Casharada Ay Tahay In Ay Somaliland Iyo Somaliya Ka Bartaan Dabaylaha Gooni Goosad Ee Lulaya Dalalka Yurub

1
741

 

go'itaankaHargeysa (Geeska)- Guusha ballaadhan ee uu doorashooyinka golaha deegaanka dalka Belgium ka soo hooyey xisbiga aaminsan in gobolka Flemish uu ka madax bannaanaado dalka Belgium intiisa kale ayaa mar kale soo celisay su’aasha muddooyinkan u dambeeyey ka taagnayd midnimada iyo is-raacsanaanta dhuleed ee dalalka Yurubta galbeed. Baaqa degdegga ah ee uu Bart De Wever oo ah  hoggaamiyaha xisbiga gooni-goosad doonka ahi ku soo jeedinayey in dalka Belgium uu isugu yimaaddo wada hadal ku aaddan sidii nidaamka dalku u noqon lahaa Con-federal haddii kale uu ku dhawaaqi doono madax bannaani, ayaa si cad u muujinaya sida midnimada dalka Belgium aanay ugu taagnayn cago adag.

 

Hoggaamiyaha xisbiga gooni-u-goosadka ah ee NVA (Isbahaysiga cusub ee Flemish) oo ah nin taageero badan ku leh woqooyiga afka Dutch ka lagaga hadlo ee dalka Belgium ayaa markii ugu horraysay muddo 60 sano ah xisbigta Hanti-wadaagga ah ka fara maroojiyey jagada duqa magaalada Antwerp oo ah wadnaha ganacsi ee dalka Belgium iyo magaalada labaad ee ugu weyn dalkaas, waxa aanu doonayaa in ay magaaladani caasimad u noqoto dalka uu doonayo in uu ka dhiso woqooyiga Belgium,

Cabsida ah in dalal badan oo Yurub ahi kala go’i doonaan kuma koobna Belgium. Gobolka Scotland ayaa isna hadda ku hawlan sidii uu dalka Ingiriiska ugu qancin lahaa in uu ka qaato madaxbannaani qarannimo oo dhamaystiran. Raysalwasaaraha ingiriiska David Cameron ayaa Isniintii toddobaadkii dhowaa si rasmi ah u ogolaaday in sannadka 2014 ka dadka Scotland laga qaado afti lagu ogaanayo madax banaani iyo midnimo ka ay doonayaan.

Waxaa si xoog badan isu soo taraya dhawaaqyada gooni goosad doonka ah ee gobolka Catalonia ee dalka Spain. Dad badan oo gobolkaa ka soo jeeda ayaa muddaba u halgamayey sidii uu uga go’i lahaa dalka Spain intiisa kale. Catalonia oo haddaba maamul hoosaad leh waxaa caasimad u ah magaalada Barcelona oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Spain, waana gobolka ugu qanisan dalka Spain. Madaxweyne Artur Mas oo ah hoggaamiyaha gobolka aadna ugu dheggen fikirka ah in uu gobolkiisu dal madax bannaan noqdo ayaa bishii hore ku dhawaaqay doorashooyin xilligoodii laga soo horreysiisyey oo dhacaya bishan foodda innagu soo haysa ee November, waxa aanay u muuqataa in uu kordhinayo awoodda siyaasiga ah ee xisbigiisu ku leeyahay gobolka si uu gogol xaadh ugu noqdo dawladda madax bannaan ee uu hiigsanayo.

Waxa aan iyagana la dhayalsan karin damaca gooni goosad ee gobolka Venice ee dalka Talyaaniga, siyaasiyiin gobolkaa ka soo jeedda ayaa bishan ku dhawaaqay damacooda ah in ay dib u soo nooleeyaan Jamhuuriyaddii gobolkan ka jiri jirtay ee Venetian.. Venice waxa ay hore u ahaan jirtay qaran awood badan oo iskii u taagnaa in ka badan kun sano, laakiin mar dambe ayaa lagu riixay in ay ka mid noqoto dawladda Talyaaniga oo ay hadda ka mid ahayd in ka yar hal qarni iyo badh.

Duufaanta gooni goosad doonka ah ee qaaradda Yurub sida daran uga dhacaysay muddooyinkan dambe kama geyoon karno oo xataa Faransiiska midnimadiisii ayaa hadal gashay, waxaana soo xoogeysanaya siyaasiyiinta iyo hal doorka jasiiradda Corsica ee doonaya in ay jasiiraddoodu noqoto dal ka madax bannaan Faransiiska, xadka Yurubna kuma koobna oo gobolka ugu ballaadhan dalka Canada ee Quebec qudhiisu waxa uu ol’ole ugu jiraa in uu dalka intiisa kale ka goosto. Dalalka kale ee in ay ka go’aan la filayana waxaa ka mid ah China, Russia iyo Azerbaijan.

Gobolladan aynu soo tirinay haddii ay ku guulaystaan halgankooda gooni isutaag iyo haddii kalaba waxa ay saaxadda dunida ku soo celinayaan doodad sharci iyo diblumaasiyadeed ee ay dadka qaar sida indho la’aanta ah uga hor keenaan xaqa ay ummaduhu u leeyihiin in ay aayahooda ka tashadaan. Waxa iyaduna madasha taalla runta ah in aanay qaramada midoobey aqoonsanayn dal ka go’ay dal-weynihii uu ka tirsanaa oo aan fasax ka wadan qaybta uu ka go’ayo, taas oo ah qadiyadda illaa hadda hor taagan dalka Taiwan isla markaana ay hadda dunidu bilowday in ay Somaliland ku riixdo.

