Qaahira (Geeska)- Korniinka dabiiciga ah ee ilmuhu waxa uu u kala duwan yahay hadba da’diisa iyo duruufaha kale ee ku xeeran oo ay ka mid yihiin kuwa aynu qaybihii hore ee mawduucan la xidhiidhay ku soo xusnay. Qormadan oo daba socdoota taxanihii aynu kaga soo hadlaynay korniinka carruurtu waxa ay ka warramaysaa da’ kasta oo ilmuhu marayo iyo heerka korodhka dabiiciga ah ee laga filayo dhererkiisa haddii aanay jirin cillad caafimaad oo diidaysaa.
1. Ilmuhu sannadka koowaad ee cimrigiisa waxa uu dhererkiisu kordhaa 24 Sentimitir. Sannad labaad korodhka dhererkiisu intaas hore waa uu ka yara gaabiyaa oo waxaa u kordha qiyaas ah 11 Sentimitir. Sannadka saddexaad marka uu ilmuhu gaadho waxaa dhererkiisa ku kordha 8 Sentimitir.
Laga bilaabo sannadka Afaraad illaa uu qaangaadhayana sannad kasta waxaa u kordha ugu yaraan 5 ama 6 Sentimitir, haddii aanay jirin xaalad caafimaad oo caqabad ku ah korniinka ilmaha. Marka uu ilmuhu qaangaadho waxaa ku bilowda waxa ay khubarada ku xeeldheer cilmiga korniinka ilmuhu u yaqaannaan korniinka kediska ah, kaas oo ah in sannad kasta uu dhererkiisa ku kordho 9 Sentimitir, illaa uu ilmuhu gaadhaya da’da uu korniinku istaagayo. Waana da’da dadka waaweyni aadka u dareemaan ee in badan aynu aragno iyaga oo ka hadlaya marka ay arkaan ilmihii oo sidan xawliga ah u kordhaya.
2. Miisaanka ilmaha: Xeeldheerayaasha u kuurgala korniinka carruurtu waxa ay xaqiijiyeen in ay waalidka ay la gudboon tahay in uu muhiimad iyo fiirogaar ah siiyo carruurta miisaankoodu yar yahay, ama dhererkoodu ka gaaban yahay dhererka carruurta da’dooda ah.
Waxaa fiican in dhakhtarku inta uu ilmuhu uurka ku jiraba ogaado in ilmahaasi uu leeyahay dhererkii dabiiciga ah, sidaa awgeed ilmaha ka gaaban inta dabiiciga ah uu si gaar ah ula socdo illaa uu dhalanayo. Xeeldheerayaashu waxa ay sheegeen in carruurta marka ay uurka ku jiraan dhererkoodu inta dabiiciga ah ka gaaban yahay in ay inta badan noqdaan carruurta marka dambe aanu dhererkoodu korin ee gaagaabta. Sidoo kale carruurtani waxa ay halis u yihiin xanuunno noloshooda dambe la soo dersa.