladihii iska kala danbeeyey ee Somaliya ay afduubka ugu haysteen dalalka Afrika iyo dunida kale marshucooda fashilmay ee Soomaaliwayn oo mudo kooban, isaga oo ahaa mid aan dhamaystirnayn, u jiray xiliyadii u dhaxaysay lixdanaadkii iyo bilawgii sagaashanaadkii. Is-hortaagga iyo majo xaabinta dadaalka ay Somaliland ugu jirto inay balaadhiso cilaaqaadka ay la leedahay bulshada caalamka, Dawladda  Ku-meel gaadhka ahi waxay muujinaysaa sida ay ugu mashquulsan tahay aragtida dhul fidsiga ah iyo inaanay wax ixtiraam ah u hayn is fahamka waaqaca ku dhisan ee ay Afrika ku gaadhay in xuduudaha gumaystuhu ka tegay ay yihiin kuwo aan la taaban karin oo ay tahay in la ixtiraamo. Iyada oo si kooban loo akhriyo Baaqii Qaahira ee 1964 ayaa taas inagaga filan.

Itoobiya oo ah dalka danta u badani kaga daadsan tahay gobolku, waa inuu dib u qiimeeyo istiraajiyadiisa siyaasadda arimaha debedda ee ku aadan dawladda Muqdisho saldhigeedu yahay. Cahdigii qancinta siyaasiyiinta Muqdisho waa inuu dhamaadaa. Boqor Haile Selassie I ayuu ahaa kii dabada ka riixay in la soo saaro Baaqa Qaahira isaga oo ka fal celinayay dhul fidsiga Soomaalidu ku fooganayd lixdanaadkii, halka Mengistu Hailemariam uu si buuxda u taageeray halgankii xorraynta Somaliland isaga oo ka jawaabaya isku daygii taliskii Siyaad Barre uu ku doonay mar labaad dhul fidsi.   Meles Zenawi wuxuu door biday hanaan waaqici ahaa xiligaas oo uu isugu dheelitirayay xidhiidh “saddex-geesood” ahaa oo la lahaa wixii ka dhashay jamhuuriyadii Soomaalida ee jirtay 1960 ilaa 1991: dhinac wuxuu xidhiidh kala lahaa cid kasta oo gacanta ku haysay markaas Villa Somalia, xidhiidh kale wuxuu la lahaa maamulka iskiis isku xukuma ee Puntland iyo kuwa kale ee ka jiray Koonfurta iyo Badhtamaha Somaliya, xidhiidhka saddexaad wuxuu la lahaa dalka Somaliland, oo ahayd maxmiyad hoos timaadda Ingiriiska oo iskeed ula midawday Soomaalidii uu gumaystay Talyaanigu lix maalmood keliya kadib markii ay ka mid noqotay wadamada cusub ee Afrika ee xorriyadda qaatay, waxaayna iskeed uga baxday midawgaas.

Mawqifka rasmiga ah ee Itoobiya ee ah in is-haysashada dhul ahaaneed ee Jamhuuriyadii Soomaalida (1960 – 1991) aan la taaban waxaay si dadban u saadaalinaysaa in la jebiyo is haysashada dhul ahaaneed ee dalkeeda [Itoobiya]. Sababta oo ah Jamhuuriyadii Soomaalida ee jirtay mudada kooban ee 30 ka sanadood ah waxaay ahayd mid kala dhiman si loo buuxsho dhul fidsiga lagu hiigsanayay marshuuca Soomaaliwayn oo doonayay inuu isku daro bulshooyinka af Soomaaliga ku hadla ee degan Jibuuti, Kiiniya, Itoobiya, Maxmiyadii Ingiriiska ee Somaliland, iyo Soomaalidii Talyaanigu gumaysan jiray. [Maxmiyadii] Ingiriiska ee Somaliland iyo dhigoodii koonfurtu waxaay si ikhtiyaari ah oo degdeg ah u galeen midaw si ay u abuuraan Jamhuuriyadda Somaliland June 1960, waxaayna sii wateen mashruucoodii Soomaaliwayn iyaga oo la galay dagaalo toos ah iyo kuwo cid kale la isticmaalay Itoobiya iyo Kiiniya.

