Ciidamada Booliska Oo Qabtay Nin Hay’adaha UN-ka La Shaqaynayay Oo Hargeysa Ku Faafinayay Diinta Kiristaanka

1
4249

 

Picture2Hargeysa( Geeska )-Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa xaqiijiyay inay gacanta ku dhigeen nin ajaanib ah oo diinta Kiristaanka ka dhex faafiya magaalada Hargeysa, kaas oo Hargeysa u yimid inuu tababar kala shaqeeyo mid ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay ee Hargeysa degen.

Taliye Fadal, wuxuu sidan ku xaqiijiyay waraysi uu xalay Geeska Afrika la yeeshay, waxaanu cadeeyay inay ninkaas si deg deg ah u masaafurin doonaan. Waxa kale oo uu sheegay inay hay’adaha Qaramada Midoobay raaligelin ka bixiyeen falka uu ninkaasi ku kacay.  “Ciidanka boolisku waxa uu maanta ( Shalay ) xog ku helay nin faafinayay diinta kiristaanka dabadeedna waa ay ka hawlgaleen, waxaanu ninkaasi ka socday kambani gaar loo leeyahay oo ka diiwangashan mid ka mid ah dalalka Afrika, waxaanu ku yimid dalka shaqo kooban oo injineero UN-ka  ka tirsan ayuu tababar siinaayay, markii uu maanta ( Shalay ) xogtaas helay ciidanka boolisku waxa uu ka qaaday talaabo sharciga waafaqsan, waxaana lagu hayaa gacanta, dalkana si deg deg ah ayaa looga saarayaa, waxaana raaligalin ka bixiyay hay’adaha UN-ka  arintaas oo ay sheegeen inay isaga ku kooban tahay oo ayna ilaalinayaan sharciga dalka iyo nidaamka.”

Ninkan ayaa la ogaaday isaga oo faafinaayay qoraalo ku dhiirigalinaaya dadka diinta Kiristaanka kuwaas oo ku qoran luuqadaha Somaliga iyo Ingiriisida, oo uu ku dhex daadiyay meelo ka mid ah magaalada Hargeysa.

Comments are closed.