Cawil: Maanso Baroor Diiq Ah Oo Uu Abwaan Xasan-Ganey U Tiriyay Marxuum Jamac Maxamuud Xayd

0
665

 

ganayHargeysa(Geeska)-WargeyskaGeeska Afrika,wuxuu halkan ku soo gudbinayaa maanso uu magaceedu yahay CAWIL, oo uu Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan-Ganey), u tiriyay guddoomiyihii Baanka Djibouti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd, oo toddobaadkii hore ku geeriyooday Magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, aas qarana loogu sameeyay wadanka Djibouti.

Abwaanku wuxuu uga duceeyay  goor casar ah intii aanu geeriyoon Jaamac maxamuud Xayd, masaajid ku yaala magaalada Hargeysa, kaas oo ku sheegi doono beyd ka mida maansadiisan, waxaanu sidoo kale maansadan ku soo bandhigayaa doorkii deeqsinimo ee Marxuumka iyo weliba odaytinimadiisii, waxaanu Abwaan Xasan Ganey maansadiisan ku soo halqabsanayaa Axmed Cismaan Geele. Alle haw naxariistee Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd, ka sokow dalkiisa Djibouti waxa sidoo kale geeridiisa si weyn looga dareemay wadanka Somaliland iyo wadamada Geeska Afrika. Abwaan Xasan, maansadiisan oo uu shalay Geeska Afrika soo gaadhsiiyay wuxuu  ku yidhi sidan:

 

Cabdiyoow warkaagii

Cawayskii i-siisaa

Caqligayga rogayoo,

habeenkoo caraaboo

Intii badani carartoo,

cabaar yari ka hadhaybaan,

caskii waaga ka hortow

Bahalaha ciyaayiyo

Ciidan gaadha mooyee

Caam-ahaan dadku hurdaan

Cidiyaha fadhmooyee

Cashadii la dhigay-iyo

Anoon caanihii dayn

Caloolyow la kacayoo

Waanse camal wareeraye

Cartankiyo galgalashada

Gogashaan camaaluqay

Ku car-gaagtankeedii

Naxdin Caynka furatiyo

Warwarka I cileeyaa

Hilbahayga cunayoo

Cimrigayga qaar baa

Ka baxaayay cagahoo

Naftuun baan cadibayee

Caday Gees kamaan jabin

 

Cishaday ka idishee

Calafkeedu  joogsado

cid kastoo aad jeceshahay

wadka lagama celin karo

 

Axmed ina-cismaanow

Cududaan ku dhaatiyo

Intiina caawa nooleey

Cimrigiin ha raagee

Siqigii caraabee

Jimcii ciida hoos maray

Nin cibaado badanoo

Rabi caabuduu ahaa

Nin cadaalad taliyoo

Caadaystaybuu ahaa

Carab dalab le’e iyo been

Nin ka caagan-buu ahaa

Runta wiil cadeeyo

Ka cabsoonin-buu ahaa

Nimaan curuf xumaynoo

Camal suuban-buu ahaa

Marka ay nin celis tahay

Nin cad-goosta-buu ahaa

Cilmigii dhaqaalaha

Weelka u culaayee

Curinaayey-buu ahaa

Xilkuu qaranku u calmaday

Hanad caabiyuu ahaa

Cuqaasha iyo waxgaradkana

Nin ciseeya-buu ahaa

Caydhiyo agoontiyo

Maatida cadilan-iyo

Caamiyaha indhahaliyo

Inta cudur la jiiftiyo

Intii caafimaad qaba

Culima iyo caamaba’a

Sikhi caawiyuu ahaa

Ceelkii danyarihiyo

Mahwi laga cabuu ahaa

Intaas oo caqiibo ah

Jaamacii ku caan baxay

Casiiskii lahaa qaad

Qadarkaana caaynka ah

Ma cidbaa wax lalahayd

Calwisoow waxba ha tarin

Ma calaacalbaa jira

 

Axmed ina-cismaanow

Gurigii cusbaayee

Camirnaa dhamaane

Bada cidhifka kaga yiil

Caawana madawga ah

Dadkaa geeri culusiyo

Masiibadu ku ciirtee

Cunadii ka soomee

Kolaytahay candhuuftii

Cunahooda wax u marin

Intay cadhadu haysiyo

Cadaawaha farxaayee

Ku cawaysanaayee

Caleemaha lulaayee

Ciyaaraana way dhiman

 

Waase xaajoo curatoo

Dadka caado u ahayn

Waase camalka shaydaan

Cajabtaana la hayaa

 

Mid cishooyin joogtiyo

Ceeyoon mid hooyataba

Cabdo-waliba way socon

Marbaa cawda loo goyn

Kaga ciilaw-taa

 

Axmed ina-cismaanow

Markay taladu calowdee

Gasho meel cidhiidhiya

Cida aan ku baqaniyo

Ciirsigaynu leenahay

Cadiimkeena weeyee

Cuskadoo ilaahay

Casiis aan u barinee

Inta aan calmanayaay

Calacalaha ila dhiga

 

Cishadii arbacadee

Maskidkii cirooliyo

Caruurtiyo haweenkiyo

Casriga iyo barbaarta ah

Cilmi daalibka ahiyo

Culimadu ka buuxdee

Casarkii istaagow

Calaacalaha ila dhiga

 

Inta gabayga curisiyo

Bahda caafimaadkiyo

Inta Wali carceertee

Karaamada ku caaniyo

Dhamaan caabudiintaay

Malaa’igta culusee

Danbi lagu cadaabiyo

Aan ceeb samayneey

Calaacalaha ila dhiga

 

Codka waxa ugu baridaan

Sikhigii caraabee

Jimcii ciida hoos maray

Allow iil cidhiidh-yiyo

Ciqaab iyo dhib mudatiyo

Cadaabaha ka nabad gali

Allow ciida hoosana

Waasici calooshoo

Coloodhada u weynee

Allow nuur cadaaniyo

Cadar iyo udgooniyo

Ku casuun fardawsoo

Caf adoonkii naga tagay

Codka waxa ugu baridaan

Shukri iyo caruurtiyo

Intii Ay calaashiyo

La wadaagtay caanee

Maxamuud cadkiisiyo

Curuqdiisa laga jaray

Cayliyada hoosiyo

Cashiiryo tol iyo xiddid

Caam ahaan dadweynaha

Gaar ahaan colkeeniyo

Cutubkuu ka mid ahaa

Cawil khayrle Eebow

Noogu celi halkiisii

 

Codka waxa ugu baridaan

Cindalaahi kaligaa

Cabashada ku maqanee

Carshigaaga taaliyo

Codsiga iyo waraaqaha

Boostaada ka camiran

Cadiimow hanagu qadin

Baryadana ha soo celin

Qalin caaro khayr badan

Ku saxeex casiisow