Faysal Cali Waraabe Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay Inuu Gogol U Fidiyo Madasha Wadatashiga

0
618

Picture5Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ugu baaqay inuu la hadlo oo Madasha Wada-tashiga, oo uu u fidiyo Gogol, isla markaana uu ka qanciyo wixii ay tabanayaan, si toos ahna isku arkaan,waxa kale oo uu ku taliyey in la qanciyo Beelaha dega Gobolada Darafyada Somaliland, oo wax walba oo ay tabanayaan laga qanciyo.

Guddoomiyaha XIsbiga UCID, ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay kulanii dhexmaray Madaxweynaha, waxaanu sheegay inay is afgarteen, waxaanu xusay in danta Somaliland mid loo ahaado haddii ay noqoto Xisbiyada Qaranka iyo Xukuumaddaba, oo la iska ilaaliyo wax walba oo Somaliland dhib ku keenaya.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in la qaato Kaadhka Diiwaangelinta Madaniga ah, balse sida loo maamulay ay aad u xun tahay, oo cid lagala tashaday aanay jirin.

Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya, waxaanu sheegay inuu wada hadaladiisi dhicisoobeen, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Waxa aanu gaadhnay is afgarad, arintan oo aad iyo aad u soo jiitantay, anagu culays ayaanu saarnay, gaar ahaan XIsbiga UCID, si aan arintaas loogu kala tagin, maxa yeelay Saddex jeer ayaanu Madaxweynaha u tagnay, waxa aanu waxaas oo dhan u qabanay duruufaha adag ee inagu gadaaman, oo gudaha iyo dibadaba ka jira, oo haddii wax yar ee inoo dhaxeeya la dhammayn, oo aan is af garad lagu dhammaynin, waxa ay inoo horseedaysa dufuufaha adag ee inagu soo fool leh.”

Eng: Faysal Cali ayaa mar uu ka hadlaayey sidii loola hadli lahaa tabashadoodana loo dhegaysan lahaa Beelaha dega Gobolada darafyada Somaliland ayaa yidhi “Odayaashii reer Awdal ee yimid ee Salaadiinta ahaa ee aan qancin in la qanciyo ayaa inoo taala, waxa inoo taala arinta qolada Khaatumo iyo dhacdooyinkii Saax-dheer iyo Taleex ka dhacay,in laga bogsiiyo, oo dadka la mideeyo ayaa inoo taala, waxa inoo taala in arimaha dibada adkayno, oo Saddexda Xisbi Qaran iyo Dawladduba isku af noqdaan,si loo difaaco Arrimaha Somaliland, si himileedna loo gaadho, si wada hadalada Somaliland iyo Somaliyana tayo u yeeshaan, oo wax micno leh laga hadlo, waana in Ciidamadeena la xoojiya, maxaa yeelay haddii aanad Ciidamo lahayn  lagu ixtiraami maayo, qorshayaal badan ayaa inoo yaala oo ku dhammaan kara inaga oo midaysan,, iskana saarna khilaafka, ”.

Guddoomiyaha XIsbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Dawladdani waa inay iska ilaalisaa wixii aanu ku cambaarayn jirnay Dawladdii hore, oo ahayd inay doonayaan inay Doorashada dib u dhigaan, Golayaasha Barlamaanka iyo Dawladda wakhti go’an ayaa la doortay, markaas inta aan Salaada la eedaamin, oo wakhtigii Doorashadu aanay bilaamin, inaynu wax walba oo Doorashadu ku dhacayso in la sii diyaariyo weeye, haddii kale waxa uu noqonaya qof salaadii iyada oo loo kacayo galay isaga oo aan daahir ahayn,hawlahana waa la isku sii diyaariya, waxa aan aad iyo aad uga naxsanahay in hadda ay Shano Sanno ka soo wareegeen markii 2009, muranka Syaasadeed aanu galnay, oo  aanu ka ilaalinaynay Dawladdii hore inay Doorashadu dib u dhacdo, Maantana waxa inoo hadhsan Toban bilood wakhtigii ay Doorashadu ku dhacaysay, waxa inoo diyaar ahi ma jirto, Wadamadii Deeqda bixin lahaana waxa hakiyey Xeerkan oo ah Xeer dabraya in Doorashadu sidii ay u dhici lahayd,sidii ay hore u sameeyeen Golihii Wakiilada ee hore Sannadkii 2005, oo markii dambe Madaxweynihii hore uu Maxkamadda u gudbiyey, markaas haddii aan waxba laga baran wixii hore ee ina soo maray, oo aynu noqono Umadd aan Sharci kala lahayn, waa  khatar, oo waa in Dawladda xilka qaaday, Siyaasiinta iyo Masuuliyiintu waa inay Shacabka eegaan, oo xilka laga soo baxa,oo Shuruucda la adkeeya, oo xeerka la ilaaliya, waxaana jecel ahay inay arimahaasi inaga dhammaadan”.