Hogaamiyayaasha isteerinka u haya siyaasadda arimaha debedda ee Itoobiya waa inay garwaaqsadaan in iyada oo la ilaalinayo xuduudaha gumaystaha la siiyo aqoonsi buuxa Somaliland, inay si kama danbays ah luxudka u dhigayso marshuuca dhul fidsiga ah ee Geeska Afrika. Waa doqonimo in walaaca marin haboobsan ee barbar dhigaya dib ula soo noqoshada ay Somaliland dib uga guratay midawgii ay sida ikhtiyaarig ah ula gashay Somalia-dii Talyaanigu gumaysan jiray, siyaadadda gooni goosad doonka ah ee ka dhex jirta Itoobiiya. Xuduudaha Afrika waxaay ka dhasheen raadkii uu ka tegay gumaystuhu. Inaynu aqoonsano Somaliland, ma abuurayso sunne lagu daydo hadhow oo waxyeelo inoo soo jiida. Senegal iyo Gambia ayaa hore u midawoobay dabadeed dib u kala noqday, marna looma isticmaalin in looga dhigto tusaale aragti ama xoogag gooni goosato ah. madax banaanidii Eretriya si balaadhan ayaa looga aqbalay markiiba dunida ka baxsan Itoobiya sababta oo ah waxaay waafaqsanayd fahamka la isla qaatay ee ah in xuduudaha Afrika ay u yihiin aasaas dawladnimada Afrika. Dawladnimada iyo xuduudaha Somaliland waxaay ka dhasheen taariikhdii gumaystaha si la mid ah Chad, Tunisia ama Malawi.

Aqoonsi sharci ah oo la siiyo Somaliland wuxuu aag cusub oo barwaaqo ah ka dhalin doonaa marinka isku xidha Berbera-Togwajaale-Jigjga isaga oo abuuri doona ganacsi caalami ah oo si sharci ah loo fuliyo iyo inuu balaadhsho fursadaha dhaqaale. Somaliland ma noqon doonto oo keliya deked wax laga dhoofiyo waxna laga soo dejiyo. Sidoo kale waa suuq wayn. Qaadka sanadkii loo dhoofiyo Somaliland wuxuu qiimihiisu yahay boqolaal milyan oo doolar. Waxa jirta baahi aan weli la taaban oo ay u qabto wax soosaarka beeraha. Waxaynu sidoo kale ka faa’iidi karnaa khayraadka balaadhan ee ku duugan badda Somaliland leedahay ee dhererkeedu yahay wax ka badan 750 kilometers.

In aqoonsi la siiyo Somaliland waxaay sidoo kale hoos u dhigaysaa ku tiirsanaanta ay Itoobiya ku tiirsan tahay dekedda Jibuuti, taas oo ka qaadaysa awoodda ay hada leedahay Jibuuti oo aan inagala tashan marka ay keenayso ciidamo aduunka oo dhan ka kala yimi albaabka gurigeena laga soo galo. Iminkaba dawladda Itoobiya waxa la sheegay inay ku leedahay 18% dekedda Berbera ee dhowaan la balaadhiyay, taas oo la filayo inay hoos u dhigto qarashka wax dhoofinta iyo soo dejinta. Saraakiil Somaliland ah oo qoraaagani la hadlay ayaa u sheegay inay diyaar u yihiin fekerka ah in ciidanka badda ee Itoobiya ee dhowaan la abuuray lagu martigeliyo magaalooyinka xeebaha ee Somaliland. Xaqiiqda ah in Itoobiya ay martigelisay in kabadan hal milyan oo Somalilanders ah mudo toban sanadood ah waagii ay dagaalka kula jireen Muqdisho ma ilaawin qaranku sababta oo ah jiilkii waagaasi weli waa joogaa, islamarkaana caruurtoodu waxay ku dhasheen gudaha Itoobiya ama waa loogu dhigay taariikhdooda iyo casharada bulsho.

Waxaay u badan tahay in Muqdisho ay si wayn uga soo horjeedsato isku day kasta oo lagu siinayo ictiraaf Somaliland. Taas waa la filan karaa. Balse waxaay noqon doontaa uun oohin madhan oo la mid ah xidhiidhkii aan jirin ee ay u jartay Guinea Conakry. Waxaaynu haysanaa wax kasta oo gacanta sare ina siinaya, islamarkaana talaabada wax ku oolka ah ee jabhadda ONLF ay uga furatay xafiiska Addis Ababa waxaay la micno tahay in ay lumisay [Somaliya] wax kasta oo ay u isticmaali lahayd inay ku cadaadiso dawladda iyo dadka Itoobiya.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here