“Hay’adaha UN-Tu Waxay Hayaan Lacag Ku Suntan Somaliland Oo Weelka Somaliya Ku Wada Jirta”

0
2309

 

Picture1Hargeysa (Geeska)- Gudoomiyaha urur siyaasadeedka  RAYS, Xasan  Maxamed Cali(Gaafadhi) ayaa cadeeyey in sababaha ku kalifay ku biiritaanka siyaasadu ahayd faham la’aan badan oo siyaasiyiinta ka haysatay ka faa’iidysiga dhaqaalaha hay’adaha gargaarku bixiyaan, sababtaana wax badan ku seegaan bulshada.

 

Xasan Maxamed (Gaafadhi), ayaa sheegay in hay’adaha UN-tu hayaan dhaqaale ku suntan magaca Somaliland oo ku jira weelka Soomaliya, balse, sidii loola macaamili lahaa, ee looga faa’idaysan lahaa hay’adahaa ku yartahay siyaasiyiinteena. Wuxuu sidaas ku sheegay waraysi gaar ah oo uu Wargeyska Geeska Afrikala yeeshay.

Gudoomiyaha RAYS, ayaa cadeeyey haddii shuruudaha uu sheegay la maro waajib ku tahay ururada kale iyo RAYS inay ballanqaadaan aqbalaada natiijada doorashooyinka, jawaabahii uu bixiyeyna waxay u dhaceen sidan:

S: Warbixin kooban baga sii halka hawlaha diyaargarowga doorashooyinka deegaamada ee RAYS idiin marayso?

J: Bismilaahi raxmaani raxiim, kolay hawshani waxay ahayd mid muddo dheer lagu soo jiray, wakhti kooban oo shaqooyin fara badan la doonayey in la qabto. Ilaahay baa mahad leh, wejiyadii aanu soo dhaafnay oo dhan ururka RAYS wuu ka soo gudbay. Waxaanan xilligan ka mid noqonay todobada urur ee doorashada deegaamada ka qeybgeli doona.

S: Bulshadu marka ay maqlaan magaca RAYS waxay isweydiiyaan, tollow, Gudoomiye, Xasan Gafaadhi, maxuu ahaan jiray, ama shaqaduu soo qabtay?

J:  Annigu hore waxaan muddo dheer uga soo shaqeyn jiray hay’adaha samofalka, muddooyinkii ugu danbeeyey ilaa toban sannadood waxaan madax ka ahaa hay’ad samofal oo Ingiriis ah, oo ka shaqeysa xannaanada Xoolaha aya aSomaliland wakiil uga ahaa, ilaa intaana u leexan dhinaca siyaasada. Intii ka horeysay wadanka ayaan joogay, waxii ka dhacayeyna ama hawlo nabadeed ha ahaato, ama hawlo siyaasadeed ama doorashooyine si buuxda iyo si dhiman-ba qeyb ayaan ka ahaa, markaa shaqadayda ugu balaadhan waxay ahayd xaga horumarinta iyo samofalka dalka.

S: Muddo dheer ayaad ku soo jirtay dhinaca samofalka hay’adaha ka shaqeeya, maxaad filaysaa inay keentay u soo leexashadaada dhinaca siyaasada?

J: Hawlaha samofalku waa kuwo horumarineed, runtiina hawlaha horumarinta iyo siyaasaduna laba isku xidhan oo isku adeega weeye, labaduna hadii aanay wada shaqeyn ama siyaasadu la shaqeyn horumarinta, waxaa dhacda inaan horumarku waxtar badan yeelan. Waaya-aragnimadayda intaan ku jiray hay’adaha waxa iga horyimi caqabado badan sidii halwaha horumarinta aan u fulin lahayn, oo badi ka imanayey siyaasiyiinta, salkana ku haysay inaan faham badan jirin ka dhexeeya hay’adaha samofalka qeybta mashaariicda iyo siyaasiyiinta fadhiya kuraasta sare ee dawladda, hawlo badan ama mashaariic badan oo faa’iido u lahaa dalkana ay ku hagaaseen kuna baaqdeen isfaham la’aan dhinaca siyaasada kaga imanayey, taasina waxay I tustay in dad labada dhinacba wax ka fahmaya la helo si labada dhinac iskula jaan-qaadaan, uguna wada adeegaan bulshada. Taasoo aan dareemay in dadka hawlaha samofalka ka shaqeeya sidoo kale dhinaca siyaasadana qeyb ka qaataan.

