Cawaaqib Xumada Xeerka Xalaalaynta dulsaarka (Ribada) Dr. Cabdulqani Xuseen Maxamed – Beder

0
875

Taariikhda Xeerkan

Bishii sideedaad ee sanadkii 2007 ayey ahayd markii uu Mr Cumar Xuseen Ibraahim -Alle ha u naxariistee- u soo gudbiyey Madaxweyne Riyaale xeer qabyo ahaa oo uu magaciisu ahaa “Xeerka ka ganacsiga Hawlaha baananka” .

Xeerkaas oo madaxweynuhu u xil saaray xubno ka tirsanaa golaha wasiirada si ay uga soo talo bixiyaan, waxa uu ahaa xeer laga soo min guuriyey xeerka bangiyada ganacsiga ee Kenya, manuu ahayn xeer ka turjumaya baahida bangi ee bulshadan, sidoo kale muu ahayn xeer la jaanqaadaya dhaqan-dhaqaalaha iyo qiyamka diineed ee bulsho waynta soomaaliland.

Inkastoo wax ka bedel doora lagu sameeyey xeerkaas si loo waafajiyo baahida qaran iyo marxaladaha la marayo, haddana weli waxa laga dhex arkayaa muuqaaladii ay lahaayeen bulshadii loogu talo galay.
Dhinaca kale dadaalo ay sameeyeen xubno ganacsato iyo aqoonyahanno isugu jira ayaa keliftay in xubnihii wasiirada ahaa ee xeerkan dhameystirka ku sameynayey ay curiyaan “Xeerka Baananka Islaamka”.
Xeerarkaas waxa ay golaha wasiiradu ku soo celiyeen Madaxwayne Riyaale.
Inkastoo uu Madaxweyne Riyaale muddo haystay xeerarkan qabyo qoraalka ahaa hadana ugu danbeyntii wuxuu u soo gudbiyey golaha sharci nidaaminta (Baarlamaanka),

Iyana dhinacooda Golaha Baarlamaanku inkastoo ay xeerarka mudo sanado ah hayeen, haddana ugu danbeyntii waxay ansixiyeen xeerka baananka islaamka, isla markaana waxa si rasmi ah u saxeexay oo dhaqan geliyey Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo taariikhdu markay ahayd: October 03, 2012.
Xeerkan Baananka Islaamka ee la ansixiyey sumadiisuna tahay  Lr.55/2012, waxa si fiican u tafatiray guddida dhaqaalaha ee Baarlamaanka, waxaana ka  talo bixiyey aqoonyahanno ku xeel dheer sharciyada baananka Islaamiga ah, dhinaca kale xeerkani waa xeer dhameystiran oo buuxin kara baahi kasta oo loo qabo hawlaha baananka ganacsiga iyo horumarintu ay qabtaan, marka laga reebo inuu u baahanyahay xeer hoosaadyo dhameystir ah dhinacyada qaarkood.

Xeerkan hadda horyaala baarlamaanka ee ah “Xeerka ka ganacsiga hawlaha bangi” waxa uu ku jiray ajendayaasha kalfadhiyada golaha wakiilada ilaa wakhtigii xukuumadii hore ee Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin, laga soo bilaabo kalfadhigii 17aad ee golaha ilaa kalfadhiga hadda furan oo ah kii 29aad, mudadaas dheer ee xeerkan qabyadi ahi horyaalay golaha waxa muuqatay inaanay cidi isku kelifin dhameystirkiisa, maadaama aanay muuqan baahi loo qabaa.

Kalfadhigii 24aad ee golaha wakiilada ayaa markii ugu horeysay labilaabay in loo diyaar garoobo ka doodista xeerkan, waa arin ilaahay wataaye isla markiiba waxa bilowday khilaaf adag oo soo kala dhex galay shir gudoonka baarlamaanka, kaasoo khalkhal geliyey guud ahaan habsami socod kii shaqo ee golaha, sidaa awgeed may suuro gelin in xeerkan laga doodo, nasiib daro lama weelayn dhawaqii culimada ee ku aadanaa halista sharciyeynta xeer u jidaynaya bulshada ku dhaqanka iyo dhiiri gelinta dulsaarka, sidoo kale laguma waano qaadan khilaafkaas oo aan isleeyey waxa sabab u ahaa xeerkan inkastoo meelo kale afka loo saaray.

Sidoo kale kal fadhigii 25aad oo la doonay in laga doodo xeerkan ayey culimada waaweyn ee dalka oo uu hogaaminayo wasiirka diinta iyo awqaaftu mudane Khaliil Cabdilaah Axmed kulamo la qaateen shir gudoonka golaha Baarlamaanka iyagoo isla qaatay in xeerkaas la waafajiyo distoorka dalka loona saaro guddi baarlamaanka ah iyo guddi culimo oo uu wasiirka awqaaftu soo xulo.

Culimada oo ka koobnaa 11 xubnood waxa ay kulan dheer la qaateen guddidii loo xilsaaray la tashagi culimada oo uu gudoomiye u ahaa Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, kulanka oo ka dhacay xarunta golaha baaralamaanka waxa laga reebay document qoran oo culimadu gudbiyeen meeshana ka akhriyeen iyo weliba duubis maqal iyo muuqaal ah.

Dhammaan dhacdooyinkani waa kuwo aan si dhow ula socday ilaa markii ugu horeysay ee qabyo qoraalka xeerkan la hor keeno madaxweynihii hore ee Daahir Riyaale

Ma loo baahanyahay xeerkan?

