Cayayaan Cusub Oo Ay Saynisyahannadu Ugu Magac Dareen Madaxweynaha Maraykanka Trump

36
3245

Washington (Geeska)- Trump waa magaca loo dooray cayayaan nooca aanay ishu qaban ee afka ingiriisiga ‘Mites’ loo yaqaanno. Saynisyahannada helay xasharaadkan cusub ayaa markii ay arkeen in uu dusha sare ku leeyahay dhogor midabkeedu boodhe yahay oo aad ugu eeg timaha iyo qaabka feedhasho ee madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu caanka ku yahay.

Xasharaadkan oo magaciisa cilmiga ah loo bixiyey Niopalba Donaldrambe, ayaa ay saynisyahannadu sheegeen in uu yahay nooc ku socda in uu dabar go’o oo ku nool deegaan dadku ceeryoon ka yahay oo Koonfurta gobalka California ee dalka Maraykanka, kaddib markii uu isbeddel ku yimi deegaankii hore u jiray ee uu ku dhex tarmi jiray.

Saynisyahanka helay xasharaadkan cusub ayaa sheegay in uu rajaynayo in la’ la qaato magaca uu u doorbiday cayayaankan oo ah in loogu magacdaro madaxweynaha 45-naad ee Maraykanka, si ay u noqoto xasuus madaxweynaha lagu baraarujinayo muhiimadda ay leedahay ilaalinta deegaanka iyo noolaha kale ee dabargo’a ku dhow. Waxa uu saynisyahanku sheegay in sababta uu magacan u doortay ay tahay in uu dareenka bulshada ku soo jeediyo muhiimadda ay leedahay daryeelka xasharaadkan oo uu sheegay in ay fiican tahay in laga hortago in uu dabargo. Sida oo kalana hoos loo eego daraasaynta iyo ogaanshiyaha cayayaanada kale ee aan weli la ogaan oo weli aad ugu badan dalka Maraykanka. Xasharaadkan Trump waxa uu ka mid noqonayaa cayayaannada ugu dhumucda weyn noociisa, ah oo tiradoodu ka badan tahay 4 kun iyo 830 nooc.

Arrinta xiisaha leh ayaa ah, in xilligii uu dalkaas ka talinayey madaxweyne Barak Obama ay sidan oo kale dhacday in saynisyahanno helay nooc cusub oo kalluunka ka mid ah, in ay u bixiyeen Tusanoids Obama. Kalluunkaas cusub ayaa ah nooc laga helo shacaabta xeebta gobalka Hawaii.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here