Casharada Nolosha (5): Qiso Xiise Badan Oo Aynu Ka Baranayno Muhiimadda Ay Leedahay In Xalka Mushkiladda Aa Laga Raadin Meelaha Loo Tirinayo Oo Keliya

0
1295

Hargeysa (Geeska Afrika)- Casharka Afaraad ee duruustii aynu ugu magacdarnay ‘Casharrada Nolosha’ oo aynu aalaaba ka soo qaadanno buugga ‘Mawcidun macal xayaat’ waxa aynu ku soo qaadanaynaa qiso xiiso badan oo ina tusaysa muhiimadda ay leedahay in qofku aanu dhibta hesha xalkeeda ka raadin hareerihiisa iyo inta loo filayo uun.

Nin macmiil ah ayaa shirkad uu gaadhi ka iibsaday kula soo noqday cabasho yaab leh. Waxa uu sheegay in mar kasta oo uu doono in uu Iskiriin (Ice cream) soo iibsado, ee inta uu gaadhiga ka dego uu meheradda galo si uu u soo qabsado, ay dhacdo in haddii uu dalbado Iskiriin leh Istarooberi, marka uu soo qaato ee uu gaadhigiisii inta uu ku soo noqdo uu dambe in uu istaadho, aanu istaadhmayn. Haddii se’ uu dalbado Iskiriin Shaglaydh leh, ama mid Faniile (Caddaan) ah, gaadhigii waa uu shaqaynayaa!

Masuulkii shirkadda ee uu macmiilkani la kulmay waxa uu u qaatay ruux ilaaq iyo hadal-tiro u socda, ama in aanay maskaxdiisu fayoobayn.!  Si kastaba ha ahaato ee macmiilkii waxa uu ku adkaystay cabashadiisa oo ay arrintu gaadhay masuuliyiinta sare, sidaa awgeed waxa ay shirkaddu dacwaddan ninkan soo xaqiijinteeda u dirtay injineer, soo baadha.

Injineerkii arrintii waa uu hubiyey oo tijaabadii uu sameeyey waxa uu ku ogaaday in cabashada ninkani ay jirto, laakiin macnaynteeda iyo sababteeda uu ku jahowareeray, dhibaatadiina sidii ayaaay u sii socotay. Shirkaddii oo marka garowsatay in xaqiiqo ay tahay cabashada macmiilkani, loogana baahan yahay in ay sababta caddayso maadaama oo uu damaanad-qaad ka haystay, waxa ay arrinkan ay u caal-wayday u dirtay farsamoyaqaan muddo dheer gaadiidka ka soo shaqaynayaye oo makaani ah, laakiin aan cilmi ahaan u baran.

Makaanigii aan Injineeriyadda baabuurta barani markii uu cilladii u fiirsaday waxa uu furfuray hal-xidhaalahan yaabka leh. Waxa uu ka fikiray oo xalkii ka helay meel ka baxsan halkii laga raadinayey.

‘Iskiriinka Istarooberiga leh ee meheraddani iibisaa waa uu sii diyaarsan yahay oo meheradda ayaa uu yaalla, sidaa  awgeed uma baahna diyaarin iyo in uu qofku sugo wax ka badan laba daqiiqo. Laakiin Iskiriinka shaglaydhka ku samaysan, ama Faniilaha ahi ma sii diyaarsan, sidaa awgeed waxa uu u baahan yahay in qofku sugo inta la diyaarinayo ugu yaraan Shan daqiiqo’

Waxaa laga yaabaa in aad is weydiinayso sheekadan samaynta iskiriinku maxay xidhiidh la leedahay dhibaatada gaadhigan haysata, bal haddaba u fiirsan waa tan jawaabtii ee; ‘Gaadhigan waxaa ku jirtay cillad injiinka ah oo uu kululaanayey, iyada oo aanay saacaddu muujin, sidaa awgeed haddii gaadhiga oo muddo soo istaadhnaa la bakhtiiyo aanu awoodayn in uu dhaqso dib ugu istaadhmo illaa la sugo ugu yaraan shan daqiiqo oo ah inta uu dib u qaboobayo kadibna istaadhmayo. Markaa labadan Iskiriin ee muddada Shanta daqiiqo ah uu ninkani sugi jiray waxa ay ku simi jireen inta uu Mishiinku qaboobayo sidaa awgeed marka uu yimaaddaba waa uu u istaadhmi jiray, halka Iskiriinka diyaarsan marka uu iibsado uu markiiba soo noqon jiray kuna beegmi jiray gaadhigii oo aan weli qaboobin, sidaa awgeed aanu u istaadhmi jirin illaa uu sugo Shan daqiiq” Halkaas ayaa ay cilladdii ku caddaatay, xalkiina noqday in mishiinka gaadhiga laga bi’iyo kulaylka.