Maxkamadda Hargeysa Oo Xukun Laba Sanno Ah Ku Riday Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi

0
491

 

Picture1Hargeysa( Geeska )- Maxkamada degmada Hargeysa ayaa laba sano oo xadhig ah ku xukuntay Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi. Kadib markii lagu soo oogay inuu ka qaybgalay shirar ka soo hor jeeda qaranimada Somaliland.

Boqor Raabi ayaa xukunkiisa ay maxkamadu u adeegsatay xeerka ciqaabta guud qodabka 212 sida uu sheegay Garsoore Cismaan Ibraahin Daahir oo ah garsooraha xukunkaas isagu riday.

Dhinaca kale Maxamed Axmed Abokor oo ah  qareenka u doodayey boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo isaguna ka hadlay xukunka lagu riday boqorka ayaa ku tilmaamay xukunkaas mid aan cadaalad ahayn, isla markaana waxa uu xusay in qodobka loo cuskaday xukunka boqorku aanu ahayn kii  ku haboonaa islamarkaana ay  anbiil ka qaadan doonaan.

Garsoore Cismaan Ibraahin Daahir oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa isaga oo ka hadlaaya xukunkaas uu riday waxa uu  yidhi “ Boqorka waxa lagu xukumay  laba sanadood oo xadhig ah, waxaana loo cuskaday qodobka 212 ee xeerka ciqaabta guud, waxaanu ka qayb galay shirar ka soo hor jeeda qaranimada Somaliland, waxaanu  ka mid ahaa  dadkii xulay baarlamaanka Somaliya, fasax la’aana waxa uu ku tagay dalka Somaliya.” Garsooraha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “ kolay dacwadani waa tii u  horaysay  ee I hor  timaada, wax horana maan arag, kuwa kale ee ficilada noocan ah ku dhaqaaqana waxa nooga qorshaysan inay la mid noqon doonaan boqor Raabi.”

Qareenkan  Maxamed Axmed Abokor ayaa ku dooday In boqorku uu Muqdisho u tagay hawlo u gaar  ah oo la xidhiidha hanti. Boqor Raabi ayaa magaalada Muqdisho tagay sanadkii hore isaga oo wakhtigaas warbaahinta dalku ay baahisay arimo dhanka siyaasada ah inuu muqdisho u tagay.