S: Waxaad sheegtay in muddadii hawlaha samofalka aad ku jirtay kala kulantay siyaasiyiinta qaarkood caqabado badan, maxaad ula jeedaa, ma waxa jiray qaar dhaqaale codsanayey?

J: Marka horeba sida hay’adahu u shaqeeyaan ama mashaarciida loo fuliyo ayaa fahamkoodu ku yar yahay, ama isku aragti aan laga ahayn. Waad ogtahoo, hay’aduhu dhawr nooc ayey u qeybsamaan, qaar UN-ta ah, kuwo qaadhaanka bixiya, iyo kuwo iyagu lacag aanay hayn markaa raadiya. Hay’adaha UN-tu waxay hayaan lacag ku suntan Somaliland oo marka hore weelka Soomaaliya ku wada jirta, Somaliland-na qeyb ku leedahay, wa awax la garanayo oo si gaar ah loola macaamilo, hay’ado sida DFD, iyagana si gaar ah ayaa loola macaamilaa, kuow kalena waa nooca International la yidhaahdo oo toban mashruuc marka ay qoraan ayey laba ama saddex soo helaan, wax wadanku lahaa maaha iyagaa soo xagxagtay, mid walba sideeda ayey doonaysaa in loola macaamilo, markaa fahamka noocaa ah ayaa inta badan maqnaa ama la isku khaldaa.

S: Ma la odhan karaa faham la’aantaa taagnaa, wax badan ayuu ka baajiyey dhaqaale wax ka tari lahaa mushkiladaha ka taagan Somaliland?

J: Aad iyo aad, waxyaalo badan, iyadoo abaari jirto ayaan xusuustaa, oo mishiino ceelasha biyaha lagaga soo saaro oo dalka yimi ay wasaaradaha mid ka mid ah joojisay, oo cashuur ka doontay, iyadoo ceelal in la saaro abaarta biyo la’aanta yareysa loo waday, markaa faham la’aanta caynkaa iyo kuwo ka waaweyn ayaa dhacay oo dano badani ku baaqdeen.

S: Dalkeena abuuiritaanka urur siyaasadeed waxa lama huraan u ah dhaqaale, halkaad filaysaa in RAYS ku xalinayso caqabadaa?
J: RAYS dhaqaalahiisu waxuu ku dhisan yahay dadweynaha iyo mujtamaca taageera, qaadhaan ay keenaan dad ka mid ah ama lagu magacaabo taageerayaasha ururka ayuu ka yimaadaa, laakiin, dhaqaale gaar ah oo cid gaar ah bixiso oo RAYS ku fadhiyo ma jirto.

S: Mar labaad iyo sadexaad ma ballanqaadaysaan inaad ku qanci doontaan natiijooyinka doorashooyinka, waxii cabasho ama dacwad aad qabtaana u mari doontaan dariiqa sharciga si nabadgelyo ah?

J: Waxa waajib ah marka hore cid kastoo ku shaqo leh ama xil ka saran yahay hawlaha doorashooyinka u shaqeeyaan si cadaalad iyo dhexdhexaadnimo ah. Mar labaad, ururada ka qeybgelaya marka ay arkaan siday u shaqeynayaan iyo dhexdhexaadnimadooda.  Marka saddexaad, doorasho kasta khaladaad ayaa ka dhici kara aduunka, markaa hadii khalad dhaco in la hubiyo, oo sida tirada codadka la dhiibtay meelaha qaarkood oo lagu murmi karo, ay haboon tahay in sifahii sharciga looga bogto. Intaa marka laga gudbo, waxa waajib ku ah cid kasta annaguna ballanqaadaynaa inaan ku qanacno natiijada ka soo baxda doorashada.