“Shirguddoonka Guurtidu Xaq Uma Laha Inuu Dood Khilaafsan DASTUURKA 42-3 Golaha Guurtida Keeno”

0
588

Picture7Shirguddoonka Guurtidu XAQ U MA LAHA inuu dood khilaafsan DASTUURKA 42-3  Golaha keeno. Waxa si weyn loo TABAYAA kaalintii is-dheelitirka ee Xeer-dejinta iyo Xukuumada.  Maamul wanaagu waxa uu ku xidhan yahay: Wada shaqayn iyo ku dhaqanka Dastuurka iyo xeer-hoosadyadiisa. 
Khasaaraha u weyn ee Dalku waa MUDDO-KORDHIN aan sharci ahayn ee G/Guurtidu caadaystay. 
Dastuurka 42. 3. Mudo kordhintu waxay ku iman kartaa: Haddii doorashada Golaha Wakiiladu ku qabsoomi waydo duruufo adag…………….. Duruufaha adagi waa: Dagaal baahsan, xasilooni darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo oculus sida: dhul-gariir, cudurrada faafa, abaaro culus. Waxaana qiimaynaya kana go’aan gaadhaya Golaha Guurtida ka dib marka Golaha Xukuumaddu sidaas soo jeediyo.   
Xukuumadda iyo Xeer-dejintu waxa ay u arkaan, Muddo kordhinta cimri-dherar iyo mansabka oo ay ku nagaadaan muddo dheer. Tartan iyo loolan doorashana way kaga baaqdaan. Danahaa gaarka ah ee Xeer-dejinta iyo Xukuumadda ayay Muddo kordhinta aan sharciga ahayni u adeegtaa.            
Bal aan wax ka tilmaanno, xumo ay xambaarsan tahay, muddo kordhinta aan ku iman Dastuurka 42-3.                      
Khilaaf ba ka abuurma.
Maamul xumo iyo musuq-maasuq bay xambaarsan tahay.
Danaha gaarka ah ee madaxda ayay u adeegta. Horumarkii Dalka iyo danihii Dadweynaha ayaa tasooba.
Waxa ka dhalan kara Xasilooni darro iyo Dagaal sokeeye.                                                                                                                                                                                 
Xaaladda Dalku ku sugan yahay: Guurtidu waligeed doorasho ma gelin. Tayo-xumada Guurtida ee ay sababtay doorasha la’aanta, ayaa tusaale wanaagsan ah:Tiradii lagu bilaabay Guurtida, waxa ay ahayd; 82 xubnood; Waxa ka jooga kow iyo toban (11) xubnood, oo Affar bukaan jiif tahay. Kow iyo Toddobaatan (71) xubnoodna waa DHAXAL-TOOYO. Qaar koodna way ka yar yihiin da’dii Guurtida ee 45 sano.  Dhaxal-tooyo waa sharci darro. Waxana ku fadhiya DHAXAL: 91%
 Waxa sharci ku fadhiya 9 %.                                                                                                       
Dastuurka qod.59aad:- Qofka loo soo dooranayo xubinimada Golaha Guurtida waa in uu yeesho shuruudaha qofka isu-taagaya xubinimada Golaha Wakiilada marka laga reebo da’da iyo heerka aqoonta:
1. In aan Da’diisu ka yaraan 45 sano (shan iyo affartan).2. Inuu yahay qof Diinta  aqoon fiican u leh, ama oday dhaqan-yaqaan ah.
Golaha Guurtida ee sidaa u baaba’sani, miyay tahay inuu ka taliyo masiirka Ummadda J.S.L. Waxa Xukuumadda iyo Golaha Wakiilada wax uga qaban waayeen, abaal-gudka Shirguddooka Guurtidu siiyay ee Muddo-kordhinta aan waafaqsanayn Dastuurka 42-3.
Xaaladda Dalku maarayo iyo sidii sharcigii looga xuub-siibtay:Guurtidu waligood doorasho ma gelin. G/Wakiiladuna wuxu ku fadhiyaa muddo-kordhin, aan sharci ahayn. Xukuumaddiina bil ba uga hadhay muddadii xilka. Balse waxay rajeynaysaa muddo-kordhin ABAAL-GUD xilkii doorashada ee ay GABTAY iyo Dastuurka 42-3. Ee ay LAALEEN.
Sharcidarradu waa caam: Xukuumadda, Guurtida iyo Wakiilada 
Saamayn intee le’eg ayuu SHARCIGAA JAMHUURIYADDA SOMALILAND ka wada xuub-siibatay ku yeelan AQOONSIGII Dalka, habsami u socodkii maamulka iyo horumarkii Dalka? Caano-daatay dabadood la qabay; Caafimaaadku wuxu jiraa, Doorasho iyo Tartanka oo ku dhaca muddadii komishanka Doorashadu cayimay iyo Xukuumadda oo aqbasha. Dhibaato ma jirteen haddii xeer-dejintu ku dhaqmayso Dastuurka iyo Xeer-hoosaadyadiisa: 
Qodobka 38-1: A woodaha Xeer-dejinta; ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxay gaar u tahay Baarlamaanka oo ka kooban Laba Gole oo kala ah, Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida. Xilka Xeer-dejintu uma wareegi karo cid ka baxsan Baarlamaanka.                     Qodobka 38-3. Baarlamaanku Xil-gudashadiisa wuxu ku salaynayaa Dastuurka iyo xeer-hoosadyadiisa.                                           Himilooyinka xilgudashada Baarlamaanka waxa ugu muhimsan arrimaha soo socda:-                                                                      b. Sugidda nabadgalyada iyo ammaanka Jamhuuriyadda iyo u madax-bannaanida maamulka  dhulkeeda, baddeeda iyo hawadeeda.  j. Hirgelinta  xeerarka u degsan Jamhuuriyadda Somaliland iyo xaqiijinta taaba–galka cadaaladda oo saldhig u ah xasiloonida guud ee Jamhuuriyadda iyo isu-kalsamaanta iyo iskaashiga dadweynaha Somaliland Maxay ku iloobay DHAARTAN IYO KITAABKII QUR’AANKA AY GACANTA SAAREEN?
Qodobka 129: “WAXAAN ILAAHAY UGU DHAARTAY IN AAN U NOQONAYO DAACAD DIINTA ISLAAMKA, DALKAYGA SOMALILAND, DADKIISANA KU MAAMULAYO SINNAAN IYO CADDAALAD INTA AAN XILKA HAYO”.                                        ALLAA MAHAD LEH
Eng Maxamed Xaashi Cilmi.