Dallada SONYO Oo Shahaado Sharaf Ku Maamuustay Wargeyska Geeska Afrika

1
638

 

545454Hargaysa( Geeska )- Dalada ay ururada dhalinyarada Somaliland ku bahoobeen ee SONYO, ayaa shahaado sharaf ay ku maamuustay gudoon siisay wargayska Geeska Afrika, oo ay ku tilmaamtay inuu yahay wargeys arimaha bulshada wax weyn ka tara soona gudbiya macluumaad faa’idooyin badan ay bulshadu ka helaan.

Waxa shahaadadan wargayska Gudoon siiyay hoggaankii shanaad ee dalada dhalinyarada Sonyo soo hogaaminayay labadii sanadood ee la soo dhaafay, oo xaflad balaadhan u qabtay wareejinta xilkaas ay labada sano soo hayeen oo loo doortay hoggaan kii lixaad oo muddo laba sanadood ah isaguna hogaanka u sii hayn doono daladaas dhalinyarada.

Waxa Geeska Afrika shahaado sharaftaas u guddoomay  guddoomiye Kamaal Axmed Cali.  Waxaanu gudoomiyaha wargayska Geeska Afrika uu halkan ugu mahadnaqayaa daladaas dhalinyarada ee SONYO, sida ay ugu maamuustay shahaado sharafta, waxaanu xusay in wargaysku uu sii laban laabi doono xog gaadhsiinta iyo aqoon koradhsiga uu la barbar taagan yahay dadkiisa.

Waxa kale oo ay SONYO shahaado sharafyo guddoonsiisay telefishanka HCTV oo uu u gudoomay Agaasime Maxamed Cabdi Ilig, telefishanka qaranka oo ay guddoontay weriye Saynab Maxamed Cabdi iyo weriye Cabdishakuur Xaaji Muxumed Heersare, oo isna la guddoonsiiyay bilad sharaf.  Waxa kale oo ay SONYO shahaado sharafyo guddoonsiisay shirkadaha Dahabshiil, Telesom, Asal iyo hay’ado iyo shakhsiyaad kale.

Comments are closed.