Sidaynu kor ku xusnay waxa la ansixiyey xeerka baananka islaamka, xeerkaas oo si fiican loo qaabeeyey loona dhameystiray, looguna talo galay inuu buuxiyo booska baananka horumarineed iyo ganacsi ee somaliland, iyadoo weliba gundhig looga dhigay shareecada islaamka dhammaan adeegyada uu qabanayo iyo ganacsiga uu gelayoba, sidaa awgeed ma jirto baahi loo qabo ansixinta xeerkan.

Dhinaca kale xeerkani waxa uu jidaynayaa Dulsaar/Ribo, isagoo isticmaalaya magacyo la asturay lana qurxiyey hase yeeshee ah ribadii xaaraanta ahayd ee islaamku meesha adag iska taagay.

Xeerkani waxa uu si cad u khilaafsan yahay dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland, oo qodobkiisa 5aad uu tilmaamayo sidan: “Xeerarka dalka waxaa laga qaadanayaa Shareecadda lslaamka; waxaana reebban wixii xeer ah ee ka soo horjeeda”. Sidoo kale disrooka Soomaaliland qodobkii 14aad faqradii 3aad waxa ay u qoran tahay sidan:” Ribada iyo Macaamilooyinka ganacsi ee dhib u leh bulshada iyo ku xoolaysiga sifo aan sharci ahayni way reebban yihiin”

Cawaaqib xumida ribada

Rebadu waa musiibo dhaqaale oo ay dhibaatadeeda isla aqoonsan yihiin khubarada cilmiga dhaqaalaha iyo bulshada ee aduunku, waa jariimo diineed oo ka mid ah todobada denbi ee waaweyn ee Rasuulku (SCW) tilmaamay in lagu halaagsamo.

Waxay isku waafaqeen dhammaan diimaha samaawiga ahi inay xaaraan tahay Ribadu.
Aayadaha quraanka ah ee sida adag uga digaya Ribada waxa ka midah:

1.  Aayadda: 275aad ee suuratal Baqarah oo macanheedu yahay {kuwa ribada cunayaa ma istaagayaan mooyaane iyagoo u dhacdhacaya sida kuwa jinku derderay ee uu durreeyey}, taasina waxay culimadu ku macneeyeen in RIBA CUNUHU uu aduunkana ku noolaanayo xaalad deganaansho iyo xasilooni la'aan ah, qiyaamahana la soo saarayo isagoo derderan oo kacaa kufaya.

2. Aayadaha: 278-279aad ee suuratal Baqarah {kuwi Iimaanka lahaayow ilaahay ka cabsada, oo ribada is kaga taga haddaad iimaan leedihiin, hadaad sidaas yeeli waydaanna ogsoonaada dagaalka Ilaahay iyo Rasuulkiisu idinla galaan}.

Axaadiista ku soo aroortay xumaanta Ribada waxa ka mid ah:

1. Jaabir ibn Cabdilaahi wuxuu yidhi: “wuxuu rasuulku Ribada ku nacdalay Shan: ka cunaya, ka cunsiinaya, ka u kala qoraya iyo labada markhaatiga ka ah, wuxuuna yidhi way ka siman yihiin denbiga” waxa xadiiska soo saaray Imaam Muslim.

2.  “Ribadu waa  sadex iyo todobaatan albaab, ka ugu yari waxa uu la denbi yahay inuu nin ku hooyadii xaaseysto/guursado” waxa weriyey Xaakim waana xadiis saxeex ah.

3.  “Qofku inuu cuno dirham ribo ah waxay ilaahay agtiisa ka denbi badan tahay inuu 36 jeer sinaysto”waxa musnadkiisa ku weriyey Imaam Axmed Ibn Xanbal.
Bal ka waran qofka u sharciyeynaya malaayiin qof inay maalaayiin doolar oo ribo ah cunaan denbigiisa yaa qiyaasi kara?,

Ugu danbeyn xeerkan cid baa dabada ka riixaysa oo wadata, waxaana laga yaabaa inay yihiinba cid aan aaminsanay xaaraantinimada dulsaarka, aaminasanaan la'aantaasi ha ahaato diin la'aan, amaba Jahli iyo aqoon darri, waxase la yaab leh, siday golaha baaralamaanka ugu suurtowday inay xeerkan furaan amaba ka doodaan, iyadoo distoorkii ay ilaalintiisa ku dhaarteen uu si cad u tilmaamayo qodobadaynu kor ku xusnay!, sidoo kale kitaabka quraanka ee ay gacanta saareen uu xusayo cawaaqib xumida iyo denbiga ribada!!!.

Waxa isna iswaydiin mudan: baarlamaanku wuxuu leeyahay guddi hoosaadyo tiro badan, maxaa diiday in la sameeyo guddida arimaha shareecada qaabilsan?
ugu danbeyn waxa jira xubno golaha wakiilada ka tirsan oo dadaal badanku bixiyey in xeerkan la waafajiyo distoorka dalka, lana ansixin wax diinta islaamka meel ka dhac ku ah, bogaadin bay mudan yihiin, xubnaha u ololeynayana waxaan rajeynayaa in damiirkoodu qabto, inay ixtiraamaan bulshada dooratay, distoorka ay ku dhaarteen, inay u tudhaah aakhiradooda, Allena ka cabsadaan.

Qormadani waa waano iyo toosin, Allena waxa aan ka baryayaa inuu dhego furan la kulansiiyo.

Dr. Abdulqani Hussein Mohamed – Beder

PhD in Islamic Banking and Economics

Email:Cabdiqani2@hotmail.com.