Guddoomiyaha Xisibiga UCID Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey Diiwaangelinta waxa uu yidhi “Diiwaangelintna Madaniga ah inaynu qadano waa sharci iyo waajib, oo aynu noqono dad ka soo can dadka kale, lakaiin sida loo maamulay iyo siida Xeerka loo sameeyey ayaa khalad ah,oo waxa ka muuqday dani, laakiin waxa ay ahayd in Saddex Xisbi ay ku qancaan, oo Umadda mid laga dhigaa, balse waxa loo arkay in wax Nin keliya wato, waxaana ka xumahay inay arintaasi u muuqato  mid fashilantay,waxaana ka masuul ah dadkii gacanta ku hayey,anaga nalamay tashan, Cuqaasha lamay tashan, Adduunka lamay tashin, waxa se waajib ah inaynu Kaadhka Diwaangelinta Madaniga aynu qaadano, maxa yeelay inaga Maanta la kala garan maayo qofka reer Somaliland ah iyo qofka Oromada, qofka yimid Jabuuti iyo qofka ka yimid Somaliya” 

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya inay diyaar u yihiin mucaarad ahaan inay dawladda la shaqeeyaan, ayaa yidhi  “Diyaar ayaanu u nahay labadayda XIsbi in aanu Dawladda kala shaqayno, sidii arimaha gudaha loo adkayn lahaa, ee  dadkana loo midayn lahaa, haddii aanu dadkeenu isku duubnayn, oo aanay mid qudha ahayn, inaga ayaa la isku keen jabinayaa, geedkaana gaadhi mayno”.

Madaxweynaha masuuliyadiisu waxa weeye, oo Madaxweyne kastaana masuuliyadiisu tahay inuu dadka mideeyo, oo walibana Dastuurka uu ilaaliyo, Sharcigana uu ilaaliyo”.

Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey dhaliilo ka dhan ah Xukuumadad ayaa yidhi “Labada Ceebood ee Maanta ina haysta waxa weeye in Warbaahintii aynu ku caan baxnay la iska xidh-xidhayo iyo Dastuurkii iyo Sharcigii aan la ixtiraamayn, oo qof kastaaba waxa uu doonayo uu sameeynayo, anigu Nin weyn oo siyaasada in badan ku soo jiray ayaan ahay, waxaana jecel ahay inaynu Qaran yeelano, oo Somaliland ilaashano, oo meel kasta oo Somaliland dani ugu jirto in la ilaaliyo,oo meel kasta oo qof reer Somaliland ahi uu joogo in la ilaaliyo, oo haybada dalkana la ilalaliyo, waana sababta aan  Siyaasad u galay”.

Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu ka hadlay fariin uu u diray Madaxweynaha waxa uu yidhi “Madaxweynaha waxa aan kula talinaya inuu la tashiga biilaabo, dadka uu la hadlo, oo uu Madasha u yeedho, oo si dhakhso ah loo qanciyo Odayaasha, oo lala garamo, waxa ay xaqa u leeyihiina la siiyo, waxa lagaga xaq leeyahayna laga daw mariyo, waana sidii la arki jiray, Madaxweynaha marka loo yimaado, waa inuu dadka qanciyaa, oo uu la fadhiista, Gogosha u goglaa,oo uu qanciya, oo shaqsi shaqsi warqad ugu soo qoraa, oo Wasiirada khuseeya u yeedha, oo uu ku yidhaada waxana maxay u dhaceen, kana jawaaba”.

Mar uu Faysal Cali Waraabe ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya waxa uu yidhi “Wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya, wey dhicsoobeen, waxayna ka dhicisoobeen in markii hore wada hadalada ay lix Wadan ay bilaabeen, inay ka qeyb galaan, lixdiiba waa laga saaray,oo Turkiga oo qudha ayaa la wareegay,waxaana loo baahan yahay in wada hadlada ay ka qeyb noqdaan Wadamadii markii hore ku jiray ee rayiga keenay”

Eng faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey Doorashada ka dhacaysa Somaliya 2016 iyo Doorashada Somaliland waxa uu yidhi “Somaliland iyo Somaliya waxa ay kala yihiin laba Wadan, in Doorshada Somaliland wakhtigeedii ku dhacdana waa muhiim, maxa yeelay in la inaga sii jeedsado oo murankeenu bato oo la inaga xiiso dhaco,  Somaliyana loo jeesto maaha,  oo kuwa  xabada isku ridaya iyo kuwa  afka ka hadlayaana waa isku mid, haddii aynu noqono meel muran ku jiro, is cambaareyn iyo yooyatan ka jiro,  kuwa xabada isla dhacaya isku mid ayeynu noqonaynaa, markaas waa in laga daaya yooyotanka, oo la wada fadhiista, oo haddii Dawladdu wax wanaagsan wado aanu taageernaa, haddii aanu anaguna wax wanaagsan keeno Dawladdu na taageerta, sidaas ayaa dawlad lagu dhisaa, balse qabyaalada laguma dhiso, oo Idaacadaha ha laga mamnuuco dadka soo fadhiisanaya ee leh reer hebel ayaanu nahay.”