Guddoomiyaha Hay’adda Tayada Oo Digniin Culus U Diray Shirkadaha Shidaalka Wasakhaysan Soo Dejiya

0
3777

 

siciidHargaysa( Geeska )- Guddoomiyaha hay’ada ilaalinta tayada Md. Siciid Saleebaan Mire, ayaa mar labaad ku dhawaaqay in aan guud ahaan dalka la keeni karin shidaal aan wadan warqada tayada.

 

Guddoomiye Saciid Saleebaan waxa uu daboolka ka qaaday in muddooyinkii ugu danbeeyay ay dalka soo galayeen shidaal tiro badan oo ay tayadiisu liidato, isla markaasna khasaare  xoogan uu u gaystay mishiino iyo gawaadhi tiro   badan.

Gudoomihu waxa uu ku amray shirkadaha shidaalka dalka keena in ay soo qaataan shidaal wata warqadii tayada, si loo hubiyo tayada shidaalkaas, waxaanu ku amray kastamada iyo meelkasta oo lagu cashuuro shidaal in aanay cashuuri karin shidaal aan wadan warqadaas tayada.

Siciid Saleebaan waxa uu arintan kaga hadlay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Waxaan mar labaad ogaysiinaynaa dhamaan shirkadaha soo dajiya shidaalka dalka yimaada in aanay dalka keeni karin haba yaraatee shidaal aan wadan warqada tayo wanaaga. Waxa dalka la soo darsay dhibaatooyin dhaqaale burbur oo uu keenay shidaalka aan tayada wanaagsanayan, shidaalkaas oo u gaystay bulshada Somaliland khasaare lixaad leh iyada oo dhibta khasaarahaas laga soo sheegayo gobalada dalka oo dhan.”

Gudoomiyahu isaga oo faahfaahinaaya khasaaraha uu gaystay shidaalkaas aan tayadiisu fiicnayn waxa uu yidhi “Waxa uu dhaawac balaadhan soo gaadhay mishiinada laydhka ee ay ku shaqeeyaan shirkadaha laydhka ee dalku, oo qaar badan oo kamid ah ay dhibaatadaasu u gaysatay cilad joojisay shaqadii, waxa kale oo uu gaadhsiiyay khasaare balaadhan gaadiidlayda oo uu meelkasta fadhiistay gaadiidka xamuulka ah, waana shidaal khasaare soo gaadhsiiyay bulshada guud ahaan.”

Ugu dambayntii waxa uu Saciid Saleebaan shirkiisan jaraa’id ku soo gunaanday sidan “Sidaas awgeed aniga oo tixraacaya warqad hore oo soo baxday 29-02-2012 oo ahaa go’aan ay ka midaysnaayeen wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada, wasiirka ganacsiga iyo aniga oo ah gudoomiyaha hay’ada ilaalinta tayada, kadib  markii aanu yaqiinsanay dhibta uu dalka soo gaadhsiiyay shidaalkaas tayadiisu xuntahay, waxaanu ogaysiinaynaa ma rlabaad dhammaan shirkada shiladaalka in aanay dalka keeni karin haba yaraatee shidaal aan wadan warqada tayo wanaaga.”