Hay’adda SOFHA Oo Soo Gabagabaysay Kulan Lagaga Hadlayey Talo Bixinta Culimada Ee Caafimaadka Qoyska

0
659

Picture1Hargeysa (Geeska)- Haya’dda SOFHA oo kaashanaysa wasaaradda diinta iyo aw-qaafta Somaliland ayaa kulan talo bixin iyo dib u eegis ah oo la xidhiidha caafimaadka hooyada iyo qoyska qaar ka mida culimada dalka kulan hal maalinta ugu qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Cabdifataax Mahad Qaasim oo ah madax barnaamijyada ee Hay’adda SOFHA oo furay kulankan ayaa ugu horan waxa uu ka war bixiyey ujeedada culimada gobolada layskugu yeedhay iyo doorka ay ku leeyihiin ka talo bixinta caafimaadka hooyada iyo qoyska, waxaan gobol kasta ka socday isu-duwaha wasaarada diinta iyo aw-qaafta iyo saddex ka mida culimada gobolka, waxaanu yidhi:-

“Doodo fara badan ayeynu wadaagnay, kadib waxaynu dib isugu dirnay goboladii in wacyi gelin diiniyan ah laga sameeyo oo ah sidii caafimaadka qoyska loo daryeeli lahaa, in kastoo dhamaanteenba masuuliyad ina saaran tahay, ujeedada kulankeenu waxay weeye bal in aynu dib iskula eegno culimada arrintan maka hadleen iyo hawlihii culimo ahaan aad soo qabteen in aynu dib isaga waraysano”

sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Maxamed Cumar oo hore u ahaan jiray madaxa barnaamijyada Hay’adda SOFHA, waxaanu ku dheeraaday wada shaqaynta joogtada ah ee ka dhaxaysa SOFHA, wasaaradda diinta iyo awqaafta iyo culimada dalka intooda badan, waxaanu yidhi:-

Hawshan Hay’adda SOFHA mudo dheer ayey soo waday, labada gobol ee ugu shisheeya ayaanay tagin, laakin Berbera, Burco, Boorama, Gabiley, Wajaale, Hawd, Maroodijeex oo ay ka shaqayso, waana markii shanaad ee aynu Hargeysa isugu nimdaano, waana markii saddexaad ee ay culimadu gobolada isaga timaado ee laga wada hadlo maxay diinta islaamku ka qabtaa kala korinta ubadka iyo caafimaadka qoyska, waxaana doorkooda ka qaatay kulamadaas dhakhaatiirta aqoonta u leh caafimaadka hooyada”

Geesta kale isu-duwaha wasaarada diinta iyo awqaafta Sh Maxamed Ibraahim oo kulankaasi goob joog ka ahaa, isla markaana soo xidhay ayaa ka hadlay muhiimada ay umada islaamka ah u leedahay taranta oo la badiyaa, waxaanu culimada ku amaanay ka soo qayb galka kulanka lagu faaqidaayey caafimaadka qoyska iyo kala korinta ubadka, waxaanu sheegay in wixii maslaxo ah aanay diintu ka soo horjeedin.

Ugu danbayntii culumada ka soo qayb gashay ee ka kala timi gobolada dalka ayaa warbixino la xidhiidha qaabka wacyi galinta ay uga sameeyeen gobolada ay ka yimaadeen ku dheeraaday, waxaanay sheegin in dadku hada soo fahmaayo danta qoysku inay ku jirto kala korinta ubadka, iyadoo loo maraayo shareecada Islaamka.