Haddaba maadaama oo ay dalalka reer galbeedku in badan ka warwareegayeen inay aqoonsadaan madax bannaanida Somaliland, su’aasha dhaqdhaqaaqyadan ka dhalanaysaa waxa ay tahay, haddiiba ay dalalkaas kala go’aan Somaliland qadiyaddeeda qiil ma u noqon karaan, waa maxayse darsiga ugu jira ee ay tahay in ay Somaliland ka barato.

Khadar Xuseen Cabdi oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo jaamacadda West England (UWE) ee carriga Ingiriiska ka barta culuumta siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ayaa labadan su’aalood sidan uga jawaabaya, "Aduunka wadamada doonaaya inay ka go’aan wadamadii ay ka tirsanaayeen wixii ka danbeeyay Dagaal weynihii labaad ee adduunku, waxay kor u dhaafaan 28 dal. Isku daygaas waxaa kaliyaata oo si buuxda ugu guulaystay 3 wadan oo kala ah South Sudan, Eretria iyo Bangladesh dhamaantoodna dariiqa ay u mareen wuxuu ahaa inay la xaajoodeen wadamadii ay ka tirsanayeen. Wadamada kale ee doonaaya inay go’aana waxaa ka mida wadanka Scotland oo raba in uu ka go’o Ingriiska waxaanu qudhiisu maray dariiqaas ay mareen wadamadaas hore oo waxaa laga qaadayaa Afti… Markaas aniga iima muuqato wax muujinaaya in wadamadaas hada aad tirisay ee doonaaya inay go’aan ay soomaaliland qadiyadeeda wax ku soo kordhin karaan. Laakiin casharka ay Somaliland ka baran karto ayaa ah; in dariiqa ugu haboon ee loo mari karo aqoonsi uu yahay wada hadal dhaba oo Somalia lala galo. Wada hadaladaasina waxa ay u baahanyihiin xirfad iyo aqoon dheerada” Khadar oo ku talinaya in aan laga warwareegin runta ah in Soomaaliya lagala hadlo qadiyadda madax bannaanida waxa uu intaas ku sii daray, “Laakiin maaha in dadka lagu maaweeliyo lagama wada hadlaayo gooni isu taaga Somaliland sida uu Wasiirka Arimaha Debadu ku dodo. Ee waa in dood iibsami karta la soo bandhigo oo sharaxaysa sida Somaliland oo gaar noqotaa ay faa’iido ugu tahay gobolka iyo aduunkaba dhaqaala ahaan, siyaasad ahaan iyo amni ahaanba."

Marka laga yimaaddo casharkaa uu Md. Khadar ka dheegtay dabaylaha gooni goosad ee ka dhacaya Qaaradda Yurub, oo ah kuwo ay tahay in ay ku baraarugsanaadaan dadka reer Somaliland, waxaa isaguna arrintan dhinac kale ka istaagay Md. Cabdixakiim Yuusuf Khayre oo ah muwaadin aqoonyahan ah oo shahaadada darajada labaad (Masters) u haysta culuumta siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah.

Cabdixakiim waxa uu qudhiisu aaminsan yahay in ay qasab tahay in dalku qaybta kale ee uu ka go’aayo uu qadiyaddiisa ku qanciyo heshiisna ay ka wada gaadhaan. Waxase uu hoosta ka xariiqay cashar labaad oo ah in ay Soomaaliya qudheedu ka barato waxaa ka dhacaya guud ahaan qaaradda Yurub iyo si gaar ah Ingiriiska oo ka mid ah dalalka saamaynta ugu weyn ee siyaasadeed ku leh Somalia iyo Somaliland labadaba, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Afrikaanka ayuun baa ceeb u haysta natiijada ka soo baxda dimuqraadiyadda, laakiin runtu waxa ay tahay in aanay habboonayn in innaga oo joogna qarnigii 21aad aynu ka cadhoono ummad aayaheeda ka tashanaysa… waxaa tusaale inoogu filan in dawladdii Ingiriiska ee innaga inagu riixaysay in aynu Soomaaliya la hadalno ay iyada qudheediina ogolaatay in qayb ka mid ah go’itaankeeda lagag wada hadlo oo afti laga qaado qaybtaas. Waa tusaale madaxweynaha Soomaaliya ku dhiirri gelinaya in uu isna sidaa yeelo oo ogolaado doonista shacabka Somaliland..”

Dhanka kalana waxa uu aqoonyahan Cabdixakiim ina xasuusinayaa taariikhdii ay ku beegantay curashada Somaliland, “Markii aynu 1991-kii gooni isutaagga ku dhawaaqnay, waxa ay ku beeegantay curashadii ugu yaraan 17 dawladood oo dhammaadkii qarnigii 20aad ku soo biiray qaramada midoobey oo dhammaantood dalalkoodii hore ka soo go’ay… Tanina waa mawjad labaad oo gooni isutaag ah oo timi bilowgii 21aad, waan laydh caafimaad oo u muuqata in ay Somaliland u galbin doonto kursiga Qaramada midoobey”

Ugu dambayntii waxa uu aqoon yahanku ku talinayaa, “Fursaddaa hore waa ay ina dhaaftay, ee aynu ka faa’idayno mawjaddan hadda oo war fiican u ah madax bannaanideenna” Waxa aanu hadalkiisa ku soo xidhay, “21kii sano ee ay Somaliland aqoonsi la’aanta u taagnayd waxa ay caalamka ku tahay fadeexad; dal ay dimuqraadiyaddiisa jecel yihiin, dhaqaale ku bixinayaan, kormeerayaan, la hadlayaan, wax la qabsanayaan, haddana aanay halkaa u dhaafayn illaa Somalia jawaab laga helo.. Soo miiraabidda Soomaaliya iyo cahdiga cusub ee ah in aynu wada hadalnaa waa qiilka ugu weyn ee inoogu dabaysha Yurub ka dhacaysa”

Comments are closed.